Waxaanad la dagaalami Karin waa godob iyo cadow aanad garanayn.

0
675

Waxaanad la dagaalami Karin waa godob iyo cadow aanad garanayn.

Hareerahaaga eeg waxaad arkaysaa wax u eeg shay aad hore u taqaanay oo muuqiisii wax badani iska badalay,dadku waa dadkii, noloshuna wacyigeeday la cayn tahay, bulshada caqligu hogaamiyaa waxay leedahay is afgarad aasaasi u ah noloshooda Dulqaadka samirka iyo tanaasulka waa astaamaha umad ilbaxnimo leh.
shakhsi walba oo nooli waxa u baahan yahay in uu ka guuleysto mowjadaha nolosha qeybeheeda kala gedisan, waxaanu qalbiga ku haystaa riyo wanaagsan iyo rajo quruxbadan xaqiijinta riyadaasina waxaa qaabeeya nolosha iyo duruufaha ku xeeran,wacyiga iyo waaqica nolosha dadkiisa iyo deegaankiisa.

Baraha bulshada sida Facebook,Twitter,Whatsupmarka aad gasho waxaad dareemaysaa xaalad aanad sii jeclaysanayn inaad kusii jirto waxay naftu dareemaysaa inaad qiyaasi Karin,qeexi karin ujeedka guud ee isticmaalka aaladaha bulshada iskugu timaado.

Sheekada asxaabta faraha badan aduunka dacaladiisa kala jooga way sii xumaanaysaa,ilamaha inaynu isweydaarsano wax macno uleh nolosheena, waxaan odhan karaa waxay igu kordhiyaan waqtigan waaqiciga ah murugo iyo walaac maxaa yeelay intii la isla garanayay way dhaaftay waxaanad la dagaalami Karin waa godob iyo cadow aanad garanayn.
Sababaha ugu muhiimsan ee asal ahaan u ah jiritaanka iyo isticmaalka barahani Facebook,Twitter,Whatsup, waa siddan:-

• Fundamental need to be seen ( baahida bini aadanku uqabaan in wax arkaan,maqlaan)
• Fundamental need to share and express(baahida bini aadanku uqabaan inay wadaagaan sheeko iyo inay wax fasiraanba)
• Fundamental need to connect and to erract others to be social(baahida bini aadanku uqabaan isku xidhnaanta dhexdooda iyo isdhexgalka bulsho)
• Fundamental need to evaluate our selves(baahida bini aadanku u qabaan inay qiimeeyaan mustaha nafahooda).
• Make meaning (Abuur nolol macno leh oo xaqiiqada saamayn ku leh)
miyaynu haynaa dariiqii lagu abuuri lahaa nolol macno leh, Bulshada milgaha leh waxay dhawraan xurmadda iyo xilaha shakhsiga waxay saadaaliyaan arin walba oo dhaca iyo dhibtuu yeelan doono,

Dadnimadda iyo maskaxda wanaagsani kuma badbaadiso kaliya inay awood leedahay balse waxaa jira farsamooyin yaryar oo ka saari kara caqabaddo aanay abidkaa xaliseen,
Waa in aynu la nimaadnaa fikrad , ruux, rabitaanka iyo hadafka
• In dib loo saxo isdhexgalka iyo hadafka nolosheena si aynu u yeelano maararow macnawiya oo hore inoo dhaqaajiya.
• in garaadku ka horeeyo ridiqa iyo daanka shaqaynaya si loo helo arinwalba xalkeedii ku haboonaa.
• Waa in halgan dhab ah la galaa loo sabraa dhibaato kasta oo kaa hortimaada laguna tartamaa sidii wanaaga looga sarayn siin lahaa inta xumaha wada.

Qalinkii: Ahmedyasin Sh Cumar Sh Ahmed Furre