Waxaan Filayaa Musharax Kasta Oo KULMIYE Ka Soo Baxa Midnimo Ayuu Guul Ku Gaadhi Laha, Xilkii Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigana Waan Iska Casilay”. Bashiir Cabdi Xariir

0
472

“Waxaan Filayaa Musharax Kasta Oo KULMIYE Ka Soo Baxa Midnimo Ayuu Guul Ku Gaadhi Laha, Xilkii Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigana Waan Iska Casilay”. Bashiir Cabdi Xariir.

Hargaysa(warsugannews) Bashiir Cabdi Xariir oo aha Wasiir ku-xigeenkii Wasaarada Ganacsiga Somaliland, ayaa cadeeyay inuu si rasmiya isaga casilay xilkii uu ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo.

Sidoo kale wuxuu Bashiir Cabdi Xariir sheegay, in Musharax kasta oo ka soo bixi laha Xisbiga KULMIYE midnimo oo kaliya uu guusha ku gaadhi laha. Sidaana wuxuu ka sheegay maruu Saxaafadda u waramaayay.
“Musharax kasta oo KULMIYE doonaayay inuu musharax ka noqdo wuxuu u baahna oo guul ku gaadhaayay midnimo iyo isku duubnaan Xisbiga iyo dawladdaba ah, siyaasaduna khasab iyo jujuub ma gasho. Anigu KULMIYE ayaan aha, KULMIYE ayaan ahaan doona intuu jiraba lakiin KULMIYE midnimo iyo is qancin ayuu guusha ku gaadhay.”. Sidaa waxaa yidhi Bashiir Cabdi Xariir, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi
“Waxaan idiin cadynayaa in aan si rasmiya isaga casilay xilkii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo aan hayay, Madaxweynahana waan uga mahad naqayaa muddada dheer ee aanu soo wada shaqaynay ee Xisbiga iyo Dawladaba lahayd, khayar badana waan u rajaynayaa.”. Intaas ayuu ku soo koobay hadalkiisi Mud. Bashiir Cabdi Xariir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here