WAX KA BARO BISHA RAMADAAN QORMADII 25-AAD

0
720

WAX KA BARO BISHA RAMADAAN QORMADII 25-AAD

25. HABEENKA LAYLATUL QADRIGA.
Hargeysa(Warsugannews)Habeenka ka fadliga badan 1000-bilood, loona yaqaan laylatul qadriga, waa habeen astaamo gaara ilaahay u yeelay kuna sifeeyey, waana habeen nabadgalyo, waa habeen ay malaa’iktu soo dagto, waa habeenkii Rabbi Rasuulkiisii suubanaa (NNKHH) ku soo dajiyey quraanka kariimka ah, waa habeen fadli iyo qaayihiisa leh, Alla nasiib badanaa ninka ilaahay waafajiyo habeenkaa, Eebbana ka yeelo kuwa uu naarta ka xoreeyo, haddaba habeenkaas halkuu ku jiraa?, maxaa lagu garan karaa?, habeenadee ayaase la fishaa?. waxa inagu waajiba in aynu ka jawaabno su’aalahaa si aynu ugarano waxaynu baadi goobayno oo ah laylatul qadriya.
HALKUU KU JIRAA HABEENKA LAYLATUL QADRIGU.
Habeenka laylatul qadriga loo yaqaanaa waa habeen ku jira habeenda ramadaan, sida uu inoo sheegay Nabigeenii muxumed (NNKHH) axaadiis badan, culimada muslimka dhamaantood isku raacsanyihiin in habeenka laylatul qadrigu ku jiro tobanka danbe ee bisha barakaysan ee ramadaan.
MAXAA LAGU GARAN KARAA HABEENKA LAYLATUL QADRIGA.
• waxa lagu garan karaa iftiin habeenkaasi leeyahay dareemi karana qofka meel banaan jooga.
• jawiga habeenka laylatul qadrigu waa daganyahay, qabaw mahaa, kulaylna maaha.
• qorrax da aroornimadaa soo baxaysaa inaanay yeelan faaladhaha lagu yaqaan inay yeelato marka kale, waanay noqotaa iftiin saafiya.
HABEENADA LA FILAN KARO LAYLATUL QADRIGA.
Habeenka laylatul qadrigu waxa uu ku jiraa tobanka danbe ee ramadaan, gaar ahaan wuxuu uu ku sii jiraa habeenada tirada dhiman sida, 21,23,25…….., laakiin daliil cad looma hayo oo tilmaamaya habeenka uu yahay, sidaas oo ay tahay asxaabta qaar ayaa tilmaamay habeenka todobo iyo labatanaad, laakiin habeen gaar u cayiman majiro, waayo quraanka laguma sheegin, rasuulkuna (NNKHH) isna asxaabta uma sheegin, markaa waxa mudan inaynu kuwa wadda da’daalno tobanka habeen, maadaama oo aynaan garanayn habeenka uu yahay.
DUCAYSO MARKAAD TUKANAYSID.
Waa habeen qaayihiisa leh, waa habeen la aqbalo ducada, qofkii Eebbe wuxuu doonayo waydiista waxa hubaal ah inuu Rabbi ka ajiibi, ducana waxa ugu fadli badan baryadii Nabigu (NNKHH) u sheegay Caa’isha Eebbe raali haka noqdee markii Rasuulka (NNKHH) ay ku tidhi haddii aan la kulmo habeenkaa maxaan ku ducaystaa, wuxuu ugu jawaabay Nabigeenu (NNKHH) waxaad tidhaa ” Allaahaygow waxaad tahay mid cafin badan, cafintana jecel ee i cafi’, yeynaa mooganaa habeenka ducada waayo gafayaal ayeynu nahay.
FADLIGA HABEENKA LAYLATUL QADRIGA.
Waxa fadli iyo dheeraadka uu leeyahay habeenkan kuugu filan inuu ka fadli badan yahay 1000 bilood, waa habeenka laylatul qadri, waana habeenka kaliya camalka aad qabto ka fadli badnaado habeenada intaa leeg, waana habeen la qorshaynayo sanadka soo socda waxyaabaha dhici doona, waana habeen barakaysan, waana habeenkii Rabbi soo dajiyey KItaabka Alle ee karaamada mudan, laakiin inaga waxa inala gudboon in habeenkaasi, duco, quraan akhris, iyo cibaadaba ku xoojino, habeenada kala dhimana fiiro gaara u yeelan lahayn si aynu u helno Allana inoo waafajiyo.
KA FEEJIGNAW OO ISKA ILAALI.
Waxaa mudan inaad niyada ku hayso kana feejignaato waxyaabaha la yidhaa calaamado ayey u yihiin oo aan wax daliil ah loo hayn oo dadka qaar ka aaminsan yihiin, sida biyada Badaha oo macaanada ama Ayda oo aan ciyin ama waxyaabo kale oo la mid ah oo aysan jirin Nusuus sugan oo cadaysay sidaa darteed waxaa habboon in laga digtoonaado.
Habeenka laylatul qadriga kasoo sheekaynay soona baranay, waxaan ku talin lahaa waar garana mayno inaynu gaadhi ramadaan danbe, lalatul qadri danbe, yaanu ina dhaafin habeenkani, tobanka danbe oo dhana aynu ka raadino, yeynaan ku mashquulina habeeno la iska mala awaalayo, waayo habeen cad oo diintu inoo sheegtay ma jiro.

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI