QORMADII 4-AAD
4. FAA’IDADA CAAFIMAAD EE BISHA RAMADAAN
Bishan barakaysan ee ramadaan waxay leedahay faa’idooyin badan, waxaan u malaynayaa in laga dhargsanyahay faa’idadeeda dhinaca diiniga ah, laakiin anuu qormadeenan afraad waxaan ka istaagi doona dhinaca cilmiga casriga ah, iyo waxay ka yidhaahdeen dhakhaatiirta iyo culimada saynisku, anoo bayaanin doona faa’idada caafimaad ee ay leedahay bishan barakaysani.
Cilmiga caafimaadku soonka wuxuu u aqoonsaday inay lagama maar-maan tahay inuu qofku soomo sandkii hal mar, waana bil uu jidhka u suurta gasho inuu shaqooyinkiisa guto, waana shay lagama maar-maan u ah caafimaadka qofka haday tahay, cunitaan, cabitaan, hurdada, neefsiga, iyo shaqadiisa gaar ahaaneedba, kaba soo qaad haddii uu qofku hurdo badan seexdo wuu ku xanuusan, hadduu cunto badan waxa hubaal ah in uu xanuun la soo gudboonaan, saas oo kale ayey tahay cabiddu iyo wixii la mida, nimcooyinka Eebbe ayey ka mid noqotay in uu inagu faral yeelo bisha ramadaan si jidhkeeni caafimaad u helo, dhinac kalana aynu ay ka tahay in masaakiinta gaajada haysa in walaalkiisa muslimka ahi dareemo, haddaba haddaan soo carrabaabay faa’dada caafimaad ee ay leedahay bishani, waa maxay faa’idada cafimaad ee ku jirta.
• WUXUU KA HORTAGAA MACAANKA.
Wuxuu keenaa inuu hoos u dhigo kor u kaca uu keenayo cudurka macaanku, waayo wuxuu nasasho siiyaa waxa loo yaqaan (bankerias) , taasina waxay yareysaa dhaqdhaqaaqii uu samaynayey macaanku surtagalna uma noqoto inuu kaco.
• WUXUU KA HORTAGAA DHIIG KARKA.
Soonku dawo ayuu u yahay siday sheegeen dhakhaatiir badani, badankooduna ayna ahayn muslimiin, taana waxa aad u iftiimaysay daraasad ka soo baxday jamacad ku taala dalka jarmany, sidoo kalan waxay ku doodeen in soonku yahay fursad uu ku dajin karo qofka uu hayo xanuunka DHIIG KARKU.
• CUDURADAN KU DHACA MAQAARKA.
Soonku wuxuu daweeyaa cudurada maqaarka ku dhaca, waayo wuxuu yareeyaa xadiga biyaha ku jira jidhka, waxayna keenaysaa inuu yaraado soc-socdka ay sameynayaa midhicirada jidhku , taasi waxay keentaa inuu yareeyo cuduradii ku dhacayey maqaarka sare ee jidhka,
• WUXUU YAREEYAA BEER SUBAGA.
Sida ay ku doodeen dhakhaatiir badani waxay yidhaahdeen soonku wuxuu yareeyaa xanuunka aynu u naqaan beer subaga, mada’da loo yaqaan (calstrol) taas oo isku dahaana hareeraha sanbabada, taas oo marmar suurta gal ka dhigi karta inuu kordho subaga, sidaad oo ay tahay soonku wuxuu yareeyaa subaga, waanu ka hor tagaa.
• WUXUU XOGEEYAA UNUGYADA JIDHKA
Soonku wuxuu xoogeeyaa unugyada daciifka ah ee jidhka, waayo gaajadu waxay dhaqaajisaa xubanha hoose ee jidhka, si ay firfircooni u heelaan unugyada daciifka ah ee jidhku, taasi jidhka waxay u tahay fursad weyn xataa keenta inuu qashin saar keeno, waxa kaloo uu soonku ka ilaaliyaa waxyaabaha soo gaadhay jidhka,
Si kastoo ay tahayba soonku wuxu lee yahay faa’ido caafimaad maaha inta aynu halkan oo kaliya ku sheegnay, waaba uu kasii badan yahay, maanta waxa kale iska dhaafe gaaladii ayaa gaartey faa’dada ku jirta bishan barakaysan, maxaad u malayn ka muslimka ah ee ka moogan waxayaaba ku dugan bishan ee aan la tirin karayn, Rabbi waxaan ka baryayaa inuu inaga yeelo kuwa ka faa’idaysta bishan, inteena xanuun sanysana waxa la gudboon inay ku samraan, Eebbana ka dulqaado caafiyana, inaguna kuwa wax ku qaata alle ha inag yeelo.
QORMADII 5-AAD
5. WAXYAABAHA SOONKA JABIYA.
Waxyaabaha Soonka jabiya waxay u qaybsamaan laba qaybood oo muhiim ah:-
• Wax jabiya oo dib ka gudis waajibiya.
• Wax jabiya oo dib ka gudis iyo kafaaragud waajibiya.
Waxyaabaha qofka muslimka ah ka jabin kara soonkiisa waxay u qabsamayaan labadaa qaybood, inagoo faah’faahin doona labdaa qaybood haddana haddii qofku mid ka mida ku dhaco soonkiisu wuu burayaa, iyadoo loo eegayo kolba xaaladuu qofku maray, haddana soonkiisu waa buray, markuu burana xukunkiisu wuxuu noqon labadaa qaybood iyo wixii soo hoos gala, qofkii isagu cudur daar yeesha diinteenu waxay u fasaxday inuu iska cuno, iskana afuro, haddaba aynu iftiimino labdaa qaybood iyo tafaasiishooda.
• WAXA JABIYA EE DIB KA GUDIS WAAJIBIYA.
1.CUNISTA IYO CABISTA LOO BADHEEDHO
Cunista iyo cabista loo kaso, taasoo ah inuu qofku isagoo og inuu Sooman yahay inta uu cunto iyo cabitaan iska soo qaato uu iska cuno, isagoo og inay ka jabinayaan, haddiise uu qofku cuno isagoo illawsan ama u kasin amaba lagu qasbo gadaal ka gudis iyo kafaara gudis midna dushiisa ma ahaanin. Nabigeenu waa kii lahaaa (NNKHH) : ” Kii illooba-isagoo Sooman- ee markaa cuna ama cabba , Soonkiisa ha dhammaystiro, waxaa cunsiiyay Ilaahay oo waraabiyaye”.
2. ISKA MATAJINTA OO LOO BADHEEDHO.
Iska matajinta loo badheedho haddiise uu mataggu ka yimaado dib ka gudis iyo kafaaro gud midna laguguma laha. rasuulkeeni suubanaa wuxuu yidhi (NNKHH) :”Qofka matagu ka yimaaddo dushiisa dib ka gudis ma saarna, ka iskaga matajiya si ula kac ah dib ha ka gudo”
3. DHIIGGA CAADADA IYO DHALMADA
Dhiigga Caadada iyo dhalmada, oo qofka dumarka ah ka yimaadda xattaa saacadaha ugu dambeeya maalinimadiiba ha ahaatee, wuu jabinayaa soonka gabadha muslimada ah.
4-BIYO(Mani)
Biyo(Mani) uu ninku iska keenno si qasab ah ha iskaga keenee sida isagoo xaaskiisa u taga ama gacantaba iskaga keenay Soonka ayay ka jabinayaan dib ka gudis baana ku waajibtay, haddiisa ay si kale uga yimaadaan sida riyo oo kale ma ka jabayo Soonkiisu, sidoo kale dhareerka aan biyaha ragga ahayn ee ragga ka yimaaddaa wax uma dhimaan Soonka.
5-QOFKA NIYADA SOONKA KA JABIYA.
Qofka isagoo Sooman niyaysta inuu jabiyey Soonkiisa xataa waxba yaanuba cunine, waa uu ka buraya soonkiisi, waayo soonku waxa tiirarkiisa ka mida niyada qofka muslinka ahana looga baahanyahay inuu niyada ka soomo markuu suxuuranayo.
6-HADDII UU MOODAY INUU GABALKII DHACAY.
Haddii uu cuno,cabbo amaba uu u tago xaaskiisa isagoo moodayay in gabbalkii dhacay oo uu mar dambe ogaado inaanu gabbalkiiba dhicin sida culimadu u badan yihiin dib ka gudis baa ku waajibtay, soonkiisuna maalinkaasina wuu ka jabay.
• WAXA JABIYA EE DIB KA GUDIS IYO KAFAARA GUDBA WAAJIBIYA.
Waxa jabiya ee waajibiya dib ka gudis iyo kafaara gudba waxa ay culimadu isku raacsan yihiin labada qof ee ninka iyo naagtu way ka siman yihiin dib ka gudista iyo kafaara gudkaba hadday labadooduba u kasaan inay isku tagaan maalinimada Ramadaan, Haddiise ay isku tagaan iyagoo illawsan, amaba lagu qasbo wax kaffaara gud ah ma saarna dushooda, Haddiise uu ninku naagta ku qasbo, amaba ay duruufo jira darteed u afurnayd kafaara gudku isaga ayay dushiisa tahay,.
Haddaba hadaynu soo tilmaanay waxyaabaha soonka jabiya, aynu fahanayna, bal aynu raacino qofka soonku isaga dhaafo maxaa uu smaynayaa ee diintu ku waa jibisay.
• MUXUU SAMYNAYAA QOFKII SOONKU DHAAFO.
Guditaanka qofkii uu Soonku dhaafo waajib maaha inuu isla marka uu Soonku dhammaadaba horay ka gudo, balse wuxuu gudi karaa marka uu doono, ayaamihii ka tagay iyagoo xidhiidh ah ama iyagoo kala goongooni ahba. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-“Kii buka ama safar ku jira waa tiro ayaamo kale (inuu Soomo)”, Aayaddaas oo aynu ka dhadhasan karro in qofkii uu Soonku kaga tagay xanuun amaba safarba inuu Soomo ayaamo u dhigma intii ka tagtay iyagoo isku xidhiidha amaba aan xidhiidh ahaynba, Nabigii Ilaahay(NNKHH):” Haddii uu doono ha qayb qaybiyo, haddii uu doonana wuu xidhiidhin karaa” .