Waxaanu ka wada hadalnay Wasiirada dawlada Ethiopia muhiimada mashruuca “ Bebera Corridor” iyo sida uu labada dalba muhiimad weyn uugu leeyahay marka laga eego koboca dhaqaalaha iyo isu-socodka labada dal

0
486

Waxaanu ka wada hadalnay Wasiirada dawlada Ethiopia muhiimada mashruuca “ Bebera Corridor” iyo sida uu labada dalba muhiimad weyn uugu leeyahay marka laga eego koboca dhaqaalaha iyo isu-socodka labada dal.
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

11873415_889142497806036_4210631415333222540_n
Munaasabada Qalinjabinta oo ka dhacaysay dhismaha midawga Africa ee Addis Ababa ayaan Masuuliyintii ka socday Midawga Africa u jeediyey fariin gudbinaysa dareenkayga iyo dareenka shacabkayaga Somaliland aniga oo kala hadlay sida midawga Afrika indhaha uuga laabteen in ay qiraan qaranimada qaan-gaadhka ah ee Somaliland waxaanan u sheegay in shacabka Somaliland beerka ka ogsoon yihiin cid maalintan adag is barbar taagtay iyo cida dayrisay!
——————————————————————————
11887973_937699239636738_6656425636855806287_n

Waxay ahayd galabta abaaro 4:30 galabnimo ee saacada geeska afrika kadib markaan kasoo deggay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport aniga oo kasoo kicitimay dalka aynu dariska nahay ee Ethiopia caasimadiisa Addis Ababa.
Sidii aan horay uuga warbixiyey socdaalkayga shaqo oo aan isku wehelinaynay wasiirka wasaaradda arrimaha debeda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee JSL Mud, Maxamed Biixi Yoonis ayey ujeedadiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa mashruucii jidka isku xidhaya marsada Berbera iyo caasimada Ethiopia ee Addis Ababa “Bebera Corridor”
Hadaba, intii aanu ku sugnayn caasimada Addis Ababa ayaanu kulamo la qaadanay Wasiirada wasaaradaha Maaliyada iyo Hawlaha guud iyo waddooyinka ee dawlada Ethiopia halkaas oo aan kaga wada hadalnay muhiimada jidka Berbera Corridor iyo sida uu labada dalba muhiimad weyn uugu leeyahay marka laga eego koboca dhaqaalaha iyo isu-socodka labada dal.
11880381_937699119636750_8167599815881752316_n
Wasiirada ayaa dhankooda si mugle u xusay qiimaha jidkaasi u leeyahay iyo baahida weyn ee ay u qabaan in ay kor u qaadaan macaamilka ay la leeyihiin marsada dalkeena Berbera iyagoo xusay in ay dhankooda dardar gelin doonaan.
Waxaa Sidoo kale xusid mudan in intii aan ku sugnaa caasimada Addis Ababa aan nasiib wanaag kala qaybgalo arday reer Somaliland ah oo ka qalinjabinaysay Jaamacada New Generation faraceeda Hargeysa, waxaanan u rajaynayaa dhamaantood mustaqbal iftiin badan iyo guul waarta.
11885282_1208403769177152_7090573255819949097_n

Hadaba, munaasabada qalinjabinta oo ka dhacaysay dhismaha midawga Afrika ee Addis Ababa ayaan mahadcelin kadib waxaan masuuliyiintii midawga Afrika ee goobta ku sugnaa u jeediyey fariin gudbinaysa dareenkayga iyo dareenka shacabkayaga Somaliland aniga oo kala hadlay sida midawga Afrika indhaha uuga laabteen in ay qiraan qaranimada qaan-gaadhka ah ee Somaliland waxaanan cod dheer uugu sheegay in ay dhiiradaan oo ay nala dhamaystiraan himilada qaranka Somaliland oo ah mid aan indhaha laga qarsan Karin, aniga oo xusay kaalinta Somaliland kaga jirto amaanka mandaqada iyo sida ay u dhamaystirtay dhamaan shuruudaha looga baahan yahay dal madaxbanaan.
11870699_937699306303398_5900239651106778279_n

11892195_937699409636721_3110343873696272418_n

11892253_1208403865843809_9000453639839599183_n

11898513_889142564472696_2086741577561602367_n

11913507_1208403835843812_6397132714180508346_n

11947418_889142531139366_3684503411769692075_n

11947608_937699336303395_9094996888860895506_n

11951779_937699472970048_3228930869035289760_n
Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here