WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii 22aad

0
398

QORMADII 22-AAD
22. FADLIGA QIYAAMU LAYLKA.
Hargeysa(Warsuganews)Waxaynu ka hadli doonaa fadliga uu leeyahay qiyaamu laylku, maadaama aynu ku jirno tabankii danbe ee ramadaan, haddaba waxaynu hadli doonaa in Rabbi la isku taago habeenka galinkiisa danbe, ajarka uu leeyaahay, qofka muslimka ahi wuxuu ka dhaxli karo, runtii waa salaad suna ah, laakiin ajarka ay leedahay ayaa aad iyo aad u wayn, in Rabbi la isku taago habeenka galinkiisa danbe, oo la baryo gaar ahaan tobankan danbe ee ramadaan runtii waa arrin laga yaaba in fursado badan ka dhex hesho, sida habeenka ka fadliga badan 1000- habeen, in lagugu danbi dhaafo, in lagu dajiyo maalinka danbe guryaha janada, intaa aan sheegayba waxa iska leh dadka istaaga habeenka galinkiisa danbe.
Rasuulku (NNKHH) wuxuu yidhi ” soon waxa ugu fadli badan marka laga yimaad soon bisha ramadaan, soonka bisha muxaram, salaadda iyadna waxa ugu fadli badan marka laga yimaad salaadaha shanta’ah salaadda habeenka galinkiisa danbe loo kaco”
Haddaba maxaad u malayn salaadda lagu soo xigsiiyey salaadihii faralka ahaa, salaad ajarkeeda la inoo bayaamiyey, runtii waxa wacan inaynu ku da’daalno, ajar waynu rabnaa, danbi dhaafna waynu dalbanaynaa, haddaba si aad intaa u hesho qiyaamu layl tuko.
Nebiga (NNKHH) markuu yimid madiina, una soo hijirooday, wuxuu dadkii reer madiin u sheegay ”saddex arrin qofkii sameeya inuu u balan qaadayo guryaha jannada waxaana ka mid ahaa oo ku jirtay qofka kaca habeenka galinkiisa danbe dadka oo hurda…”
Maxay kula tahay hadaad taagnaanto saacado gudahood, dadkoo hurdana kacdo, daalyar Rabbi dartii u dareento, kuna doorsato guryaha janadda kuwa ugu qaalisan, kana hesho in Rabbiga kuugu danbi dhaafo, waxaan u malayn intaynu raadinayno waxaynu ka dhex heli qiyaamu layl.
Rasuulka (NNKHH) siday ca’isha Eebbe raali haka noqdee tilmaamayso markay ka sheekaynaysay waxay tidhi ” habeen ayuu istaagay Rasuulku (NNKHH), ilaa oo uu ooyey, lugihiisu dildilaaceen, ilmadu gadhkiisa qoysay, kadib ayaan ku idhi Rasuulkii ilaahayaw (NNKHH), maxaad naftaada sidan ugu galaysaa isagoo Eebbe danbigaagii hore iyo kaagii danbaba dhaafay, kolkaas ayuu Nabigu ( NNKHH) yidhi caa’ishaay miyaanan ahayn mid Rabbigii u mahadnaqa”
Waa fursada aynu xataa ugu mahadniqi karno Rabbigeen, ku raali galin karno Eebbaheen, maxaad u malay Nabi muxamed (NNKHH) oo danbigiisii hore iyo kiisi danbe la dhaafay ayaa mahadnaqa intaa leeg la imanayee, adiga oo maalin kasta danbaaba mahadnaqaaga maxaa loo malayn, haddaba aynu mahadnaqno, Allaheena u tawbad keeno
Maanta waynu garanay fadliga uu leeyahay in qofku habeenka galinkiisa danbe Rabbigii isku taago si una caabudo, una ducaysto, camal kasta oo khayr lehna ula yimaado, Rabina qofkasta wuxuu rabo gacan uga galiyo, khayr ayenu faa’idi inagu, Allaheena waynu raali galin.

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI