Wenger Oo Markale Cadaw Ku Noqday Abaal Marinta Ballon d’Orka Iyo Macalinka Ree France Oo Weerar Ku Qaaday Cristiano Ronaldo

0
405

Waxaa Qoray YAASIRA BR ;

Tababare ayaa sii wada dagaalka ka dhanka ah abaal marinta Ballon d’Or-ka oo uu horeba u sheegay in ay wax xun ku tahay kubbada cagta. Wenger ayaa ku dooday in ciyaartoydu ay ku mashuulayaan abaal marinta khaaska ah halkii ay kaga maquuli lahaayeen waxa ay wada jir kooxda ula gaadhaan.Wenger ayaa sheegay in ay jiraan ciyaartoy naftooda oo kaliya wax la doonaya inkasta oo uu magac gaar ah soo qaadin, haddana saxaafada aduunka gaar ahaan saxaafada Spain iyo Ingiriiska ayaa si wayn u hadalka Wenger u qaadaa dhigay waxayna tilmaameen in haddalka Wenger uu weerar cad ku ahaa Cristiano Ronaldo oo hore loogu eedeeyay in aanu jeclayn in xidigaha kooxdiisu ay goolal dhaliyaan.Haddalka uu Wenger ku duray Ronaldo ayuu ku yidhi: “Waxaynu soo aragnay dad badan oo ka fikiraya naftooda oo kaliya, sababtoo ah waxaa qaadatay Ballon d’Orka, mana aha bandhiga kooxda.Anigu waxaan aaminsanahay in kubbada cagtu ay tahay ciyaar wada jir ah, waxaynu ku nool lahay aduunyo wax kastaba shaqsi laga dhigay, waxaynu doonaynaa in aynu ixtiraambo waxa ay kubbada cagtu ay tahay oo ugu horayn iyo ugu danbayn ah dadaalka kooxdeed”.Bishii January Wenger ayaa si adag uga soo hojeedsaday abaal marinta  Ballon d’Or -ka wuxuuna yidhi: “Guud ahaan anigu taageero uma ihi Ballon d’Orka, anagu waxaanu nahay koox ciyaareed, wax macquul ah ma aha dadaalka shaqsiyadeed, waxay ka hor imanaysaa waxa uu yahay xididka ciyaaraheenu”.