Wax ka Ogoow Liisaka Kooxaha Ugu Badan Dalka Spain Uu Lionel Messi Ka Dhaliyay Goolashii Ugu Badnaa, Seville Iyo Atletico Madrid Oo Kaalamaha Horey Kasoo Galay Iyo Liiska Oo Dhameystiran

0
497
epa05274329 Barcelona's forward Lionel Messi celebrates after scoring against Sporting de Gijon during their Primera Division Liga match held at the Nou Camp stadium in Barcelona, Spain, on 23 April 2016. EPA/Alejandro Garcia

Waxaa Qoray: yaasir br

Lionel Messi ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan kooxda Barcelona iyo aduunkaba, sanadihii lasoo dhaafay, wuxuuna u dhaliyay 464 gool,  541 kulan uu kasoo muuqday safka kooxda Barcelona dhamaan Tartamada oo idil.

Hadaba warbixintan ayaa waxaan diirada ku saari doonaa oo aan ku soo bandhigi doonaa, kooxihii uu goolasha ugu badnaa ka dhaliyay xidigan reer Argantina.

1.Seville:

Kooxda Seville ayaa hogaamineysa Liiska kooxaha goolasha ugu badan uu ka dhaliyay Lionel Messi, 28 kulan uu ka hor yimid wuxuu shabaqooda soo taabtay 26 jeer.

2. Atletico Madrid:

Inkastoo kooxdan ay tahay mid ka mid ah kooxaha ugu awooda badan dalka Spain hadana Lionel Messi ayaa waxaa u suura gashay inuu ka dhaliyo 25 gool, 31 kulan uu ka hor yimid.

3. Real Madrid:

Lionel Messi ayaa waxaa sidoo kale u suura gashay in 21 gool uu ka dhaliyo 32 kulan uu ka hor yimid kooxda Real Madrid dhamaan tartamada oo idil

– Valencia:

Valencia  ayaa qeyb ka ah kooxaha uu Lionel Messi ka dhaliyay goolashii ugu badnaa wuxuuna ka dhaliyay 20 gool, 24 kulan uu ka hor yimid Valencia.

5.Osasuna:

Mesi wuxuu kooxdan ka dhaliyay 19 gool, waana kooxda 5-aad uu goolasha ugu badan ka dhaliyo 17 kulan uu ka hor yimid kooxda Osasuna.

6- Athletic Bilbao:

Lionel Messi ayaa wuxuu ka hor yimid sidoo kale kooxda Athletic Bilbao 28 kulan, wuxuuna kulamadaas ka dhaliyay 19 gool.

7- Getafe:

Getafe waxay iyadana qeyb ka tahay kooxahii uu ka hor yimid Lionel Messi, wuxuuna garoon uu la soo galay 20 kulan, waxaana u suura gashay inuu ka dhaliyo 18 gool.

8- Real Betis

Lionel Messi ayaa sidoo kale wuxuu ka dhaliyay Real Betis 16 gool 16 kulan uu kaga hor yimid horyaalka La Liga Ee Dalka Spain.

9- Rayo Vallecano

Lionel Messi wuxuu si la mid ah uu horyaalka La Liga kaga hor yimid kooxda Rayo Vallecano 9 kulan wuxuuna ka dhaliyay 16 gool.

10- Espanyol

Lionel Messi wuxuu ka dhaliyay Espanyol 16 gool 25 kulan uu kaga horyimid horyaalka La Liga ee dalka Spain kooxda Espanyol.

11. Deportivo La Coruna

Lionel Messi ayaa sidoo kale wuxuu ka dhaliyay Deportivo La Coruna 16 gool 13 kulan uu kaga hor yimid horyaalka La Liga ee dalka Spain.