Wefti Hoggaanka KULMIYE iyo Wasiirro Xukuumadda ah oo Socdaal la Xidhiidha Qiimaynta Abaarta ku Tagay Degaamo Gobolka Saaxil ah

0
389
????????????????????????????????????

Wefti Hoggaanka KULMIYE iyo Wasiirro Xukuumadda ah oo Socdaal la Xidhiidha Qiimaynta Abaarta ku Tagay Degaamo Gobolka Saaxil ah. Weftiga oo soo dhawayn ballaadhan kala kulmay dadweynaha degmada Go’da + roog-cas iyo heeso lagu qaabilay Guddoomiyaha KULMIYE

Hargeysa (Warsugannews)- Wefti ballaadhan oo ka kooban hoggaanka sare ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, ayaa socdaal la xidhiidha qiimaynta xaaladda abaarta ka taagan dalka iyo habsami-u-socodka diiwaangelinta gunnaanadka ku dhaw ku tagay degaamo ka tirsan Gobolka Saaxil maanta.
Weftigan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen ilaa lix wasiir oo golaha xukuumadda ka mid ah, xildhibaanno ka tirsan golahaasha Qaranka ee Wakiillada iyo deegaamada dawladaha hoose qaarkood, xubnaha hoggaanka xisbiga iyo saraakiil kale, kaas ujeeddadiisu la xidhiidhay u kuurgalidda heerka abaarta gurmadkeeda laga bilaabay qaybo ka mid ah gobollada dalka waxay socdaalkooda ku mareen deegaanada kala ah; Dhubato, Gadhka Warsame Xaad, Weeraarta, Darimara, Go’da Wayn, Go’da Yar iyo Buurta Gacan-libaax, kuwaas oo ay indho-dhayn iyo xog-waraysi kala yeelanayeen bulshada xaaladda nololeed ee dad iyo duunyaba.

Shacabka ku dhaqan Degmada Go’da Wayn, ayaa soo dhaweeyn ballaadhan u sameeyey weftiga oo aanay qaybaha bulshadu u kala hadhin, iyagoo si gaar ah u maamuusay Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo loo dhigay roogga cas ee astaanta u ah qadarinta madaxda iyo kuna qaabilay heeso isaga gaar u ah oo ay ku tilmaamayeen taariikhdiisa iyo sida uu u kasbaday inuu u mudan yahay in loo doorto hoggaaminta waddanka.
Soo dhawantaasi oo weftiga KULMIYE iyo wasiirrada xukuumadda kadib waxa madaxdu kala hadleen dadweynaha fagaare ah loo qoodeeyey oo laga jeediyey khudbado xog-warran iyo dhiirrigelin ah.

Guddoomiyaha degmada Go’da Wayn Cabdillaahi Cabdi Cali iyo oday Cabdillaahi Cismaan Jaamac, ayaa si wadajir ah bulshashada deegaanka uga mahadceliyey sida gobonimada leh ee ay u soo dhaweeyeen weftigan. Waxa kaloo ay ka xog-wameen xaaladda guud ee degaanka.

Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Gaafaadhi, ayaa dhammaantood ka mahadceliyey maamuuska loo sameeyey, waxaanay tilmaameen taariikhda degaanka iyo xidhiidhka ka dhexeeya bulshada deegaanka iyo xisbiga KULMIYE.

Wasiirada Wasaaradaha Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir, Tamarta iyo Macdanta Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Axmed Ismaaciil Aadan (kayse), ayaa ballanqaadyo mashaariic horumarineed kaga dhawaaqay halkaasi oo ay ka mid yihiin taageero qodista beeraha ah, horumarinta adeegyada iyo gaadiidka degmada iyo dhanka khayraadkaba, iyagoo tilmaamo ka bixiyey siday u muddantahay in shacabka iyo dawlaadu iskaashi u sameeyaan si horumar buuxa loo sameeyo.
Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeediyey dadweynaha soo dhaweeyey ee reer Go’da Wayn, ayaa ka sheekeeyey taariikhda deegaankaasi leeyahay oo uu ku tilmaamay inuu guulo ku gaadhay Qaranka Somaliland.

Isagoo taariikhda deegaanka Go’da ka hadlayana waxa uu yidhhi, “Deegaanka Go’du waxay kow ka tahay deegaamada ugu deeqay dalkan dad aqoon leh oo maskaxdooda wax ugu taray oo taariikhda dhinac walba ka dhisay Qarankan, marka laga soo bilaabo taariikhdii hore aqoonnadii dadka waxbaray ee u soo halgamay ee macallimiintii u horreysay ah badankoodu waxay ka soo jeedaan Go’da, halgankii dalkan lagu xorreeyey waxa uu ka bilaabay deegaankan oo qof ahaan waxa bilaabay Lixle oo Koonfur ilaa Waqooyi dabkii uu Lixle bilaabay ayaa isqabsaday oo dalka lagu xorreeyey, iyadoo deegaankani dadkii uu u huray halganka wax nool iyo wax dhintayba lama tarin karo, laakiin Qarankaa maanta taagan ayaad dhiig u hurteen oo aasaaskiisii oo la idiin ogyahay. Dad nool ee maanta jooga ee deegaanka ka soo jeeda waxa ka mid ah Shukri Baandare oo keligeed isku xilqaantay inay soo celiso Gacan-libaax iyo deegaankeennii, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka mid ah oo maanta ka mid ah ragga qaranka hoggaaminaya.”

Sidoo kale, soo dhawayn taa hore la mid ah ayaa weftigu kala kulmay bulshada ku nool tuulada Go’da Yar oo iyana ka mid ah Degmada Go’da, taas oo dadweyne fara badani u soo baxeen qaabiladooda, una sameeyeen xaflad ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba oo odayaal iyo xubno matalayey qaybaha bulshadu ka hadleen, halka dhinaca weftiguna farxad iyo mahadnaq kaga dareen celiyeen soo dhawayntaasi, iyadoo ay hadallo ka jeediyeen halkaasi masuuliyiin ka mid yihiin; Xildhibaan Axmed Xasan Wayso-cadde, Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Ismaaciil (Shabeel), Amb. Axmed Xasan iyo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, weftigu waxa uu booqday Buurta dalxiiska ee Gacan-libaax oo loogu sameeyey casuumad qado ah, halkaasi oo markii dambena Guddoomiyaha KULMIYE iyo wasiirradu waxay dhagax-dhigeen dhismaha guriga Martida oo ay dhisayso Wasaaradda Deegaanku oo burbursanaa in ka badan 25-kii sanno ee Somaliland madaxbannaanideeda haysatayba.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????