WAX KA BARO BISHA RAMADAAN QAYBTII 14,15, iyo 16 AAD

0
844

QORMADII 14-AAD
14. SOONKU WAA TARBIYADA NAFTA.
Hargeysa(Warsugannews)Soonku waa bil la tarbiyadeeyo nafta, waa bil lagu barbaariyo, daacaadka Alle, ku xidhnaanta masjidka, ka dheeraanshaha, xanta, beenta, af lagaadada, iskudirka, iyo xumaan oo dhan, waa bil ay nafta la dareensiiyo dhadhanka macaan ee ay leedahay cibaadad alle, waa bil ay nafta u siyaado Iimaanku, oo ay galabsato shaqaysatana naftu ajar badan, waa bil ay danbi dhaaf badan ka hesho Rabbigeed, waa bil hadduu Eebbe ka aqbalo janada la galin naartana laga xorayn, waa bil ay dhex mushaaxdo naftu khayr badan, Eebbe waxaan ka baryayaa inuu naftayda iyo nafaha muslimkaba ka yeelo kuwii ku tarbiyadooba bishan barakaysan ee ramadaan, kana qalin jabiya iskuulka bisha ramadaan, waxay ka bartaana ku camal fala, haddaba waxaynu soo qaadan doonaa dhinacyada ramadaan kaa tarbiyadayn karto.
 KU XIDHNAANSHAHA MASAAJIDKA.

Ramadaan waa madarsad wax laga barto, waana barbaariso, halka wax lagu barto ee ay Ramadaan muslimka ku barbaarisana waa masjidka, in shaydaamadii qof muslimka ah ka mashquulin jiray cibaadad Alle ee maanta laga xidh-xidhay waxaad ka arki kartaa masaajidada oo buuxa, waxaan ku talin lahaa inaan la faaruqin masaajidada maanta buuxa, dadkan masaajidada buuxiyay maanta maaha dad meel kale ka yimid, waa dadkeeni inala noolaa, laakiin markii hore uu duufsaday shaydaanku Rabbi ha fogeeyee, haddaad tahay nin wixii hadda ka danbeeya salaadda jamac la’aan ha ku tukan, gabadhuna guriga haku ilaaliso, yaynaan gadaal u laaban.
 BEENTA OO AAN LA SHEEGIN.

Beenta inaan la sheegin ramadaan ayaa qofka muslimka ah ka xakamaysa, haddii uu been sheegana intuu soomanyahay waxa ay wax yeelaysaa soonkiisa, Eebbana wuu inooga digay in hadaynu nahay muslimiin midkeen been sheego, Rasuulkuna wuxuu tilmaamay qofka beenta sheegaa inuu ka mid yahay munaafiqiinta, waa kii xadiiskiina inalahaa ‘’ calaamadaha munaafiqiintu waa saddex, waxa ka mid ahayd, markuu hadlayo been ayuu sheegaa’’ ramadaan been sheegi maysid, laakin markay baxdo haday kaa dhici jirtay hore dib ha ugu noqon, iskuul aad wax wanaagsan ka baratayna hakuu noqoto.
 XANTA OO LAGA DHEERAADO.

Xantu waa mamnuuc, culimada qaar ka mid ahina waxay qabaan in xantu jabisaba soonka, laakiin taa la iskuma raacsana, waxay ku tusin laakiin khatar ay leedahay, iyo dhibta ay gaysan karto, Rabbina waa kii quraankiisa ku yidhi ‘’ midkiin ma jecelyahay inuu cuno maydka walaalkii…’’ sidaas ayuu la mid yahay qofka qofka kale xanta, lagamana yaabo inuu ka soomani qof kale oo muslima xanto, inuu xanto iska dhaafe waxaad arki kalgacalka dhex yaal dadka muslimka ah bisha, ramadaan tarbiyada ayey taana kaaga noqon.
 ISKU DIRIDDA OO LAGA DHEERAADO.

Isku diriddu labo qof oo muslima waa shay xun, waa arrin xumaan teeda leh, waa arrin diinteena suuban ee muslimka ahi aad uga digtay, in dadka loo kala dab-qaado oo loo kala sheekeeyo oo la isku diro waa arrin fool xun, Rasuulkeenuna (NNKHH) waa kii lahaa ‘’ janada ma galo dira-diraale’’ ramdaana waa madarasad lagaga gaashaaman karo, muslimka soomanina iskuma diro, dadna madaxa iskuma qaraaco, nafta muslimka ah ramadaan waxay ku baraarujin xumaantan oo ay ka dheeraato.
 XUMAANTA OO LAGA DHEERAADO.

Ramadaan waa madal uu qofka muslimka ahi ka galo xumaanta, xumaantana kaga dheeraado, waa bil uu u go’o Rabbigii inuu kalidii caabudo, waa bil uu ka fogaado xumaan dhamaanteed, waa wakhti tirsan oo danbi dhaaf Rabbigii kaga dalbado, waa dharaaro uu waydiisto wuxuu jecelyahay oo xumaan lahayn, laakiin ma laga yaabaa inuu qofka muslimka ahi xumaan dib ugu laabto ramadaan kadib, waan ka waanin lahaa, kulana talin lahaa, hore u soco oo dib ha usoo noqon, ramadaana waa dugsi lagu barto wanaag oo dhan xumaana lagaga fogaado.

Ramadaan tilmaannay, garannay inay tahay meeshaa qofka muslimka ahi ka soo baxay isagoo khayr buuxa, ku tarbiyadoobay cibaadada Alle, ku dedaalo inuu masjidka ku ictikaafo, salaadaha jamac ku tukado, gabadhuna gurigeeda ayna ku dhaafin salaadu, qiyaamu laylka aanu moogganaan, Rabbigiina markasta gacmaha kor ugu taago, haddaba dardaaran kaygu waxa weeyaan waar yaynaa ku noqon sidaynu ahayn ramadaan ka hor aynu halkaynu maanta joogno kor uga sii socono.

QORMADII 15-AAD
15. FAA’IDADA RAMADAAN KU GADAAMAN.
Soonku waa cibaado Rabbi kalidii leeyahay, isaga kalidii loo soomayo, cibaadooyinka lala imanayana inta qofku soomanyahay iyadna tahay shay Alle kalidii loogaar yeelo, soonkuna waa daacad Alle, oo loo hogaan samayo amirkiisa, haddaba qofkii muslimka ahi wuu gaajoonayaa, daalka salaadaha la faray ayuu Alle dartii ugu sabrayaa, sadaqaduu bixinayaa, quraan akhriska ayuu la imanayaa, xumaan oo dhan ayuu ka joogsanayaa, sidaas oo ay tahay wuxuu ku da’daalayaa inuu ula yimaado cibaada’daa Eebbe sida ugu wacan ama ugu fiican, haddaba waa maxay faa’idada uu qofku ka helayo soonkan oo uu dhibtaa u marayo ka sakaw inay tahay amar Eebbe korreeye muslimiinta faray, haddaba waxay tilmaami faa’idada bishan ku gadaaman si ay inoogu noqoto baraarujin iyo dhirigalinba.

 Waxaynu ka faa’idaynaa in la inoo danbi dhaafayo bishan, Eebbe loo towbad keenayo, malaa’ik ayaa intuu qofka muslimka ahi soomanyahay Rabbi u baryeysa inuu u danbi dhaafo, Eebbe ha inaga yeelo kuwa wasakhdooda laga maydho, loona danbi dhaafo bishan barakaysan ee ramdaan.

 Waxaynu ka faa’idaynaa inaynu ku sabro gaajada, oonka iyo wixii dar Alle inoo gaadha inta aynu soomanahay.
 Waxaynu ka faa’idaynaa oo aynuu dareemaynaa nolosha ay ku nolyihiin fuqarad ama dadka baahan ee muslimiinta ahi marka ay mamnuuc inaga noqoto cuntada iyo cabidu.

 Waxaynu ka faa’idaynaa dhawrsanaan iyo akhlaaq wanaag soonka kadib, waayo wax weeyi qof kasoo baxay bil khayr badnayd kana madhnayd xumaan oo dhan, isguna uu la imanayey khayr iyo camal fiican.
 Waxaynu ka faa’idaynaa caawinta iyo quudinta masaakiinta ku dhex nool dadka muslimka ah, waayo ay tahay bishani bishii wax la’la baxayey.

 Waxaynu ka faa’idaynaa bishan inaynu nafteena ku xisaabino wixii ay khayr samaysay, ama ay fashay shar, waayoo bisha ramadaan tahay bil dadka muslimka ahi u kala dheereeyaan cibaada’da Alle, lagana fogaado xumaan dhamaanteed.
 waxaynu ka faa’idaynaa in bishani tahay bishii isa saamaxa iyo is gacan qaadka waxa habboon in qofka muslimka ahi bisha ku sifoobo akhlaaq wanaagsan, haddii gef ka dhacana u usoo dag-dago raalin galin kana faa’idaysto bishan waayo bishii isa saamaxa weeyaan .

 Waxaynu ka faa’idaynaa xaata caafimaad, waayo maanta dhaakhtiirta caalamku waxay cadeeyen in soonku caafimaad yahay, sheegeena in soonku nasiyo caloosha, hagaajiyo dheefshiidka, ka foogeeyo qofka sooma cudurada khatar ah sida macaan ama dhiigkarka.

Haddaba soonku maaha meel la is kaga dhaafo cuntada iyo cabida, laakiin waa goob qofku ka dhaxli karo faa’idooyin badan, aan ahayn intaan halkan ku xusay, laakiin ay tahay intan iyo in kaloo ka badanba, qofkuna waxa habboon inuu uga faa’idaysto sida ugu fiican uguna mudan, aynu noqno kuwii intay ku jiraan ramadaan waxay ka barteen berri markay baxdo ay u noqoto shay dhaxl gala insha allah.

QORMADII 16-AAD
16. FADLIGA SALAADDA TARAAWIIXDA.
Salaadda taraawiixdu waa waa mid mudan In lagu dadaalo, waxa fiican in ramadaan gudaheed la camiro masaajidada salaadahana la oogo, waxana wacan in iyadana gaar loogu fiirsado salaadda taraawiixda, waayo salaadaa oo Nabigeenu (NNKHH) inoo sheegay ajar badan iyo fadli dheeraada uu ku duuganyahay salaadaa, Rasuulkuna (NNKHH) waa kii xadiiskii kulahaa ‘’qofka istaaga ramadaan isagoo iimaan qaba, isagoo ajarna ka raba Eebe, Ilaahay wuxuu u dhaafaa danbigiisii hore’’ka waran haddii aad hesho danbi dhaafkaa, ka waran haddii daalyar oo ku soo gaadhay ku doorsato jano, ka waran xanuun yar oo aad dareentay hadaad kaga badbaadid naar, salaadda taraawiixdu waa mid ajar badan iyo khary aan la soo koobi Karin ku gadaamanyahay, Rasuulkeenii suubanaana (NNKHH) xadiis kale waakii ku lahaa ‘’qofka la istaaga imaamka lana dhamaysta Eebbe wuxuu dhaafay danbigii ka dhacay, kiisii hore ’’. Ajar doon manad ahayn, danbi dhaaf ma doonaynaa, naar ma ka cararaynaa, jano Eebbe ma ka dalbanaynaa, hadduu jawaabtu tahay haa yaynaan mooganaan salaadda taraawiixda, aynu ku da’daalno siiba dhalinyartu.
 XUKUNKA SALAADDA TARAAWIIXDA

Salaadda taraawiixdu waa sunne adag (mu’akada), sida ay ku tageen culimada muslimiinta badankoodu, Eebbe raali ha ka noqdee imam Anawawi wuxuu yidhi ‘’ salaadda taraawiixdu waa sune, ayna isku raaceen culimadu’’ Imaam Abu Qudaama ayaa isna lahaa ‘’ salaadda taraawiixdu waa sune adag’’ Imaam Asarkhisi isna wuxuu yidhi ‘’ salaadda taraawiixdu waa sune aan laga tagi karin’’
 MAXAA LOOGU MAGACAABAY SALAATU TARAAWIIX.

Salaadda taraawiixda ee bisha barakaysan ee ramadaan waxa loogu magacaabay marka la eegayo afka carbeed ee ay tahay ( TARAAWIIX) waxaana la yidhaa nasashada afarta rakcadood u dhaxaysa, waana nasashadan u dhaxaysa laba rakcadood ama afar rakcadood dhexdooda, ayaa af carabi lagu odhanayaa ( ISTIRAAXA) taraawiixduna waa jamaca istiraaxa ama tarwixiya.
 TIRADA RAKCADAHA TARAWIIXDA.

Salaadda taraawiixdu waa kow iyo toban rakcadood, in kastoo ay culimadu isku khilaafeen tirada ay tahay rakcadaha taraawiixdu, laakin shaki kuma jiro in ta dhamayska tiran fiican in la sameeyana, laguna gaabsado kow iyo toban uu yahay qaabkii Rasuulkeena (NNKHH), siday ka sheegtay Caa’isha Rabbi raali haka noqdee markii asaxaabtu waydiiyeen qaabkay ahayd salaadii Rasuulku (NNKHH) ramadaan markay timaad, waxayna lahayd ‘’ muu ahayn mid ka badiya kow iyo toban, afar ayuu tukan jiray, kadib wuu nasan jiray, haddana afar kale ayuu tukan jiray, kadib wuu nasan jiray, kadibna witri ayuu raacin jiray’’. Laakiin in la kordhiyo iyo in la yareeyo midna wax diidayaa ma jiro hase yeeshee waxa fiican in lagu gaabsado kow iyo toban, maadaama oo ay nebiga (NNKHH) ka sugnaatay.
 WAKHTIGA SALAADDA TARAAWIIXDA.

Sida ayu isku wada raacsan yihiin culimada dhamaantood kana sugnaatay rasuulkeeni suubanaa (NNKHH) iyo khulafadii ka danbaysaba, wakhtiga salaadda taraawiixdu waa salaadda cishaa’i ka dib ayaa la tukanayaa, lana oogayaa salaadan taraawiixda.
 MAXAA HABBOON SALAADDA TARAAWIIXDA DHEXDEED.
Iyadoo salaadda taraawiixdu tahay sune, haddana waxa habboon inaynu tukano, oo aynaan iska dhaafin, waayo ajar badan ayaa ku gadaaman oo dadka badankiisu mooganyihiin, marka witrida gaadhana imaamku inuu duceeyo, waxaana fiican in qofka muslimka ahi ducaysto Rabbigiina baryo inta nasashada lagu gudo jiro.

Salaadda taraawiixda ajarkeeda argaynay, inbadan waynu ka ogayn, tana waxay ahayd baraarujin iyo is xasuusin, talo waxay iga tahay yaan la dhaafin salaaddaa, oo aad aynu ugu da’daalno, haddii aynu daalnana waa ayaamo ee ayaamahaa ha loo adkaysto

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI