Waxa saaka Subaxnimadii hore dalka dib ugu soo laabtay Xaaji Cabdikariim Xuseen iyo Amb. Baashe Cawil Cumar oo Xaajiga u qaaday Dalka Imaaraadka.

0
605

Waxa saaka Subaxnimadii hore dalka dib ugu soo laabtay Xaaji Cabdikariim Xuseen iyo Amb. Baashe Cawil Cumar oo Xaajiga u qaaday Dalka Imaaraadka.

 

Hargeysa (Warsugannews) 17.01.2016  Saaka arooryadii hore waxa garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport lagu soo dhaweeyey Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo uu wehelinaayey Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu xaajiga u qaaday Imaaraadka si xaaladiisa caafimaad loogu sameeyo shaybaadh guud ama loo hubiyo, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka, kana hortageen wasiiro, wasiiru-dawlayaal, Wasiir ku xigeeno, Lataliyeyaal, Xildhibaano,  Xubno ka mida Golaha Guurtida, Masuuliyiin tiro badan oo kale iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo hadalka ku soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyada.

Waxaanay hadalkeeda ku bilowday Wasiir Marwo Samsam Cabdi Aadan  “illaahay baan ugu mahad naqaynaa inuu maanta xildhibaan Cabdikariim kusoo celiyo wadankiisi isagoo cagihiisa ku socda   aad baan ugu mahad naqaynaa Safiirkeena jooga Imaaraadka Baashe oo  hawl  yareeeyey safarkiisa caafimaad runtii waa illaahay mahadii, waxaynu dheernahay ummadaha kale waxaa  ka mida Xildhibaan Cabdikariim oo runtii isagoo da’a daa jooga hadana caqligiisa aan inyar kolba marka Mawduuc “topic” gaa laga hadlayo si sugan uga hadla  runtii waxaa weeyi waxyaabaha ummaduhu ay ka yaabaan inaguna ilaahay ugu mahad naqno ay tahay aynu qiimayno aynu had iyo jeer ogaano kolba xaaladiisu siday tahay, aynu ka war hayno oo aynu la socono qiimaynta uu leeyahay inagoo dhami ay waajib inagu tahay inaynu qiimayntaa ku dayano,  siduu u noolaa iyo siday noloshiisu ahayd ayey ka turjumaysaa caqligiisaasu”

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse “ Ilaahaybaa mahadleh Xaaji Cabdikariim Xuseen oo aad garanaysaan Xildhibaan weynoo dalkeena qiimo weyn ugu fadhiya Xildhibaan weynoo taariikhda kaalin muhiima kaga jira, waxaan uga mahad naqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland gacanta uu ka geystay safarkii hore ee loogu qaaday  Addis ababa iyo safarkan danbe oo imika lagu geeyey Saldanada Imaaraadka Carabta caafimaadkiisana lagaga soo shaqaynaayey, caafimaadku waa wax illaahay bixiyo laakiin dadka dedaal baa lagu leeyahay dedaalkaa waxaan uga mahad naqaynaa Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ragga kale ee ay ka mid yihiin ragg iyo dumarba, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi, Safiirka Imaaraadka Carabta u Fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Baashe Cawil Cumar, illaahay baanu marka hore uga mahad naqaynaa marka xigina Madaxweynaha iyo inta gacan ka geysatay baan uga mahad naqaynaa, Waxaa ku dayasho mudan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) inta cumaamad sidata inta madaxtinimo kale qoolaaliyeysa iyo inta xilal haysa ama siyaasadeed iyo mid dhaqanba ku dayashuu mudan yahay xaaji cabdikariim sidaa caafimaadkiisa looga werweraayo in lagaaga werwero waad mutaysan kartaa hadaad Cabdi Waraabe ku dayato illaahay baanu ka baryeynaa inuu cimrigiisa iyo caafimaadkiisaba inoo dheereeyo waanan uga mahad naqaynaa shacbiga Somaliland Madaxweynaha iyo Xukuumadaba” .

 

 

Sidoo kale waxa hadlay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) “  Maxfalka iga horyimi Wasiiradii, Madaxdii, Guurtidii, Baarlamankii, Culimo awdiinkii Shicibka Somaliland Salaama Calaykum Wax Raxmatulaahi Wa Barakaatu, Waxaan illaahay ugu mahad naqayaa anigoo talaabsanaya oo caafimaad qaba dee da’adii maahee wixii kale illaahay iga kor qaaday oo dawlada imaaraadka u maleegatay haduu dalkii igu soo celiyey isagoo nabada waa illaahay mahadii waxaan u mahad naqayaa dawlada imaaraadka Madaxdeeda iyo Minjaheeda shicibkii joogay ee Soomaliland iyo shicibkii Carbeed siday ii dhawrayeen iiga hor yimaaden ee iisoo bixitimiyeen dhakhtarkii igu maleegtayna waan u mahad naqayaa calankooda iyo keenuba ha raagee, safiirkii halkan iga kaxeeyey halkana i keenay imika ila socda oo la yidhaahdo Baashe Cawil Cumar ha baashado kor alle haka yeelo inagana gobanimada alle haynoo adkeeyo Madaxda alle haynoo raajo Madaxda markaan tegayaba horaynta iyo dermada iga horaysiisa Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Saylici iyo Haweenkooda iyo Wasiiradu intuba waa mahadsan yihiin “.

 

Ugu danbayntii waxa Suaal la waydiiyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), Suaashaas oo uu waydiiyey Weriye Cismaan Axmed Cismaan (Heello) oo ka tirsan Television ka Star Tv una dhignayd sidan Mudane afhayeen waxa Dhawaanahan warbaahinta qaar qorayeen In xilka laga qaadayo wasiir ka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan maxaad ka leedahay Arrintaa? “horta Madaxweynuhu ciduu xilka u igmanayo iyo ciduu ka qaadayo isagaa awoodaa leh warkaa aad sheegaysaana waxaan filayaa inay yihiin warar ku tidhi ku teena oo aanay haba yaraatee waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona aan lahayn Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaa weeye Madaxweynaha ayaa xilka u dhiibay isagaana ka qaadi kara markii uu isagu doono laakiinse waxaa xusid mudan in marwo Samsam Cabdi Aadan tahay qof hawl  kara oo qarankan xilal badan kasoo qabtay, Wasiirka Waxbarashada ayey ahayd Samsam Cabdi Aadan oo ay si fiican min bari  ilaa galbeed meel walba ay taalo raadkeedii iyo waxqabadkeedii , Wasaaradda Maaliyadda lafteedana waad aragtaan $251 Milyan ilaa $300 oo Milyan bay kasoo qaaday markaa samsam waxay ka mid tahay wasiirada ugu hawl karsan xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland wararkaa borobagandhada ah ee suuqa lagu fidinayana waxaa weeyaan in samsam, xukumadda iyo xisbiga madaxa laysugu dhufto ama laga dhex shaqeeyo markaa waxan leeyahay Madaxweynuhu xaq dastuuriya ayuu u leeyahay inuu cidna xilka ka qaado cidna u magacaabo laakiin se warkaasi war waxba ka jiraan haba yaraatee maaha wax bedeloo samsam xilka laga qaadayaana ma ogin waxbana kama jiraan warkaasi “

 

DSC_0001

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0011 DSC_0013 DSC_0014

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0023

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0046

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 

 

WA-BILAAHI TAWFIIQ