Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Gobolka Minnesota Ee Dalka Maraykanka

0
288

Maalintii shalay oo Arbaca aheyd waxaa Magaalada Moorhead ee Gobolka Minnesota lagu dilay nin Soomaal ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo ahaa tagsiile.

Ciidanka Booliska Moorhead ayaa xaqiijiyay dilka loo geystay Marxuum Cabdullaahi Maxamed, waxaana dilkaas loo qabtay Willie Sparkman oo ah 18-jir, wuxuuna ku eedeysanyahay dillka darajada labaad oo ah mid aan ula kac aheyn.

Sparman ayaa qurshihiisa kowaadd waxaa uu ahaa inuu dhac iyo baadhasho u geysto marxuumka oo ahaa 24-jir sida ay sheegeen Booliska Magaalada Moorhead ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay eedeysane Sparman ku raad-joogeen kakor inta aanu dilin C/llaahi, maadaama uu dhac ka geysta laba goobood oo kala duwan labadii habeen ee la soo dhaafay.

C/llaahi Maxamed ayaa noqonaya Soomaaligii labaad oo muddo toban cisho gudahood ah lagu dilay gobolka Minnesota, waxaana toddobaadkii hore ay tuugo hubeysan ku dhex toogteenn xawaaladda Taaj ee xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis wiil la odhan jiray Liibaan Cusman Baqarre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here