Weerarkan waa kii ugu dhimashada badnaa ee Faransiiska ka dhacay tani iyo dagaalkii labaad ee Dunida

0
753

Weerarkan waa kii ugu dhimashada badnaa ee Faransiiska ka dhacay tani iyo dagaalkii labaad ee Dunida

Jidadka Magaalada Paris ayaa waxaa ka bilowday baadhitaan iyadoo dalka oo dhan la geliyay xaalad degdeg ah.

Sideed qof oo looga shakisan yahay weerarkii Baris ayaa la dilay, waxaa kaloo bilowday ugaadhsiga dadkaloo laga shakisan yahay inay kooxdaasi caawinayeen.

Baliiska dalka Faransiiska ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen weeraro isxig-xiga oo ka dhacay caasimada Paris.

Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay.
05:50 SGA: Seddax kamid ah dablayda way is qarxiyeen halka midka afaraadna la toogtay
05:20 SGA: Booliska waxa uu sheegay in dhamaan raggii ku lug lahaa qaraxyada iyo rasaasyanta ay dhinteen.

Madaxweyne Hollande oo gaaray tiyaatarka la weeraray oo 100 qof ay ku dhinteen
04:20 SGA: Belgium waxay sheegtay in ay adkaysay xadkeeda kadib weerarka Paris.
04:07 SGA: 1,500 oo askeri ayaa la geeyay caasimadda Paris kadib weerara sababay dhimashada in ka badan 100 qof.

Boolis ku qulqulaya cawayska Bataclan
04:03 SGA: Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dhamaan iskuulada iyo jaamacadaha Paris la xiri doono barito.

Illaa iyo hadda waxaan oghnahay:
Ugu yaraan140 qof ayaa lagu dilay weeraro lo adeegsaday rasaas iyo qarxyo ka dhacay dhowr meelood oo caasimadda Paris ah

100 qof oo ka mid ah dadkaasi waxa ay ay ku dhinteen goobta acwayska Bataclan.
Weerarada kale waxa ay ka dhaceen garoonka kubadda cagta ee Paris iyo muqaayad ku taalo waqooyiga Paris

Faransiiska waxaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah, xaduudaha dalkane waa la xiray.
Dadweynaha Paris waxaa loo sheegay inaysan guryahooda ka bixin.

Haweeney dhaawac ah
03:49 SGA: Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha Maraykanka ayaa dib u dhigay duulimadyadii ay ku tagi lahaayeen Paris.

03:37 SGA: Tirada dhimashada ee illaa iyo hadda la ogyahay waa 140 qof. Goobta cawayska ee Bataclan oo kali ah 100 qof ayaa ku dhimatay, halka 40-ka kalena ay ku dhinteen goobo kala duwan.

qaar kamid ah dadkii ka soo abxsaday afduubka Bataclan
03:30 SGA: Weriye ka tirsan BBC-da oo joogto agagaarka goobta cawayska ee Bataclan ayaa sheegtay in haddii la xaqiijiyo in 100 qof ay ku dhinteen goobtaasii oo kali ah ay noqon doonto xaqiiqo kharaar oo Faransiiska u baahnyahay in uu liqo.

03:20 SGA: Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in 100 qof ay ku dhinteen goobta cawayska Bataclan oo dablay hubaysan ay dad afduub ugu haysteen- Reuters.

Gollaha Wasiirada Faransiiska oo galay shir deg deg ah.

shaqaalaha gurmadka deg-dega oo dadka dhaawac ah ka saaray cawyska Bataclan
03:19 SGA: Madaxweyne Hollande ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Turkiga si uu uga qaybqaato kullan madaxeedka G20.

03.14 SGA: TV laga leehay Faransiiska BFM TV ayaa ku waramay in baliiska howlgalada gaarka ah ay dileen 2 kamid ah dablaydii dadka afduubka ugu haystay goobta cawayska ee Bataclan. Faahfaahin intaa dheer lama sheegin.

03:10 SGA: Masuuliyiinta Maraykanka waxa ay sheegeen in ay aaminsanyihiin in weerada Paris ay yihiin kuwa la soo agaasimay
03:05 SGA: Booliska waxa uu sheegay in uu soo idlaaday howlgal ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan dadkii lagu haystay Bataclan-Reuters

Baliis dheeraad ah ayaa gaaray Bataclan
02: 55 SGA: Baliis dheeraad ah ayaa gaaray Bataclan oo illaa 100 afduub loogu haysto

02:50 SGA: Weerarka ugu wayn waxa uu ka dhacay xarunta Bataclan oo markaasi lagu daawanayay riwaayad.

02:44 SGA : Obama waxa uu sheegay in weeraradaasi looga gol leehay in lagu argagixiyo dadka rayidka ah.

02:41 SGA: Mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta lagu caweeya ee Bataclan ayaa BBC-da u sheegay in rag hubaysan oo ku qaylinaya ”Allaahu Akbar” ay soo galeen dhismaha. wuxuu sheegay in uu arkay maydadka 15 qof.

mid kamid ah weerarada Paris waxa uu ka dhacay garoonkan oo cayaar saaxiibtinimo ay ku daxmaraysay France iyo Germany.
02:40 GSA: Dadweeynaha Paris waxaa loogu baaqay in ay guryahooda ka soo bixin.

02:37GSA: Baliiska ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qof ay isqarxisay. Waxaana bambaano lagu tuuray garoonka cayaaraha Paris oo ay markaasi ka socotay cayaar saaxiibtinomo oo dhaxmaraysay kooxaha qaranka Farnsiiska iyo Jarmalka.

02:33 SGA: Qaraxyo dheeraad ah ayaa laga maqlayaa mid kamdi ah goobaha la weeraray Bataclan oo illaa 100 qof ala aaminsanyahay in afduub loogu haysto.

02:30 SGA: Madaxweynaha dalka Faransiiska Hollande ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana la xiray xaduudaha dalka Faransiiska.

Hollande oo uu ay ka muuqata argagax ayaa la hadlay qaranka
02:20 SGA: Rasaas iyo qarxyo ayaa ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Paris.
151113040852_barack_obama_512x288_reuters_nocredit

151113232528_paris_512x288_afp_nocredit

151113233450_paris_redes_afp_3_624x351_afp

151114000003_paris_shooting_armed_police_512x288_reuters_nocredit

151114000305_paris_shooting_640x360_ap_nocredit

151114000621_ataque_paris_ambulancia_640x360_afp_nocredit

151114002945_sp_paris_feridos_640x360_afp

151114003921_elysee_paris_shooting_640x360_elysee

151114004019_5f09e02d-cb5f-4cf4-8f70-855481393868

151114004943_paris_redes_reuters_2_624x351_reuters

151114010400_french_police_512x288__nocredit

151114024946_french_president_francois_hollande_attended_the_concert_hall__paris_640x360_afp

151114044325_armed_french_police_patrols_near_the_saint_antoine_hospital_in_paris_640x360_eap_nocredit
Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here