Xafiiska Somaliland Trade Office Mission UAE wuxuu uga mahadcelinayaa Jaalliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden iyagoo uga mahadnaqaya sidii ay u soo dhaweeyeen Safiir Baashe Cawil

0
388

Taariikh: 04.05.2017
War-saxaafadeed

Hargeysa(Dubai)Xafiiska Somaliland Trade Office Mission UAE wuxuu uga mahadcelinayaa Jaalliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay wakiilka Somaliland ee Imaaraadka iyo xubnihii weftigiisa ugu soo dhaweeyeen dalkaasi muddadii labada cisho ahayd ee ay ku sugnaayeen.

Jaalliayadaha dalalka Nordic waxay muujiyeen waddan jeceyl , niyad wanaag iyo midnimo ay meel uga soo wada jeedaan garab istaaga horumarka dalkooda hooyo oo ay awalba kaallin muuqata ka qaadan jireen. Taasina waa ta ay ku garteen in ay shahaado sharaf ku maamuusaan wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Amb. Baashe Cawil Cumar oo ku muteystay dedaalka iyo waxqabadka muuqda ee Somaliland u soo kordhay muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.

Sidaa daraadeed waxa uu xafiiska Somaliland Trade Office mahadnaqayaa jaalliyadaha ku dhaqan dalalka Nordic, wakiilada Somaliland u fadhiya dalalkaasi iyo masuuliyiinta laamaha xisbiga Kulmiye ee Illaahay garansiiyay in ay taageeraan horumarka dalkooda Hooyo.

Allah Mahad leh
Xafiiska Somaliland Trade Office Mission UAE