Xaflad balaadhan oo maanta Shahaadooyin lagu Gudoonsiiyey Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada +Sawiro
Hargeysa(Warsugannews)ururrka dhalinyarada hormarinta iyo cilmi – baadhista ee sodra (Somaliland development and research association) my shahaadooyin ku maamuusay xubno kaladuwan oo kamid ah bulshada, munaasibaddii xafladdaasi oo The quruxbadan looga sooo shaqeeyay abaabulkeeda waxaa ka sooo qaybgalay marwada koowaad ee madaxweynaha waranka marwo aamina sheekh maxamed jirde “Aamina before”, Qar Kamid ah wasiirrada cusub, kuwii hurray, badhasaabyada boorama iyo gebilay, maayarada laascaanood, Berbera, agaasimeyaal guud xildhibaanno iyo martisharaf kale.
Masuuliyiintii madashaasi ka hadashay waxaa kamid ahaa gudoomiyaha ururkaasi axmed maxamuud shaqalle waxaanu ka warramay ujeeedad madashan abaalarinta ah ay ururkiisu u qabteen ” maanta waxaa farxad noo ah haddii aannu nahay ururka dhalinayarada ee sodra inaaannu halkan ku soo bandhigno masuuliyiinta xukuumadda axmed maxamed siilaanyo, ayuu yidhi axmed Shaqalle.
Dhanka kalana axmed shaqalle waxa uu sheegay inay ka urur ause gacanta ku hayaan ugu yaraan 500 oo dhalinyaro ah kuwaas oo ka sooo kalajeeda goballada somaliland oo dhan wa sida bill halka u dhigaye ” ururka dhalinayarada sodra haddii so bad nahay waxaannu gacanta ku haynaa 500 Oo dhalinyaro ah oo ka sooo kala jedaa goballada oo dhan waxaanan qaarkood ka bixinnaa jaamacadadaha ” ayuu yidhi.
” aniga magacygu wa axmed shaqalle waxaanan jeclahay image ku daydo siyaasadda madaxweyne siilaanyo ” ayuu yidhi waxaanu intaa the raaciyey ” anigu waxaan halka ka cadaynayaa image diyaar u ahay image xilka ururka ku wareejiyo wiilkasta iyo gabadhkasta oo aan lahayn balwad inay u sooo tartamaan xilka ururkan ” Ayuu Yidhi.
Waxaanu madasha ka tiriyey mr shaqalle maanso ka tarjumaysay waxqabadkii xukuumadda axmed siilaanyo EE 5 ti sano ee la sooo dhaafay bag oo sacabka lô garaacay markii bill sharraxayey gabaygiisa, waxaa isaguna madashaa ka hadlay agaasimaha ururkaasi cabdiraxmaan waxaanu the naax – naaxiyey waxqabaddka xukuumadda sida idaacadda Qur ‘ aanka kariimka ah iyo taageera ay u fidisay hospitaallada waaweyn ee dalka “intaa aad qabateen waannu idiin qiraynaa laakin waxaanu idiinka baahannahay inaad qabataan intaa wax ka siibadan” ayuu yidhi mr cabdiraxmaan.
Cabdifataax oo ahaa wil dhalinyaro ah my isaguna halkaa ka tiriyey gabay ku qotamay xikmadd iyo darren aqooni ku dheehantahay gas oo bill wiilkaasi ku akhriyey luuqadda carabiga “markaad waxbadan u fiirsato waxaa I sooo baxaysa ururkan sodra iyo waxa uu qabtay” ayuu yidhi mr cabdifataax. Waxaa sidoo kale isaguna madashaa ka gabyey abwaan da ” a yar oo cabdul – khaalig la yidhaado.
Abwaankaasi da ‘ da yari waxa uu madashaa ka tiriyey gabay qiimo badan oo uu ku sharraxayey shakhsiyadda madaxweyne axmed maxamd siilaanyo waxaanay ka soo qaybgalayaashii madasha fadhiyey sacabka u garaaceen abwaanku markii uu erayadaasi titinayey.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay axmed abokar waxaanu sheegay inay ka dhalinyaro ahaan qabaan dareen ah inay kuraasrii dhalinayro wali ka maqanyihiin saaxadda siyaasadda waxaanu soo jeediyey inay marwada madaxweynaha iyo wasiirrada madasha fadhiyaa gaadhsiiyaan madaxweynaha inuu soo magaabo wasiirro dhalinayro ah ” marwada madaxweynaha iyo wasiirrada kale ee halkan Fadhiya waxaannu faraynaa inay madaxweynaha naga gaadhsiiyaan dareenka dhalinyarada ee ah inay wasiirradii dhalinyaradu saaxadda ka maqanyihiin waxaanan codanaynaa inuu madaxweynuhu soo magacaabo wasiirro dhalinyaro ah ” Ayuu Yidhi Mr. Abokar.
Abwaanka da ‘ ada yar ee sida abwaan cabdillaahi timacade u luuqeeya farxaan ismaaciil ayaa isaguna halkaa dadka ilaahay ku xasuusiyey waxaanu yidhi ” maanta intiinnaa halkan fadhida wax-Maydinka Codsadaa? Haa haa haa ” ayey ugu jawaabeen saa sidii ay waxkale uga sugayeen ku lahaa ” siduu ilaahay jecel yahay aan wax u maamuullo oo aan diinta ku dhaqanno ”
Maayarka Laas-Caanood Mr. Cismaaan saleebaan jaamac halkaa oo ka hadlay waxa uu ka warramay horumarka magaaladiisaa oo sii kobcaya ” xukuumadda madaxweyne siilaanyo aad iyo aad baanu taaageersannahay lamaba qabankaro wixii uu qabtay ” Ayuu Yidhi Mr. Saleebaan waxaanu intaa sii raaciyey ” Laamigi 7 km Ah yaannu hadda samaynay walina wuu socdaa hormarka laas-Caanood ”
Badhasaabka gabiley mustafe cabdi ciise [ Shiine ] oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo waxqabadka madaxweyne siilaanyo dalka ka qabtay ” maayar iyo badhasaabtoona waxba maqaban karaan haddii aanay haysan kalsoonida madaxweyne siilaanyo ” Ayuu Yidhi Mr. Shiine ” waxyaabaha ay xukuumadda axmed siilaanyo ka qabatay Gobalkaasi gabiley waxaa kamid ah wasaaradaha biyaha iyo wasaaradda caafimaadka oo waxbadan nagala qabtay gobalka ” Ayuu Yidhi Mr. Shiine.
” waxqabadku ma yara laakiin waxaannu rabaa inaannu cabirro guusha ay xukuumaddu gaadhay intii ay xilka haysay annaguna bulshada dhexbaannu u nahay madaxweynahana waxaan ku bogaadinayaa tallaabada uu dalka ku maamulayo ” ayuu yidhi.
Waxaa isna halkaa ka hadlay afhayeenka dhawaan madaxtooyada somaliland loo magacaabay axmed xuseen cige [ Deyr ] oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu madaxweynaha uga mahadcelinayo inuu xilkaasi afhayeenkiisa u igmaday ” MADAXWEYNAHA WAXAAN UGA MAHADCELINAYAA INUU XILKAA II-Igmaday ” Ayuu Yidhi Mr. Deyr
Xuseen deyr waxa uu xusay inay lagama maarmaan tahay inuu madaxweyne siilaanyo sii wado dadaalkiisa uu ku dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya tartanka xisbiga kulmiye dhexdiisa ah ” madaxweynaha waxaan ku bogaadinayaa dadaalkiisa uu wado ee uu ku dhexdhexaadinayo khilaafka kulmiye waxaanan leeyahay madaxweyne halkaa ka sii wadd ” ayuu yidhi .
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay agaasimaha wasaaradda howlaha guud mukhtaan maxamed cali waxaanu sheegay inuu madaxwene siilaanyo dalka ku hagayo siyaasad qeexan oo toosan taas oo ay maragg u tahay inuu dhalinayarada qayb ka siiyey talada dalka.
Wasiirka diinta iyo awqaafta sheekh khaliil cabdillaahi halkaa oo ka hadlay waxa uu madaxweyne siilaanyo ugu duceeyey inuu waafajiyo khayrka oo dhan ” madaxweynaha waxaan ugu ducaynayaa inuu khayrka oo dhan ilaahay waafajiyo ” Ayuu Yidhi Sh-Khaliil.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Dr. Sacad Cali shire wasiirka arrimaha dibadda waxaanu ka warramay qaybo kamid ah waxqabadka xukuumadda sida lacagtii giinbaarta ahayd ee burco action badalay iyo biriijkii hargeysa action dhisay, xaaladda waddada berbera iyo iyo burco hargeysa isku xidha ” hormarka xukuuamdda in la sheego waannu Sooo dhaweynaynaa waxaanan sooo jeedin laha in la balaadhiyo shirkarka noocan oo kale ah ee song muujinayo waxqabadka cidkasta oo u qalanta ” Ayuu Yidhi Dr. Sacad.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka saleebaan xaglotoosiye halkaa oo ka hadlay waxa uu sheegay inay xukuumadda siilaanyo qabatay wax aanay 19 kii sano qabanin xukuumadihii ka horeeyey ” waxqabadku wuu muuqdaa mahaddiisana waxaa iska leh madaxweyne axmed siilaanyo ” Ayuu Yidhi Mr. Xaglotoosiye.
” bulshadu waa inay ogtahay masuulka wax u qabtay iyo kan aan waxba u qaban dhalinayaradana waxaan ku boorrinayaa inay qabiilka ka fogaadaan iyo qabyaalladda ” ayuu yidhi waxaanu xusay inaanay shaqo LA ‘ aani dalka ka jirin balse ay dad LA ‘ aani hayso shaqadii oo wax ka shaqaysta LA ‘ Layahay, Mr. Xaglotoosiye Waxa Uu Ammaaanay Maayarka Laas-caano oo sida uu sheegay waxbadan ka qabtay magaalada ” Maamayrka Laas-caano waxaan ku bogaadinayaa inuu waxbadan ka qabtay laas-Caano ” Ayuu Yidhi Mr. Xaglotoosiye.
Dhanka kalana waxa uu sheegay inaanay dadka goballadaasi bariga gaar ahaan laas-iyo caano dadka beeshaasi deegaannada ay ka soo jeedaan inaanay doorasho ka dhicijirin waxaanu ku boorriyey inay hadda kadib diiwaangalita doorashooyinka loogu diyaar garoobayo ka hirgaliyaan laas-iyo caano nawaaxigeeda ” waan ognahay oo laas. Iyo caano deegaannadeena kale doorasho kamay dhicijirin laakiin hadda waxaa soo socota doorashado markaa waxaan idinku boorrinayaa ka maamul ahaan inaad diiwaangalinta ka qaybqaadataan waayo waxbadan baa innagaga maqadn doorashadooyinka aynu oo ka qaybgallo ” Ayuu Yidhi Mr. Xaglotoosiye.
Wasiirka cusub ee hawlaha guud cali marreexaan halkaa oo ka hadlay waxa uu sheegay inuu madaxweyne siilaanyo yahay nin aan aargoosiga iyo xagg-Xagashada Aqooni ” waxaa la rabaa inay dad badani madaxweyne siilaanyo kaga daydaan saaxamaadda iyo dhaqankiisa wanaagsan kuwa gabi dhacaya ” Ayuu Yidhi Mr. Marreexaan.
Marwada koowaad ee madaxweynaha somaliland aamina before sheekh maxamed jirde oo halkaa ka hadashay waxay sheegtay inay jiraan dumarkale iyada oo ka mudnaa in la siiyo abaalmarinnada noocan oo kale ah “waxaa jiray dumar well oo anniga ribs mudnaa abaalmarintan oo waxbadan ka qabtay arrimaha bulshada” ayey tidhi Marwo Aamina Payment, balse waxan u mahadnaqayaa dhalin yaradan is xilqaantay ee muujisay tacabkana gelisay inay qiimeeyaan dadkooda kuwa waxqabtay wanan u ducaynayaa inay halkaasi ka the waddan dedaalkooda.
Gabagabadiina waxaa halkaasi shahaadooyin songs gudoonsiiyey dadkii ururkaasi sodra u garteen inay ku mutaysteen shahaadooyinkii ay sooo qabteen core ay kamid ahaayeen xukuumadda axmed maxamed maxamuud siilaanyo.



























