Waxa La Xidh Xidhay Odayaashii Gacan Ku Dhiiglaha…” Badhasaabka Gabiley

0
551

Burco (WARSUGANNEWS): Wefti heer qaran ah oo magaalada Ceerigaabo maalmihii u dambeeyay u joogay arrimo nabadeed, ayaa ka war bixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo go’aamadda ay kala soo noqdeen hawshii ay halkaasi u tegeen. Weftigan oo uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, isla markaana ay xubno ka ahaayeen wsiirudawlaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Maxamed Faarax Duddaale, Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas, iyo Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale. Xubnahaasi kala duwan ayaa todobaadkii hore Ceerigaabo u tegay xalinta arrimo nabad gelyo oo la xidhiidha dilka taliyihii guutadda Koofiyad casta gobolka Sanaag Marxuum Siciid Cabdi Warsame oo bishii June ee sanadkan askari ciidankiisa ka tirsanaa uu toogasho ku dilay. Weftigani oo shalay ka soo kicitimay magaaladda Ceerigaabo oo xalay soo gaadhay magaaladda Burco. Ayaa guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo ka mid ahaa weftigaasi waxa uu Ka warramay waxyaabihii uga soo qabsoomay hawshaasi. Badhasabka Gabiley oo marka hore ka waramayay u jeedadda socdaalkoodda waxa uu yidhi “Waxaanu u tagnay oo socdaalkayagu la xidhiidhay arrimo nabad gelyo, ta ugu muhiimsanina waxay ahayd in aanu soo ogaanno sababta gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii guutada koofiyad casta gobolka Sanaag oo odayaashiisa laga sugayay in ay Mustafe-Shiinekeenaan waxay u keeni waayeen. Labadii dhinacba waanu is-aragnay odayaasha beesha uu ka soo jeeday gacan ku dhiigluhu in ay keenaan dhagar qabaha dilka geystay iyadoo aanay ujeedadu ahayn beeshaa dilka wada geysatay, hadana odaashiisa ayaa hore u balan qaaday in ay keenayaan oo wakhti loo qabtay. Markaa markii ay keeni waayeen ee ay soo waayeen waxay noqotay arrintu in wefti wasiirro, xildhibaanno, salaadiin iyo aniga ka koobani in aanu tagno Ceerigaabo. Anagoo ka hor tegayna in ay dhibaato kale dhacdo, ama uu aarsi ka yimaado dhinicii uu sarlaaku ka dhintay. Markaa arrimahaas ayaan u tagnay, tallaabadii ku haboonaydna dawladdu way ka qaadatay oo waxaa la xidh xidhay odayaashii ehelka u ahaa gacan ku dhiiglaha dad kale oo lagu daba jiraana way jiraan, oo haddii ay wax ku cadaadaan iyagana la soo qaban doono. Markaa weftigayaga badankiisii maanta (shalay) ayaanu ka soo baxnay Ceerigaabo waxaana nagaga hadhay oo arrimaha dhamaystirkooda aanu kaga nimid Suldaan Rashiid.” Guddoomiye Shiine oo aanu waydiinay sababta odayaasha loo xidhay iyo askarigii sarkaalka dilay waxa ay dawladdu u raadin wayday waxa uu ku jawaabay “Horta mid waa arrin nabad gelyo oo ah in dhinaca marxuumku ka dhintay in ay ku qancaan in lagu maqan yahay ninkii oo aan laga hadhin soo qabashadiisa, si aanay dhankoodana aarsi uga iman oo haddii aan la qancin cidda gacantu ku dhacday oo magaalada la iska wada joogo, taasina nabad gelyada ayaabay halis ku tahay oo dawladda ayuu xil ka saaran yahay in marka ay wax dhacaan ay nabadgelyada ilaaliso. Ta labaad dhaqan ayaynu leenahay illaa ingiriiskii soo jiray oo ah marka qofka wax dilay uu baxsado waxaa la soo xidhaa odayaashiisa iyo Geelooda. Cuqaashuna dawladda ayay nabad gelyada kala shaqeeyaan oo kaga lacag qaataan, markaa waajib ayay ku tahay in ay soo qabtaan ninkooda wax dila” ayuu yidhi badhasaabku. Guddoomiyaha Gabiley waxa kale oo uu sheegay in ay arrintaasi u xidhan yihiin ilaa sagaal qof, oo isugu jira odayaal ay isku ehel yihiin gacan ku dhiiglaha.isagoo xusay in aanay xukuumadu ka hadhi doonin sidii loo soo qaban lahaa gacan dhiiglaha. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Imika illaa sagaal qof ayaa xidhan oo isugu jira odayaashii ehelka u ahaaa gacan ku dhiiglaha iyo dhalinyaro lagu eedeeyay in ay gacan ku lahaayeen dilkaa, waxaa kale oo jira dad kale oo lagu dabo jiro oo haddii ay ku cadaato in ay ku lug lahaayeen dilkaa la soo qabna doono. Waxaanan caddaynayaa in aanay Xukuumaddu ka hadhayn in ay gacanta ku soo dhigto gacan ku dhiiglahaa iyo cid kasta oo falkaa lagu caddeeyo in ay ku lug lahayd, waxaana Hargeysa ka imanaya khuburo aqoon durugsan u leh dilalka oo baadhitaan ku samaynaya dilkaasi siduu u dhacay iyo in ay jiraan cid ku lug lahayd.” Waxaanu intaasi ku daray “Waxaa la sheegay in uu ku dhuumaalaysanayo buurta Daalo oo uu galay godad halkaa ku yaalla, taasina waxay u baahan tahay in isha lagu hayo, waxaanan la kulanay wax garadka dadka deegaanka ee aanu is leenahay marka uu gaajoodo ayuu u iman karaa oo aanu kala hadalnay in aanay qarin gacan ku dhiiglaha ee ay dawladda u soo gacan galiyaan, taana way noo balan qaadeen, dhinaca kalena hawl galkii ay ciidanku ku raadinayeen isna wuu socdaa oo way ku guda jiraan ciidankuna. Guul ayaanay insha allah ku soo dhamaan doontaa oo gacan ku dhiiglahaa dilka xaqdarada ah geystay waa la soo qaban, sharcigana waa la marin.” ayuu yidhi guddoomiyaha Gabiley.

Xigasho DAWAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here