Waxaan soo dhaweynaynaa Heshiiska dhaxmaray xukumada iyo Xildhibaanadii gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley ee Hada ka hor ka baxay baarlamaanka s/land.By maxamed jeex

0
417

Waxaan soo dhaweynaynaa Heshiiska dhaxmaray xukumada iyo Xildhibaanadii gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley ee Hada ka hor ka baxay baarlamaanka s/land.By maxamed jeex

Waa guul u soo hoyatey somaliland waa guul u soo hoyatey gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley waa guul ay ku farxeen dhamaan qurba-joogta reer somaliland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada galbeedka somaliland.
Markasta oo ay arini adkaato dadka reer somalialnd waxay ku dhamaystaan wada hadal iyo isku tanaasul inay ku dhamaystaan arintooda waana waxa looga bartey shacabka reer somalialnd iyo xukumadaba waa war lagu diirsado waa war lagu farxo waa war la filaayey waa war aan soo dhaweynayno.

Hadaan nahay qurba-joogta reer somaliland waxaan si wanaagsan u soo dhaweynaynaa is afgaradkaas ay gaadheen xukumada iyo golaha baarlamaanka s/land waxaan leenahay waa arin lagu talaabsadey wakhtigeedii waa arin aad si fiican ku dhamayseen waa arin khayr qabta.

Dadka qurba-joogta ahi waxay aad uga walacsanyihiin in wadalahaashihii somaliland uu hoos u sii dhaadhacayo oo reer qudha aad moodo inay s/land ay leeyihiin oo ay ka baxeen beelihii kaleh sidaas awgeed waxaan doonaynaa in s/land la wadayeesho oo la xalaaleeyo sidaasna loogu wan qalo.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here