WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybihii 11,12, iyo 13 aad

0
296

QORMADII 11-AAD
11. RAMADAAN WAA FURSADA CIMRIGA.
Hargeysa(Warsugannews)Ramadaan waa fursad dahabiya Eebbe korreeye siiyey adoomadiisa, uguna taloglay inay uga faa’daystaan sida ugu fiican, waa fursad loogu tala galay kii danbi dhaafka doonayey Rabbigii danbi dhaaf ka dalbo, kii jano ka doonayey inuu naarta ka magan galo waa bishii naarta Eebbe ka xoreynayey adoomadiisa naarta, waa bishii adoomada wanaagsan Rabbi u balaqayey janadiisa, waa bil Rabbi ugu talagalay bishan si ay adoomadiisu uga faa’idaystaan khayrka ayuu ka xidhxidhay shaydiinta waa taas oo aynu arkaynu masjidadii oo camiran lana soo buux dhaafiyey dikriga Eebbana ka socdo, sidaad oo ay tahay waxanu soo qaadan doonaan dhawr arrimood oo aynu ku sheegin doono ramadaan waa fursada cimriga.
 RAMADAAN WAXAY LEEDAHAY FURSADA LAYLATUL QADRIGA.
Waxaa uu illaah Ramadaan dhex galiyay hal habeen oo ka fadli badan kun Bilood, taasoo macnaheeda yahay in habeenkaas Cibaadada la sameeyaa ay ka kheyr badan tahay 1000 Bilood oo cibaado ah, waa in kaban 82 sano qiyaastii, waa Habeen aad u qiima badan, kana kheyr badan yahay kun Bilood, waxyaabaha uula dheeraadka yahay Habeenkaasna waxaa ka mid ah in Malaaikta uu kamid yahay Jibriil ay soo dagaan, waana Habeen nabad xambaarsan ilaa waagu ka dilaaco.
 RAMADAAN WAA FURSAD LAGA HELO DARAJOOYIN DHEERAADA.
Waa fursad lagu helo darajooyin dheeraad qofkii sooma bishan Eebbana soo gaadhsiiyo, Rabbina ku simo inuu bilawdo dhamaystana, haddana Eebbe ugu deeqo ajarkeeda iyo barakadeeda, waxaana taas u daliila arinkii sadexdii asaxaabi ee laba ka mid ahi ku dhinteen iyadoo lagu jiro jihaad, ka saddexaadna dhintay dabadood, ka dib asxaabtii rasuulka ayaa ku aragtay sadexdaa asaxaabi riyo, waxayna ku arkeen iyadoo kii danbe uga hormaray janada labadii hore, kolkaas ayaa sheekadii loo sheegay Rasuulkeeni suubanaa (NNKHH) wuxuuna yidhi ‘’ miyaanu ka danbe salaado dabadood tukan, miyaanu ramadaan soo gaadhin oo aanu soomin, waxaan ku dhaartay kay gacantiisa naftaydu ku jirtee waxay is dheeryihiin intay isku jiraan samada iyo arladu’’ . haddaba saxaabigaa danbe wuxuu ku dhaafay labadaa hortii dhintay, kuna dhintay jihaad wuxuu soo gaadhay ramadaan soomayna, haddaba maxaad u malayn inteena Eebbe maanata soo gaadhsiiyey, miyaanay habboonayn inaynu ka faa’idaysano, danbi dhaaf Rabbi ka dalabno, naar ka magan galno, jano waydiisano. Aynu da’daalno, Eebena ha ina’waafajiyo.
 RAMADAAN WAA FURSAD CAMAL KASTA OO KHAYRLEH KU JIRO.
Ramadaanku Bilaha fursada ay dheertahay waxa weeye waa in ay bishani Xambaarsan tahay Cibaadooyin ay yartahay in sanadka oo dhan laga dhex helo oo aad u fara badan sida Soonka, Qiyaamka, Quudinta Masaakiinta, Ictikaafka, Sadaqada iyo Qur’aan aqriska, waa bisha dhinca kastoo aad ka fiiriso ka helayso camal khayriya, waxaana Bisha Ramadaan la Jibbaaraa Ajarada taasoo ah fursad aan mar walba laheli Karin, ramadaan gaar ayey lasii tahay camaladan aynu soo sheegan, aynu aad ugu dadaalno bishan indha dheeradana aynu ku eegno, camalka aynu samaynayna aynu u badhaxtirno Eebbe koreeye.
 RAMADAAN WAA FUSAD DANBI DHAAF.
Ramadaan waa fursad adoonku iskaga maydho danbiga, Rabbigii ka baryo inuu u danbi dhaafo, si aynu uga fa’ideysano ramadaan shayga ugu horeeya ee la’inaga rabaa waa Eebbe oo aynu u tawbad keeno, kana murugoono wixii danbi ahaa ee aynu soo sameynay, waxay inoo furmi albaab kasta oo inaga xidhnaa, Eebbana ha inaga yeelo kuwii uu ducadooda ka aqbalo, kana xoreeyo naarta.
Ramadaan waa bil Eebbe korreeye ka fadilay bilaha kale, dhex galiyeyna fursadahaa iyo waliba in badan oo aan ka tagay, waxaana mudan in laga faaiideesto daqiiqad kasta oo ka mid ah ramadaan, aynu sida ugu wacan uga faa’idaysano kana qaniimaysano insha allaah.

QORMADII 12-AAD
12. SOONKU WAA SIRTA ADIGA IYO ILAAHAY.
Soonku waa sirta adoonka iyo Rabbigii u dhaxaysa, soonku waa arinka kaliya ee Eebbe isagu sheegtay inuu leeyahay, waa shay uu ilaahay kaligii ogyahay, waa arrin aanu abaalkiisa garan karin ilaahay mooye cid-kale, waayo haddii aad camal qabanayso waa laguu sheegay ajarkiisa laakiin soonka Eebbe wuxuu sheegay inuu isagu adoonka ka abaal marinyo, lamana ogaan karo adoonka dar alle afkiisa u xidhay iyo Rabbiga u sooman yahay mooyaane, runtii waa sir adoonka iyo Rabbigii ka dhaxeyn karta haddii adoomadu wanaajiyaan soonka ay la imanayaan waxaa hubaala inuu Rabbigood u abaal gudi maalinka adoonku rabo cid u gar-gaarta, laguna odhan ka gal janad albaabka saa’imiinta.
Waxaanu ina tusayaa soonka inuu ILAAHAY kalidii leeyahay xadiiskii ka soo arooray Rasuulkeenii suubanaa (NNKHH) kuna lahaa ‘’ camal oo dhan ibnu Aadam ayaa leh, waana xasano waana loo toban laabayaa ilaa todoba boqol oo libinlaab, wuxuuna Eebbe yidhi soonka mooyee, anigaa leh, anaana ka abaal marinaya, waayo wuxuu uga tagay shahwadiisii, cuntadiisii, cabidiisii, dartay, qofka soomana waxa uu leeyahay labo farxadood, farxad markuu afurayo ah, faraxad markuu Rabbigii la kulmo ah ee laga abaal marinayo soonkuu aduunka ku soo soomay, Urta qofka sooman afkiisa ka soo baxsana waxay Alle agtiisa uga udgoon badantahay Urta miskiga’’ xadiiskani wuxuu inoo tusayaa ina soonku yahay xidhiidh toos ah oo adoonka iyo Rabbigii ka dhaxeeya.
Riwaayad ayaa iyadna lahayd ‘’camal oo dhan ibnu Aadam ayaa leh soonka mooyee, soonka anigaa ayaa leh’’
Riwaayad bukhaari soo wariyey waxay leedahay: ‘’Qofka sooman lama oga inuu sooman yahay kii abuurtay uun baa og, waayo camalada kale qofka waa la arkaa markuu gudanayo sida, oogida salaadda, bixinta sakada, tagista xajka, xataa qofka waxa laga yaaba inuu is yidhaa waa lagu arka’yaaye is wanaaji, oo si fiican u tuko, lacag badan bixii, laakiin soonku intaaba wuu ka madhanyahay, ka dar Alle u af xidhan Lamana ogaan karo, fursad uu cid isku tuso way yartahay, sidaas ayuu ku noqday shay qarsoon oo adoonka iyo Rabbigii ka dhaxeeya, wuxuuna noqday soonku shay kaligii Eebbe isku badhaxtiro, oo xataa abaalkiisa adoonka dib loogu dhigo, runtii waa fursad wacan, sir fiican waa xidhiidh adoonka iyo Rabbigiiya, aynu qurxino wada shaqayntaa inaga iyo Rabbigeena.
Maxay kula tahay inaad ka yeeli sirtaa aad la leedahay Rabbigaa, xidhiidhkaa qarsoon ee aad la wadaagayso Eebbahaa, waxa wacan inaynu ilaashano soonkeena, wixii wax kaa yeelaya inuu qofku ka ilaashado, waa inaad ku da’daasho cibaada’da, qiyaamu laylka, sakada oo la bixiyo intaad ku jirto ramadaan, quraan akhriska oo aad badiso, ku da’daasho ducada, intaasi waxay ka caawin karaan inuu soonkaagu kuu noqdo mid wanaagsanaada, mid kaa faxriya maalinka aad la kulanto Rabbigaa, wuxuu noqon mid laguugu naxariisto, mid aad naar kaga badbaado janana lagugu abaal gudo.
Waxaan u malaynayaa inaynu maanta in badan faa’idnay garanayna sirta Ilaahay la wadaagayno, islana qaadanay inaynu hagaajino, Soon fiicana la nimaadno, waxaan rabbigeen ka baryeynaa inuu soonkeena inaga aqbalo, kuwuu soonkood loogu badalo janana Rabbi naga yeelo.

QORMADII 13-AAD
13. SOONKU WAA SABIRKA BADHKII.
Soonku waa qayb weyn oo ka mid sabirka, qofka muslimka ahi wuxuu ku sabrayaa gaajadii, wuxuu ku ka fogaanayaa shahwadiisii, waxa uu dareemayaa nolosha ay ku noolyihiin dadka jilicsan ee kugu garab nooli, waxay u noqonaysaa madarasad uu ku barto qayb weyn oo noloshiisa ka mida, wuxuu ogaan in maalka uu haystaa yahay mid lagaa gaajoodo, wuxuu jadwalka ku darsan inay tahay noloshu “la helaa la waayaa”.
Rasuulkeenii subanaa (NNKHH) wuxuu xadiis ku lahaa ‘’ bisha ramadaan waa bishii sabirka, soonkuna waa sabirka badhkii’’ soonkuu waa sabirka bahkii, qofka muslimka ahna waxa noloshiisa lagama maar-maana inuu barto sabirka si wixii ku yimaada ugu sabro, dhinaca kale haddaad ka eegto waa fursad Rabbi kugu barbaarinayo sabir iyo intaad ladantahay inaanad eegin ka kaa sarreeyee laakiin aad eegto ka kaa hooseeya, Eebbahaana ugu mahadnaqdo nimcada kugu galadaystay ee aad haysato, cabayso ku cunayso qaajo la’aan, waayo xeelad iyo xirfadba ma dheerid walaalkaaga muslimka ah ee miskiinka ah, laakiin Eebbe korreeye adna waa uu ku siiyey isna lama siin, waxaana kula gudboon inaad mahadnaqdo, maskiintana haddii aad awoodo inaad afuriso.
Waa bishii sabirka, waxaad ku sabri gaajada, waxaad ku sabri daalka salaadda taraawiixda, waxaad ku sabri ictikaaf masjidka, bishani waa bishii sabirka dhamaanteed, sidaas oo ay tahayna qof muslimka ahi xataa wuxuu naftiisa ka joojinayaa xumaanta, xataa oo ay tahay soonku u noqday sabirka badhkii.
Sabirku waa saddex qaybood.
 Inuu qofku ku sabro daacada ilaahay.
 Inuu qofku ka sabro maxaarimta
 Inuu qofku ku sabro qadarka alle.
Sadexdani waxay koobsadeen soon, xidhiidh ay la leeyihiina soonka, tusaale qofka muslimka ahi wuxuu qofku ku sabraa daacaadka ilaahay, sidaa salaadda, iyo qiyaamu laylka, ama inuu shahwad ama xaaraanta ka sabro, intaasi kama madhna soon.
Saxaabigii waynaa ee salmaan al faarisi Alle raali haka noqdee ayaa yidhi ‘’ waa bishii sabirka, sabirka abaalkiisuna waa janno ’’saxaabigii kale ee cabdilaahi ibnu cumar ‘’ soonka ilaahay ayaa leh, abaalkiisana alluun ayaa garanaya’’
Sidaas oo ay tahay sabirka iyo soonka xidhiidh ayaa ka dhaxeeya, Rasuulkeenun (NNKHH) inuu soonku yahay sabirka badhkii, walaalkayga muslimka ahaw ogsoonaw in intaad soomantahay aad tahay qof samir badan la imanaya, sabirka badhkii ayaad leedahay intaad soonkaa ku guda jirto.

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI