Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud, oo xilkan ii gartay markaanu muddo wada shaqaynay

0
355

Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud, oo xilkan ii gartay markaanu muddo wada shaqaynay,
Hargeysa(Warsugan) Guddoomiye xigeenka cusub ee hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland mudane Maxamuud Cabdillaahi Xarbi ayaa la wareegay xilka madaxweynuhu dhawaan u magacaabay. Mudane Xarbi ayaa ah mid ka mid ah kaadiriyiinta Kulmiye ee wax kala aasaasay xisbiga madaxweyne Siilaanyo illaa haddana ah garbihiisa.

“ Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud, oo xilkan ii gartay markaanu muddo wada shaqaynay, 2002-dii aanu xisbiga Kulmiye wada furnay, aan ahaa gacan yarihiisa, aan ahaa ninkii calaamadihiisa sameeyay, aan ahaa markii nalaga badiyay ku hadhay, aan markii horena ahaa ninkii jiifka Kabineedka ku xigay,” ayuu yidhi Maxamuud Cabdillaahi Xarbi.

Maxamuud Cabdillaahi Xarbi oo xilka kula wareegay munaasibad loo qabtay ayaa dardaaran u jeediyay shaqaalaha, isagoo tilmaamay inuu si fiican ula shaqayn doono. Waxa uu sidoo kale sheegay inaanay hay’adda shaqaaluhu siyaasad ku lug lahayn balse ay shaqada iyo shaqaalaha qaranka masuul ka tahay, sidaasi darteedna loo baahan yahay inay si caddaalad ah u hawl gasho.