Waxa sii heer sare ah loogu soo dhaweeyay Hargeysa Wefti ay hoggaaminayso Xildhibaan Amina Cali oo ka socda Tower Hamlets

0
731

Waxa sii heer sare ah loogu soo dhaweeyay Hargeysa Wefti ay hoggaaminayso Xildhibaan Amina Cali oo ka socda Tower Hamlets

Hargeysa(Warsugannews)Tiro wasiirro iyo masuuliyiin kala duwan oo xukuumadda JSL ka tirsan ayaa maanta ku soo dhaweeyay Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa wefti ay hoggaaminaysay Xildhibaan Amina Cali oo ka tirsan Golaha Deegaanka degmada Tower Hamlets ee magaalada London, dalka UK.
vlcsnap-2016-03-07-05h22m27s474
Waxa ugu horrayn halkaas ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Axmed Aden Ismaaciil (Kayse), waxana ka mid ahaa hadalladiisii, “Waxa maanta farxad weyn noo ah inaanu halkan ku so dhaweyno magaalada Hargeysa gaar ahaan Cigaal International Airport wefti ay hoggaaminayso Xildhibaan Amina Cali oo ahaa xildhidbaanadii iyo kooxdii keenay inay Tower Hamlets oo bariga London ku taallaa ictiraafto Somaliland. Runtii intaa kumay joogine waxay Amina iyo kooxdeedu ka shaqeeyeen inay mataaneeyaan magaalada Burco iyo Tower Hamlets. Waxan leenahay ku soo dhawaada gacmo furan, waa dalkiinnii hooyo”

Capture8

Dhammaan Wasiirrada goobta ka hadlay ayaa si weyn uga mahadceliyay Amina Cali iyo guud ahaan qurbajoogga Somaliland ee degmada Tower Hamlets, London iyo sidoo kale dadkii kale ee iyaguna codkooda ku biiriyay mooshinkii ay golaha deegaanka Tower Hamlets ku aqoonsadeen Somaliland 18 May November 2016.

Xildhibaan Amina Cali ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay sida loogu soo dhaweeyay dalka, waxanay tilmaantay inay sii wadayaan dadaalkooda waxqabad ee dalka ka gaysanayaan iyadoo xustay mataanaynta magaalooyinka Burco iyo Tower Hamlets iyo waxtarka ay u leedahay magaalada Burco.
Capture7

Laba xildhibaan oo ka socday golaha deegaanka Burco ayaa iyaguna halkaas ka soo jeediyay erayo bogaadin iyo mahadcelin ah oo ay u jeediyeen Amina Cali iyo guud ahaan jaalliyadda Somaliland ee Tower Hamlets, aadna usoo dhaweeyay inay mataanoobaan magaaladaas.
Capture6
Weftigan ayaa mudada ay dalka joogaan kulamo la qaadan doona masuuliyiin iyo hay’ado kala duwan, isla markaana booqasho ku tegi doonaa magaalada Burco oo indha indhayn ku samayn doonaan xaaladda guud iyo baahiyaha jira.

Waxa ku weheliyay weftiga Xildhibaan Amina Cali, xubnaha kala ah Abdirashid Gulaid, Bashir Jama, Mohamed Barre, Mohamed Hussein and Nimo Yusuf oo aqoonyahanno, mutadawaciin iyo xubno ka tirsan gudiyada jaalliyadda Tower Hamlets isugu jiray.

Waxa ka mid ahaa wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee soo dhawayntan ka qaybgalay:-
– Mudane Ahmed Aden Ismail (Kayse). Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
– Mudane Cumar Sheekh Faarax, Wasiirka Duulista Hawada & Gaadiidka Cirka
– Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Kayse), Wasiirka Warfaafinta & Wacyigelinta Qaranka JSL
– Mudane Axmed Nuur Faahiye, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada & Gaadiidka Cirka JSL
– Mudane Maxamed Muuse Abees, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada,
– Mudane Abiib Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare JSL
– Mudane Xasan Axmed Yuusuf, Agaasimaha Fulinta Wakaaladda Qurbajooga
– Marwo Faadumo Axmed Maxamed, Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Jaalliyadaha ee Wakaaladda Qurbajoogga JSL
– Axmed Cilmi Suudi, Agaasimaha Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda
– Amaal Maxamed Guure, Madaxa Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda
– Maxamed Xuseen Maxamed, Taliyaha Wakaaladda Qurbajoogga
– Axmed Cumar Cilmi, Madaxa Warbaahinta ee Wakaaladda Qurbajoogga
– Xildhibaan Rashiid Faarax Cali, Xubin Golaha Deegaanka Burco
– Xildhibaan Cabdirasaaq Maxamed Jaamac (Aar), Xubin Golaha Deegaanka Burco
– Cabdillaahi Siciid Jaamac, Aqoonyana firfircoon oo ka tirsan jaalliyadda Tower Hamlets

Golaha deegaanka Tower Hamlets ayaa ah golihii sedexaad ee dalka UK ee ku dhawaaqa aqoonsiga Somaliland iyadoo ay ka horreeyeen golayaasha Sheffield iyo Cardiff.

Source: Somaliland Diaspora Agency