Xafladii Jaaliyada Somaliland ee Dalka Ingiriisku u qabteen Madaxweynaha habeenkii xalay ahaa iyo Nuxurkii kulankaasi + Sawiro

0
624

Xafladii Jaaliyada Somaliland ee Dalka Ingiriisku u qabteen Madaxweynaha habeenkii xalay ahaa iyo Nuxurkii kulankaasi + Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Waftigii u hoggaaminaayay ayaa xalay Kulan balaadhan oo aan loo kala hadhin wuxuu Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska kula qaatay Qurbajooga ku dhaqan dalka Uk.

London(Warsugannews)Munaasibadan oo ka dhacday bariga Magaalada London, waxaa ka soo qayb galay badi Jaaliyada kala degan guud ahaan Gobolada dalka Uk, kuwaas oo isugu jiray Aqoonyahano, odayaal, dhalinyaro, caruur iyo haweenba.Madaxweynaha waxaa kulankaas uu jaaliyada la qaatay ku wehelinaayay, Wasiirada Madaxtooyada, Warfaafinta, Caafimaadka, Marwada Koobaad ee Qaranka, Safiirada dalka Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye) oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada nabadu leedahay, isagoo ka sheekeeyay marxaladihii ay soo martay nabada Gobolada Bari iyo gogoshi uu Madaxweynuhu fidiyay, wuxuuna Wasiirka Caafimaadku waano u diray guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isna khudbad dheer ka jeediyay madashii Shirka Jaaliyada, Khudbada Wasiirka Warfaafintu wuxuu isku dultaagay arrimaha Doorashooyinka iyo khilaafka Xisbiga KULMIYE,wuxuuna Wasiirku tageerayaasha Xisbul Xaakimka ugu bushaareeyay in KULMIYE leeyahay Madaxweyne aasaasihii Xisbiga waxna aanay ka xumaanayn.

Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa isna ka hadlay Xafladii Madaxweynuhu la qaatay Jaaliyada UK, Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan wuxuu si mugleh uga waramay tariikhdii kala duwanayd ee loo soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo tilmaamay in halganadii kala duwana ee wadanka losoo galay ay ahayeen kuwo muwaadin kasta xaq loogu laha inuu nafta iyo maalkaba u huro ciidisa, geesta kale wuxuu Wasiirka Madaxtooyada ka dhawaajiyay in aanay halganadaasi noqonayn CV- lagu shaqo tago ama shaqo lagu raadsado, balse ay ahayeen wax ciida iyo dalka loo galay waddanku uu u qalmo intaas iyo in kabadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo soo afmeeray Kulankii Jaaliyada ayaa khudbad qiimo badan oo nuxur balaadhan xanbaarsan wuxuu u jeediyay Qurbajooga rer Somaliland ee ku dhaqan dalka Uk. Madaxweynuhu wuxuu kula dar daarmay guud ahaan Shacbiga meel ay joogaanba gude iyo debad inay ku faro adaygaan nabad gelyada, sidoo kale wuxuu ka waaniyay in aanay ku qayb samin tartanada doorashooyinka.

Geesta kale wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, khudbadiisa kaga dhawaajiyay in Xukuumaddiisu xooga saarayso sidii ay doorashooyinku uga qabsoomi lahayeen Gobolada Bari iyo degaanadii aan sanadihii hore laga codeyn jirin. Xaflada Madaxweynaha Somaliland uu kula kulmay Jaaliyada degan Gobolada dalka Ingiriiska ayaa ahayd mid siweyn uga duwanayd Munasibadihii hore, marka la eego dhinaca agaasinka iyo xamaasada ka muuqanaysay Qurbajooga. Waxaa iyaguna heeso dadkii goobta ku sugnaa qiiro galiyay ku soo bandhigay Fanaaniinta rer Somaliland oo ay kamid ahayeen, Nuur Jaamac Aadan (Nuur Daalacay) Maxamed Siciid BK, Canab Ismaciil, sidoo kale Faarax Murtiile iyo Hinda Maxamed Biixi ayaa iyana gabayo la jeclaystay soo bandhigay.

12170668_10153669967818535_2105400418_n

12170572_10153669967408535_294580339_n

12170552_10153669967583535_1189385652_n

12170492_10153669967678535_1072100284_n

12170441_10153669967468535_1445163544_n

12170337_10153669967883535_566457542_n

12170276_10153669967648535_428688099_n

12170259_10153669967863535_83596266_n

12168098_10153669967683535_299820084_n

12167795_10153669967653535_674285471_n

12167795_10153669967478535_481616941_n

12167694_10153669967558535_1515705134_n

12167651_10153669967943535_2140618297_n

12167602_10153669967628535_2024000740_n

12167497_10153669967873535_552017595_n

12167491_10153669967703535_460534268_n

12167470_10153669967473535_886771109_n

12167451_10153669967813535_635527133_n

12167447_10153669967948535_2135348364_n

12167396_10153669967503535_237425759_n

12167374_10153669967903535_538766524_n

12167316_10153669967633535_698249598_n

12167225_10153669967793535_518362421_n

12167216_10153669967888535_1680862497_n

12167184_10153669967638535_1092436285_n

12167164_10153669967713535_1432088070_n

12167130_10153669967428535_1537695638_n

12167106_10153669967973535_1981045735_n

12167106_10153669967778535_1109395794_n

12167074_10153669967433535_591633817_n

12167017_10153669967438535_90946042_n

12166958_10153669967928535_1187958726_n

12166899_10153669967643535_2033896035_n

12166822_10153669967548535_1509129374_n

12166779_10153669967573535_1510855382_n

12166693_10153669967693535_774113714_n

12166535_10153669967823535_1607272947_n

12166532_10153669967833535_1630364903_n

12166511_10153669967453535_1766083486_n

12166511_10153669967403535_1846767259_n

12166257_10153669967853535_2045489852_n

12165952_10153669967848535_1177600705_n

12165901_10153669967708535_768368558_n

12165710_10153669967603535_494661391_n

11696666_10153669967953535_1502057523_n

11696666_10153669967953535_1502057523_n

12140595_10153319390275787_4869814739793774420_n

12122867_10153319386960787_6700495282464629773_n

12122422_10153319391630787_5246601105647175370_n

12119025_10153319388380787_4633731897642903177_n

12118942_10153319384210787_8726270640941922821_n

12118925_10153319392240787_1285866229933648704_n

12118776_10153319383460787_8463231496512543658_n

12118734_10153319391605787_3516627713802680618_n

12116002_10153319392255787_1386161496086399339_n

12112329_10153319386985787_1795793748334554574_n

12109126_10153319397360787_1253306555441875001_n

12109042_10153319385680787_966512279791780152_n

12109015_10153319383450787_6480844639365943660_n

12108073_10153319386805787_5557121183816666443_n

12107980_10153319390635787_3312786866594615446_n

12105923_10153319390775787_8615299615133449209_n

12096496_10153319389850787_6286081172980066232_n

12096426_10153319384140787_6842540893927399072_n

12096354_10153319391265787_8960082939944740666_n

12088220_10153319385590787_1768054707753398200_n

12087992_10153319385455787_5001999004592285962_n

12079656_10153319383370787_7065850418475687859_n

12079640_10153319388390787_8843035103776115430_n

12079605_10153319385260787_5577248904299949521_n

12074918_10153319390655787_5709233223692492115_n

12074908_10153319389615787_2198301155310617072_n

12074845_10153319391245787_8894523635521016006_n

11224457_10153319393235787_5490685970047630716_n

Muniir Axmed Cigaal
Weriyaha Weftiga Madaxweynaha JSL
LONDON-UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here