Wefti Guddoomiyaha KULMIYE Horkacayo oo si Weyn Loogu soo Dhaweeyey Deegaannada Gobolka Hawd + Sawiro

0
489
????????????????????????????????????

Wefti Guddoomiyaha KULMIYE Horkacayo oo si Weyn Loogu soo Dhaweeyey Deegaannada Gobolka Hawd

Balligubadle iyo xusuusta taakhdii halganka + isu-soo-baxii dadweynaha ee hadheeyey degmada Ball-cabbane iyo gunnaanadkii ducada ee Sayla-bari

Balligubadle (Warsugannews)- Wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa  si weyn loogu soo dhawaayey deegaannada Gobolka Hawd, kaasoo socdaal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta halkaas ka socota ku tagay maanta.

Weftiga KULMIYE oo ka kooban hoggaanka xisbiga, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo madax kale, ayaa taageero wayn kala kulmay deegaannada Gunburaha, Balligubadle, Gumar, Balli-cabbane iyo Sayla-beri, kuwaasoo dadweynaha ku dhaqan isu-soo-baxyo waaweyn ku muujiyeen baaxadda taageerada ay u hayaan xisbiga iyo Murrashaxooda Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, iyadoo madaxda weftiguna hadallo uga jeedisay goobo fagaarayaal ah.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ka soo jeeda deegaanka Balligudbadle, masuuliyiinta heer Gobol iyo Degmo iyo weliba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa weftiga ku qaabilay dhanka Waqooyi ee xarunta Gobolka, kadibna u galbiyey fagaare gudaha magaaladaasi, halkaasoo hadallo soo-dhaweyn, mahadcelin iyo xog-warran ujeeddada socdaalka ku saabsan la isku waydaarsaday.

Maayarka Degmada Balligubadle Md. Cabdiraxman Iimaan Jaamac, Badhasaabka Gobolka Hawd Md. Ibraahim Xaaji Xasan, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Xildhibaan Cabdillaahi Aw Aadan iyo Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, ayaa dhammaantood khudbado qaabilaad iyo qalbi-furnaan ah ku soo dhaweeyey weftiga xisbiga KULMIYE, waxaanay uga warrameen xaaladaha nololeed iyo diiwaangelinta ka socoda Gobolka, iyagoo Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta la socday ka codsaday in laga shaqeeyo sidii loo furi lahaa xadka Itoobiya oo waqtigan xidhan si looga soo tallaabiyo dadweynaha deegaanka oo intooda badan abaartu ka tallaabisay.

Xubno Odayaal, waxgarad, haween iyo dhallinyaro ka soo jeeda deegaanka, ayaa iyaguna ka hadlay siday ugu heellan yihiin taageerada xisbiga KULMIYE, iyaga oo ka sheekeeyey taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa masuuliyiinta xisbiga iyo deegaanka Balligubadle oo ku qotoma ilaa waqtigii SNM, isla markaana waxay ballanqaadeen in aan codkooda cid kale kula tartamayn murrashaxa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, lana garab taagan yihiin hiil iyo hooba.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Cali Salaan Jirde (Shoombe), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Shukri Xariir Ismaaciil iyo Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda Axmed-nuur Shaacir Aw Cabdi, ayaa dhammaantood hadallo ay halkaa ay ka jeediyeen, waxay ka warrameen taariikhda ka dhaxaysa deegaanka Balligubadle iyo xisbiga KULMIYE oo soo taxnayd ilaa xilligii halkii dalka dib loogu xorreeyey. Waxa kaloo ay ugu baaqeen shacabka ku dhaqan Gobolka Hawd inay si buuxda isu-diiwaangeliyaan si ay u gutaan xaqooda, waajibkooda muwaadinimo, isla markaana wax ugu taraan deegaankooda iyo madaxda ay doonayaan inay doortaanba.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa boggaadin iyo ammaan ballaadhan u jeediyey dadweynaha Balligubadle, waxa kale oo dadka dib u xasuusiyey taariikhda Balligubadle ku lahayd halgankii SNM oo ay xarun u ahayd.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mahadnaqay sida milgaha, waddaniyadda iyo xisbinimada leh ee loogu qaabilay Balligubadle, waxaannu kula dardaarmay dadweynaha inay u midoobaan sidii ay u qaadan lahaayeen khaadhadhka codbixinta doorashooyinka soo socda. Gabogabadiina waxa maamulka Gobolka lagu wareejiyey buugaag daabacan oo xisbigu ugu talogalay ardayda ka qallinjabinaysa fasallada siddeedaad dugsiga hoose/dhexe iyo afraad ee dugsiga sare iyo diraysyo iyo kubado loogu deeqay kooxaha kubadda cagta ee Gobolka.

“Reer Balligubadle waxaan idiin sheegayaa Balligubadle waxay horseed ka soo noqotay dib-u-xorreyntii Somaliland, maantana waxa looga baahan yahay inay horseed ka noqoto horumarinta Somaliland oo ah hawl aad iyo aad u culus oo aan ka dhicin halgankii,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, waxa weftiga si ballaadhan oo aan loo kala hadhin loogu soo dhaweeyey degmooyinka Balli-cabbane, Sayla-bari iyo deegaanka Gumar, kuwaasoo boqollaal dadweyne ah oo ku dhaqani si qiimo iyo kalgacal leh ugu qaabileen weftiga, una muujiyeen dhoola-tus taageero baaxad leh oo si weyn u farxad-geliyey Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE iyo masuuliyiinta wehelinayey.

Degmada Balli-cabbane oo ahayd meesha taageerada ugu weyn uu kala kulmay weftiga KULMIYE, ayaa boqollaal qof oo dadweyne isugu jira rag, dumar, dhallinyaro, waxgarad iyo shaqsiyaad caan ahi ku maamuuseen, iyada oo xaflad qurux badan oo qaabilaad meel ka baxsan magaalada loogu sameeyey kadib loo sameeyye ay hadallo ka jeediyeen Suldaanka beesha deegaanka Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, Agaasimaha Fulinta Hay’adda ka hortagga AIDS-ka Prof. Cabdi Cali, Guddoomiyaha Ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Oday, Xildhibaan Ilyaas Aw Xuseen Jaamac, odyaal iyo waxgarad kale ay ku tuseen sida miisaanka leh ee ay u taabacsan yihiin xisbiga iyo murrashaxiisaba, isla markaana u sameeyeen ballanqaadyo adag oo ay doonayaan inay ku doortaan.

Waxa kaloo bulshada degmada Balli-cabbane oo ay horkacayeen Suldaanka guud ee beesha deegaanka Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle iyo Abwaanka caanka ah ee Abwaan Cabdi Aadan Xayd (Qays) ku xurmeeyeen murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi inuu hoggaanka qabto geel uu hormood u yahay Awr gool ah oo lagu heeryeeyey calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, Degmada Sayla-beri oo soo dhawayn meeqaamkeedu sarreeyo ugu soo baxeen masuuliyiinta weftiga, waxaanna madal aan reer Sayla u kala hadhin oo lagu qabtay geed wayn oo ay caan ku tahay hadallo qaabilaad ah ka jeediyey Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud iyo Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan deegaanka, kuwaas oo u hogo-tusaaleeyey weftiga taageerada iyo jacaylka ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo ay tilmaameen inay taariikh qoto dheer oo hore ka dhaxayso.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiinta wehelinayey, waxay ka mahadceliyeen taageerada ay kala kulmeen dadweynaha deegaannada Balli-cabbane iyo Sayla-bari, waxaanay ugu baaqeen dadweynaha inay dedaalkooda ugu weyn ku bixiyaan sidii loo diiwaangelin lahaa dadka, taasoo hiil u noqonaysa qaranka, deegaannadooda iyo xisbiga KULMIYE ee ay taageersan yihiinba.

Md. Muuse Biixi oo la hadlayey shacabka degaannada Balli-cabbane iyo Sayla-bari, waxa uu yidhi, “Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa dadweynaha reer Balli-cabbane iyo Sayla sida qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseen ee aad noo sharafteen. Shirkii Mada’wayn ee xilligii halgankii oo la yidhaa wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee Somaliland isugu timaado bari iyo galbeed muddo 800 sanno ah, shirkaas ducaydiisii way kacday oo way ku midowday Somaliland oo waakii halganka lagu galay, maantana ducadii ayuun baynu rabnaa dalka horumarintiisa, waayo haddaynu hore u xorraynay dalka, maantana horumarintiisa ayeynu rabnaa, taasina dadaal badan bay rabtaa, adkaysi iyo aqoon bay rabtaa, dalka cid kale u imanayso ee innaga ayuu inna sugayaa horumarintiisu. Xisbigeenna waxa la yidhaa xisbiga Horumarinta, Midnimada iyo Nabadda, saddexdaa qodob baynu ku dadaalaynaa ta qof walba maskaxdiisa gasha, dadkeenna oo is dhexgala, wada dega oo walaalooba oo wax wadaqabsada ayeynu ku midaysannahay, waana astaanta aynu kaga duwannahay xisbiyada kale oo dhan. Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta innaga soo jabiyo.”

“Waxaannu u soconnaa waa diiwaangelinta oo loo baahan yahay in aynu u dadaalno sidii dadkeenna oo dhami u qaadan lahaayeen kaadhka, arrinta xadka xidhan arrintiisa waxaannu kala hadlaynaa dawladda Itoobiya, waxa la diray wefti xukuumadda Somaliland ka socda uu hoggaaminayo Wasiirka Daakhiligu si la inoogu soo fasaxo dadka abaaruhu ka tallaabiyeen xadka,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

soo dhawaynta Balligubadle