Wax Ka Ogow Cudurka Lafo Xanuunka (Fibromyalgia) Iyo Canuunka Ay Isu Eegyihiin

0
744

Wax Ka Ogow Cudurka Lafo Xanuunka (Fibromyalgia) Iyo Canuunka Ay Isu Eegyihiin

Hargeysa(WSN)Fibromyalgia waa lafo iyo murqo xanuunka ugu caansan marka laga reebo “Osteoarthritis”. Badanaa xanuunkan waxaa lagu qaldaa xanuunnada kale sida roomaatiisamka iyo lafa xanuunnada kale. Fibromyalgia waa xanuun raaga oo keena xanuun, tigtignaan, damqasho murqaha, seedaha iyo kala-goysyada. Fibromyalgia waxay ka koobantahay laba eray oo kala ah: Fiber: Miiqo ama Liif, Myalgia: Murqo xanuun. Waxa kaloo cudurkan la socon karo calaamado kale sida daganaansho la’aan, daal, tabardarro, welwel, diiqad, iyo socodka caloosha oo isbedasha (saxaro adag ama shuban). Waxa keeno cudurkan illaa iyo hadda lama garanayo laakiin waxa la aaminsan yahay in dareemidda xanuunka uu ka sarreeyo sidii qofka caadiga ah laga rabay. Fibromyalgia wuxu kaga duwanyahay cudurrada kale ee lafaha iyo murqaha ku dhaca in aanu keenin wax dhaawac ama burbur lafo ama muruq maxaa yeelay ma wato cudurkani wax calaamad caabuq ama xumad ka baxsan xanuunkaas. Tusaale ahaan: cudurka roomaatiisamka wuxuu keenaa lafa qalqallooc sida gacmaha iyo faraha oo kale. Cudurka fibromyalgia wuxu u badan yahay haweenka oo in ka badan 80% wuxu ku dhacaa dumarka u dhaxeysa da’dooda 35 ilaa 55 sano. cudurka kuma badna caruurta yaryar iyo dadka da’da ah.

Calaamadaha lagu garto cudurka Fibromyalgia waxa ugu horeeya xanuun kasoo ay kicin karaan qeylada, isbadallada cimillada iyo niyad kaca, xanuunkani wuxuu ku faafaa jidhka oo dhan wuxuna u badanyahay qoorta, badhida, garbaha, gacmaha, dhabarka iyo laabta. Dadka badankiisu wuxu xanuunkani ku bilawdaa qalliin, infekshan daran ama dhibaato nafsiyan ah marku soo gaadhay. calaamada kale ee ku xigtaa waa daal iyo tabardarro taasoo lagu arko 90% dadka qaba cudurkan. madax-xanuun, calool-xanuun iyo xanuunno kale sida kaadiheysta oo xanuunta ayaa la socon kara. Sidey dhakhaatiirtu ku gartan cudurkaan?

Cudurku malaha baadhitaanno dhiig taasoo laga fahmi karo cudurkaan. laakiin baadhitaannadaas waxay meesha ka saarayaan cudurrada kale oo lagu qaldi karo cudurkan, sidaas ayaa lagu sheegi karaa. Waxa cudurka lagu gartaa kaliya cabashada bukaaanka iyo muuqaalka “physical examination”. Fibromyalgia malaha daawo u gooni ah laakiin waxay ku xidhan tahay qofku wuxu ka cabanayo maadaama cabashada bukaanka ay kala duwanaan karto iyo cabashooyinkaas laftigooda oo xidhidh aan lahaan karin. Laakiin waxaa ugu muhiimsan in qofka welwelka uu yareeyo, jimicsi sameeyo iyo inuu qaato kaliya daawo dhakhtar u qoro. Waa muhiim in bukaanka laga wacyi galiyo cudurkan si uu u fahmo waxa uu ka cabanayo inay yihiin calaamado kala duwan laakiin hal cudur isku noqon karo. Cudurkan waxa ku socdo baadhis iyo barasho si loo ogaado wax keena kadibna daawadiisa loo helo, wayna jiraan daawooyin cusub oo loogu talogalay in lagu daaweeyo xanuunka fibromyalgia laakiin waa wax baadhitaanno ay ku socdaan. Daraasadii ugu dambeysay waxay sheegtay in maskaxda meel ku taalla oo loo yaqaanno “Insula” in ay ka dambeyso xanuunkan fibromyalgia, weliba baadhitaanno ayaa socda.