“Way adagtahay inaan ka soo kabsano natiijadaan” – Sergio Busquets

0
559

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Sergio Busquets ayaa rumaysan in kooxdiisa ay ku adkaan doonto inay ka soo kabsato guul daradii xalay ka soo gaartay PSG.

Kooxda reer France ayaa 4-0 uga soo adkaatay Barcelona, waxaana xusid mudan taariikhda Champions League inaysan jirin koox ka soo kabsatay guul daro 4-0 oo looga soo adkaaday lugta hore.

Sergio Busquets ayaa sheegay in kooxdiisa looga fiicnaa dhan walba oo xitaa uu tilmaamay in taatiko ahaan looga adkaaday kooxdiisa, wuxuuna yiri dhamaadkii ciyaarta:

“Dhibka dhacay wuxuu ahaa mid aan anagu isku keenay ee ma ahayn inay na saareen cadaadis badan ama ay sifiican isugu diyaariyeen ciyaarta”.

“Way naga fiicnaayeen, waxay u ciyaareen si wanaagsan, taatiko ahaan iyo jir ahaanba way naga fiicnaayeen, wuxuu noo ahaa habeen musiibo ah”.

“Aad ayeey u adagtahay inaan ka soo kabsano natiijadaan, been ma sheegayo laakiin waan isku dayi doonaa”.