Wefti Miisaan leh oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa gaadhay Magaalada Caynaba iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi Mashaariicana Xadhiga ka jaray

0
607

Wefti Miisaan leh oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa gaadhay Magaalada Caynaba iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi Mashaariicana Xadhiga ka jaray

Wafti uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha oo ay weheliyaan wasiirada madaxtooyada,hawlaha guud,iyo wasiir ku xigeenka kaluumaysiga oo safar shaqo ugu baxay gobolka saraar ayaa maanta gaadhay magaalada caynabo.
Caynaba(Warsugannews) wafti uu hogaaminaayo wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland cali maxamed warancade oo ay kuu weheliyaan wasiirka, madaxtooyada maxamuud xaashi cabdi, wasiirka hawlaha guud cali siciid raygal, iyo wasiir ku xigeenka wasaarada kaluumaysiga maxamed xaaji aadan.


Oo ku guda jira safar shaqo oo ay maalintii shalay ahayd kaga soo anbabaxeen magaalada hargaysa ayaa maanta gaadhay magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar.


Waftigani xukuumada oo saaka ka soo anbabaxay magaalada burco oo ay xalay u hoyden ayaa intii aanay soo gaadhin magaalada caynaba waxa ay kormeer indha indhayna ku soo maray deeganada Qoryaalay iyo Waadama gooye. Halkaasi oo waftigu ay kula hadleen bulshada deegaanadaasi oo si diiran u soo dhaweeyey. Masuuliyiinta waftigani ayaa bulshada deegaanadaaasi ku amaanay dadaalkooda iyo waxa ay qabsadeenba,iyaga oo u soo jeediyey in ay halkaasi kasii wadaan isku duubnidooda iyo wada jirka ay muujiyeen.


Sidoo kale waftiga ayaa xadhiga ka jaray intii ay kormeerayeen dagmada qoryaalay dhisme dayr ah oo ay hirgaliyeen maamulka dagmada iyo dawlada hoose ee qoryaalay,waxaanay soo kormeeraan biyo xidheeno maamulka qoryaalay ka hirgaliyey degaankaasi.

Markii ay waftigu soo gaadheen magaalada caynabo ee xarunta gobolka saraar waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey, salaadiinta,cuqaasha,waxgaradka,dhalinyarada,haweenka iyo maamulka heer gobol iyo ka degmada, waxaanay masuuliyiintu mid mid u gacan qaadeen dadkii halkaasi ku soo dhaweeyey,
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland cali maxamed warancade ayaana ugu mahadnaqay bulshada reer caynabo soo dhawaynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen.

6197_1518739751787922_2305207507775531611_n 12271_1518740648454499_8591143523577913828_n 1000659_1518737738454790_5654939581352212194_n 1796553_1518737195121511_4885475592661203918_n 1919541_1518738451788052_1347765800427457428_n 10329180_1518737371788160_7678282188109806103_n (1) 10329180_1518737371788160_7678282188109806103_n 10390235_1518738825121348_8955424389085135006_n 12435768_940895892658855_1263737497_n 12459826_940889845992793_1220093684_n 12463821_940889715992806_520483842_n 12467844_940893589325752_928953385_n