waxaanu Samaynay ka Wasaarad ahaan sidii aanu u caawin lahayn Ardaydaas, oo aanu ugu diri lahayn Basas u fududeeya hawlahooda Waxbarasho.” Maamulaha Madaarka Cigaal

0
488

“waxaanu Samaynay ka Wasaarad ahaan sidii aanu u caawin lahayn Ardaydaas, oo aanu ugu diri lahayn Basas u fududeeya hawlahooda Waxbarasho.” Maamulaha Madaarka Cigaal

Hargeysa (Warsugannews) Maamulka Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeysa ayaa sheegay in ay u fidiyaan Dadka deegaanka ku Wareegsan Madaarka adeegyo tabarucaad ah, Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo saaka kaga hadlay Xafiiskiisa arintaas, waxaanu yidhi:-

“ Qorshahan tabarucaadka ah ee aanu u fidnaynay Aradaydan ama Dadka Deegaanka ee ku wareegsan Madaarka, waxa uu nagu dhashay ama aanu ka fikirnay, markii aanu xidnay Xayandaabka Madaarka, Xayandaabkaas oo dhan 13KM Sadex iyo toban kiiloomitir oo isku wareeg ah, markii aanu aragnay ardayda ama Dadka deegaanku ay ku xidhan yihiin Masalaha Iskuulada ku yaala, ee aanu aragnay in aradaydaasi ka wareegaan dhul aad u kala fog oo ay ku noqotay dhib amaba habsan ay ka habsaamaan Iskuuladii iyo xiligii ay ka soo laabanayeen oo dhib ku noqotay, waxaanu ka fikirnay ka Wasaarad ahaan sidii aanu u caawin lahayn Ardaydaas, oo aanu ugu soo diri lahayn Basas u fududeeya hawlahooda Waxbarasho, ardaydaasi waxay ka soo jeedaan qoysas badan oo kala durugsan, waxaanu u samaynay meelo ay ku sugaan Basku oo uu ugu tago kana soo qaado si uu u geeyo Iskuukooda, isla Duhurkana uu hada soo rawixiyo marka ay ka soo baxaan Iskuulka oo uu geeyo xaafadahoodii,”

Maamulaha Madaark ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ taasi waxa ay keentay in xidhiidh fiicani na dhexmaro Dadka deegaanka, anaga oo aan marnaba ka maarmayan ka Wasaarad ahaan iyo ka Madaar ahaanba in aanu xidhiidh fiican la yeelano Dadka deegaanka ee Madaarka ku wareegsan sababo badan awgood, xaga nabad galyada iyo xaga xidhitaanka Madaarkaba, markii ay si fiican noogala shaqeeyeen Gudiga Deeganka Masalahu, ayaanu anaguna jeclaysanay in aanu ku saacidno Baskaas Madaarka, markaa waxaan halkan ka qirayaa ka Wasaarad ahaan in Dadka Deegaanka xidhiidh aad iyo aad u dheeri naga dhaxeeyo,”

“Dadka jilicsan ee u baahan gargaarka waxaanu u sameynay Gaadhi xaajiyad ah oo wixii degdeg ugu soo kordha u qabata, marka ay nala soo xidhiidhaan oo taleefanadayada ayey hayaan, markaa meel aad u fiican ayuu maryaa xidhiidhkayagu, waanuna rajaynaynaa in uu halkaa ka sii kordho, anaguna aanu ku caawiyo wixii suuro gal ah.” ayuu yidhi Maamule Maxamed Yuusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here