WAX KA BARO BISHA RAMADAAN QAYBTII 2aad

0
357

QORMADII 2-AAD
HARGEYSA(WARSUGANNEWS)2. SIDEYNU UGA FAA’IDEYSANAA RAMADAAN

Haddaba si aynu uga faa’idaysano bishan ugana qadhimaysano rabina ugu dhawaano camalada wanaagsan ee aynu falayno, si aynu ugu helno danbi dhaaf iyo naarta oo la inaga xoreeyo waxa lagama maar-maana inaynu raacno sideedan talaabo oo aad muhiim u ah.
• ADIGA IYO SALAADA.

In lagu da’daalo faralka iyo wakhtigeeda oo jamaca la latukanayo, kuna nagaano inta u dhaxaysa salaadaha masjidka, waxay noqon mid aynu ku faa’idno, salaaduna waa arrin aad loo xoojiyo markay soo gasho ramadaan.
• ADIGA IYO QUR’AAN-KA.

Xaraf kasta oo ka mida kitaabka alleh waa hal xasano, halkaa xasanan waa lagu toban laabayaa, ramadaanta iyadu waa ka ajar badantahay oo waa laguu todobaatan laabayaa, haddaba markaad jis quraana halkii maalin akhrido waxaad heli afar milyan oo ajar ah, haddaba sidaynaan laba iyo saddex jisba u akhrinayn, si aynu u helno ajarkaa, aynu baddino akhriska quraanka kariimka ah.
• ADIGA IYO SADAQADA.

Maalin kasta u qorshee xadi lacageed sadaqo intaad ku guda jirto bisha ramadaan, sadaqadana todobaatan ayaa laguu libinlaabi, wax bixintuna waxay daboosha cadhada alle, halkaad ka soo saarteyna in ka badan ayuu Rabbi galin.
• ADIGA IYO TARAAWIIXDA.

Salaadda taraawiixda waxa ku duugan ajar aad u weyn, xadiis ka sugnaaday nabigeeni suubanaa (NNKHH) wuxuu ku lahaa ” qofka la bilawda imaamka salaadda taraawiixda lana dhamaysta wuxuu Eebbe u dhaafayaa danbigii hore” haddaba maxaad u malayn salaadda aynu ku helayno danbi dhaafaka intaa leeg, waxaan ku talin lahaa yeynaa mooganaan salaadda taraawiixda.
• ADIGA OO DADKA CAFIYA.

Ka bilaw kii idinka dhaxeysay khilaafu waayo bishan waa bishii laabta ay isku xaadhanayeen muslimiintu, Alleha koreeyaa ma aqbalo soon bani aadam oo uu ku jiro cadaawad laba qof u dhaxaysa, aynu isa saamaxno intaynu ku jirno bishan ramadaan.
• ADIGA OO DADKA KHAYR U SHEEGA.

Bishan waa bishii dadka samaha la farayey xumahana laga reebayey, nabiguna waa kii lahaa (NNKHH) ”…iga gaadhsiiya aniga haba noqoto aayade” dadka ku baraaruji wax kasta oo aad is leedahay waad dheertahay, kuna dhiri gali kuwa kuu dhaw inay sameeyaan daacaadka alleh.

• ADIGA OO LA SAAXIIBA DADKA KHAYRKA JECEL.

la saaxiib ramadaanta saaxiibkaaga jecel wanaagga, la saaxiib ka kugu xidhaya masjidka, la saaxiib ka jecel bixinta sadaqada bisha ramadaa, la saaxiib dadka khayrka badan bisha ramadaan, kana fagaw cida xumaha faraysa, una fiirso ciddaad la socotid bishan barakaysan, hana noqoto cidda ku wahelinaysaa cid samaha jecel.
• ADIGA OO BADIYA DUCADA.

Asaxaabtii rasuulku waxay ahaayeen qaar ku dadaal ramadaanta ducada, adna noqo kii Eebbe barya bishan ramadaan, danbi dhaaf weydiista, waayo waxaad tahay ina nabi Aadam gefaya galin hore iyo galin danbe-ba, Rabbiga a danbi dhaaf wey diiso, umadda muslimka ahna u bari inuu ka saaro dhibaatooyinka haysta.

Waxaan rabbi ka baryayaa inuu inoo naxaraysto, inagana xoreeyo naarta, naftaadana kula dadaal wixii aad kaga faa’idaysanayso bishan barakaysan ee ramadaan, iskuna day inaad samayso tilmaa-mahan ama talaabooyinkan waxay hormood kaaga noqon doonaan camalka fiican ee aad samaynasid, Eebbe waxaan ka baryayaa inuu camalkeena aqbalo.

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI
Lasoco