WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii 26aad

0
486

QORMADII 26-AAD
26. XIKMADDA RAMADAAN KA JIRTA.
Hargeysa(Warsugannews )Xikmadda ramadaan ku jirtaa waa mid wayn oo aynu u kala qaadi doono dhawr qaybood oo ay faahfaahin doono.
XIKMADDA 1AAD ( WAA BIL CAMALKA Rabbi LOOLA GAAR YEELO)
Ramadaan waa bil camalka ay qabanayaan dadka muslimka ahi u gaar ugu yeelayaan Rabbi subxaanahuu watacaalaa, waayo waxaad arakaysaa qofkii muslimka ahaa oo soomaya gaajoonaya waxkasta oo jabinayana dar ilaahay iskaga joojinaya iyadoon aanay cidna ka war hayn, cidna aanay xisaabinayn, kuna da’daalaya siduu camalkaa ugu dhawaan lahaa Rabigii, kamana baqayo Rabbi cidaan ahayn, waxaana is og isaga iyo ilaahay oo kaliya, waana ikhlaas Rabbi loo kali yeelayo, taasina waa xikmad ku jirta bishan ramadaan.
XIKMADDA 2AAD (WAA BIL TARTAN).
Waa bishii tartanka loona kala dheeraynayey khayr dhamaantii, waa bil muslimiintu u kala tartamaan khayrka ku jira bishan Eebena waa kii quraankiisa ku lahaa markuu kasoo waramayey nimcadda janadda taal ” … taas ha u tartamaan kuwa tartamaa”. Ramadaan xikmadda kale ee la dhexdhigay waxay tahay in lagu tartamo khayrkeeda, mar kale waxa Rabbi quraankiisa ku lahaa ” ukala dheereeya danbi dhaaf, iyo jano baladhkeedu leegyahay samadda iyo dhulka”, maxaynaan ugu tartamayn, waxa hubaal inaynu ku tartano khayraadka bishan ku jira, sida salaadaha faralka oo aynu raacino kuwa sunaha, gaar ahaan qiyaamu laylka, sadaqada oo masaakiinta siino iydana waa tartan, quraanka oo aynu akhrino oo maalintii ama labadii maalmoodba dhamayno, isna waa tartan, itaas iyo wixii la mid ahi waa xikmada la dhexdhigay bishan barakaysan ee ramadaan.
XIKMADDA 3AAD ( WAA BIL NAFTA LA XAKAMEEYO.
Ramadaan waa bil nafta lagu tarbiyadeeyo khayr, waa bil nafta lagu xidho goobaha khayrku ka socdo, waa bil naftu dareento dhandhan cibaado, waa bil ay naftu ku nuurto, waa bil ay naftu ka dheeraato xumaan oo dhan, waa bil ay naftu khayr kasta u qabato dar ilaahay, markaa bishan xukamada ku jirra waxa ka mid inay naftu kasoo baxdo iyadoo ku tarbiyadaysan cibaado Alle, markaa tarbiyadaasina waa xikmadaha ku jira bish ramadaan.
XIKMADDA 4AAD (WAA BIL SABIR).
Xikmada kale ee ku jirtaa ramadaan inay tahay bishii sabirka oo Eebbe korreeye eegayo qofkasta oo muslima inuu sabirkiisu gaadhsiisanyahay, ma umalaynaysaa inuu sabirku ka maqanyahay oon iyo gaajada intuu afkaagu xidhnyahay, ma kula tahay inuu sabir ka maqanyahay intaad u taagantahay salaadaha sida, taraawiixda iyo qiyaamu laylka, intaas iyo inkaloo badani waa sabirka qofka muslimka ah la yimaad, sabirkaasina waa xikmada Rabbi dhexgaliyey bishan barakaysan ee ramadaan.
XIKMADDA 5AAD (WAA BIL AY ISKA WARHAYAAN MUSLIMKU)
Umadda muslimku meel kastoo ay joogto waa mid kaliya, waxayna ka dhiganyihiin jidh kaliyaata, xanuun, dhibaato, duruuf, iyo wixii kalaba qabsada, haddaba bishan xikmadaha ku jira ayey ka mid tahay in muslimka dhamaantii xaal kaliyaata wada noqdaan, waayo haraad ayey wada dareemayaa, gaajo ayey wada dareemayaan, Rabbi oo ay dartii u istaagaan daalka soo gaadha ayey wada dareemayaan, kadib waxa ka dhalan in kii taajirka ahaa markuu dareemo nolosha dadka muslimka ah ee aan waxba haysan, ayuu damqanayaa kadibna waynagaa arkayna oo masaakiinta la afurinayo, waxaana meesha ka dhalatay iska warhanytaas, haddaba iska warhayntani bishani wadataa waa xikmada Rabaani ah oo Eebbe korreeye dhexgaliyey.

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI