Waxa Maanta Garoonka Cigaal Si Weyn Loogu Soo Dhaweyey Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Muuse Ibrahim Yusuf (selef)

0
385

Agaasimaha Waaxda Mashaariicda ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Muuse Ibrahim Yusuf (selef)
Hargaysa (Warsugannews) Agaasimaha Waaxda Mashaariicda ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Muuse Ibrahim Yusuf (selef) ayaa manta lagu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Hargaysa ee Egal International Airport.

Agaasime Muuse oo ah dhalinyaradda Wasaaradda Duulista ee Dadlaalka dheer muujiyey xaga shaqada, oo indhaweydba hawlo shaqo ugu maqnaa Wadanka Ingiriiska, ayaa manta Dalka dib ugu soo laabtay,
waxaana Qolka Nasashada ee Madaarka ( VIP) ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabeeye, Maamulaha Madaarka Egal Mohamed Yuusuf Ismaaciil, Maamule ku xigeenka 1aad ee madaarka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Duulista iyo Guddoomiyaha Shirkada Somaliland China hono Group iyo dhalinyaro kale, Agaasime Muuse Salaf oo Hadal kooban ka jeediyey halkaa ayaa yidhi:-

“ Waxaan safar shaqo ugu maqnaa Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee London, waxaa halkaa si aad ah noogu soo dhaweeyay jahliyadda Reer Somaliland ee Magaaladaasi, oo runtii ah Dad abaabulan oo wadaniyadi ka muuqato oo isku xidhan, waanaan u mahad naqayaa soo dhaweynta ay noo sameeyeen, waxaanan ku hanbalyeeynayaa sida ay isugu xidhanyihiin ee ay uga shaqeeyaan danaha wadankooda,”

“ haddii aan ka warmo hawlihii aan halkaa u tegay, waxay noogu soo dhamaadeen si fiican, waxaan iyana u mahad celinayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Shirkada Somaliland China hono Group Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Madaarka iyo Dhamaan Hawal Wadeenada Madaarka iyo Dhalinyarada kale ee sida qaaliga ah ii soo dhaweysay Ayuu yidhi Muuse Selef.”

11193213_1654590728091545_686570019663760726_n

11693916_1654590748091543_8470695581695331289_n

11693916_1654591001424851_3853547919886468423_n

12189588_1654591378091480_7155713526269769852_n

12191397_1654591021424849_4193142857745086304_n

12196176_1654590768091541_4252414553528402227_n

12208438_1654591531424798_2578404359984714777_n

12208454_1654590744758210_9007509299627342982_n

12208772_1654591244758160_469055870857126967_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here