Way kala Xasuus iyo Xiiso badan tahay marka Xil ama Xoolo lagugu soo dhaweeyo iyo marka Kalgacayl iyo Mabd’a lagugu soo dhawaynayo + Sawiro & Video

0
528

Way kala Xasuus iyo Xiiso badan tahay marka Xil ama Xoolo lagugu soo dhaweeyo iyo marka Kalgacayl iyo Mabd’a lagugu soo dhawaynayo.
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Waxay ahayd maanta kadib markaan soo gaadhnay Xarunta gobolka Togdheer ee Burco aniga iyo tiro kamida Isbaahaysiga Dimquraadiga ah ee Kulmiye oo kala ah Gudoomiye ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Axmed Yuusuf Waabeeyo, Xildhibaan Cabdicasiis Dhulcun, Xildhibaan Farxaan Maxamed Cali iyo Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr Cabdi Aw Dahir
Kahor intii waftigu soo gaadhin magalaada Burco ayaa boqolaal kamida taageerayaasha ku dhisan mabd’a iyo kalgacaylku nagu qaabileen dareen qalbi ruxan le kaasoo shidaal noo noqonaya aan ku safarno inta aan ku gudo jirno hayaankayaga Dimquraadi doonka ah.

Waxaa hubaal ah in waxa dadka mideeya yahay aragtida iyo mabd’a in maanta sidan oo kale naloo soo dhawayeyna waxay fariin u tahay sida shacabka reer Somaliland u rabaan doorasho ku dhisan xornimo isla markaana ah dimuqraadiyad aan jujuub lahayn.

Waxaan si dareen badan uga mahadcelinaynaa taageerayaasha caqli xorta ah le ee maanta sidan noo soo dhaweeyey waxaanan leeyahay “Way kala Xasuus iyo Xiiso badan tahay marka Xil ama Xoolo lagugu soo dhaweeyo iyo marka Kalgacayl iyo Mabd’a lagugu soo dhawaynayo” taageerihiina maantana waxaan qirayaa in aanu ahayn mid xil iyo xoolo toona ku xidhan ee uu yahay mid kalgacayl iyo qalbi wanaag hogaaminayo.

Soo dhawayntiinu waa fariin na faraysa in aan hayaanka horay u sii wadno si aan u helno Somaliland Xoriyad isku doorata isla markaana qofka ku qiimaysa astaamo Qabyaalad ka madhan!
Hadii aad jeclaysato daawashada soo dhawayntii maanta fadlan riix halkan hoose:

Geedigu uu soconayaa Gushuuna way dhawdahay!
11202124_985366541536674_1697078619908757679_n

12243588_985366754869986_6195133233732037210_n

12289691_985366768203318_362458514041307367_n

12289711_985366918203303_4829331051129034707_n

12289768_984022618312443_471972055466128430_n

12299341_985366801536648_4134498139503127655_n

12308340_984022458312459_1515831231987603869_n

12310483_877975798937432_1378521750886771013_n

12313748_984022478312457_7546875324755497097_n
Wa Bilaahi Tawfiiq