Xafladii kulmiye ee Manchester oo xubnaha ugusareya ee xisbiga lagudoranayay

0
505

Dhoolatuskii KULMIYE Ee Waxaa magaalada Manchester ee cariga Ingiriiska lagu qabtay shirweyne aad loo soo agaasimay, waxaa shirkaas soo qaban-qaabiyey Jaaliyada degan waqooyiga Ingiriiska oo ay hormuud ka tahay Laanta KULMIYE ee Manchester. Shirka ayaa loo soo agaasimay si aad u qurxoon, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ay dadweynaha waqooyiga Ingiriiska degani ay fursada u heleen in ay la kulamaan;

12665788_10153587087389682_1922075728_n

1-Guddoomiye ee KULMIYE, mudane Cadilahi Cisman jiqire
2-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee cumar barkhade
3- afhahnka Cabdiqadir berberaawi ,
4- xogahaya guud Cabdiraxman yusuf (cabdijanan)
5- Cabdilaahi bodsanah guudomye abaalulka iyo xidhidhka
6- gudoomiyaha garabka hawanka Iftiin
7- guddoomiyaha garabka dhalinyarta cali guulad

12666435_10153587087024682_480763764_n
Gudida iyo masuuliyiin kale oo badan. Waxaa kaloo joogay goobtaas, si weyna uga qaybqaatay shirkan xildhibaano dhawra oo ka mid , waxaana ka mid ah oo labaduba ka tirsan xisbiga Ucid, iyo xubno kasocday xisbiga wadani

12696100_10153587086774682_1311099617_n

Inta aanan u gudbin shirka iyo sidii loo daadihinayey, waxaan jeclaa in aan xuso, in dhamaan xubnihii ka hadlay shirka ee KULMIYE, Qaar Kamida Beelaha Laascaanood Oo Sheegay Inay Taageero Buuxda U Hayaan XisbigaKULMIYE. Shirka iyo Furitaankii Xaflada. Waxaa lagu soo dhaweeyey mikrifoonka guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee cariga Manchester , wuxuuna halkaas ka soo jeediyey kelmado kooban oo uu ku guubaabinayo xubnaha xisbiga iyo guud ahaan , wuxuu tilmaamay hawlaha horyaal Xisbiga KULMIYE, wuxuuna hadalkiisii ku soo koobay, in loo baahan yahay taageerada xubnaha, weliba taageerida dhaqaale ay laf-dhabar u tahay dedaalka xisbugu ku jiro ee ka midho dhalinta dimoqraadiyada. Wuxuu hadalkiisii ku soo koobay, “balankeenu waa hawl badan iyo hadal yar.”

12696144_10153587087379682_1109763504_n

Waxaa kaloo isna halkaas ka hadlay Xoghayaha guud ee Laanta Manchester, Mudane c/raxman yusuf ( cabdijanan ) , wuxuuna soo dhaweeyey isaga oo ku hadlaya magaca laanta, wufuuda xisbiga iyo dhamaan taageerayaasha xisbiga ayuu Farax madasha ku soo dhaweeey. Waxaa halkaas ka hadlay afhahnka xigeenka ee Xisbiga Mudane Cabdiqadir beberawi , wuxuu sidoo kale isagu si gaar ah ugu mahadnaqay dhamaan taageerayaasha KULMIYE oo si mug leh ayuu yidhi, isaga intii uu shirka soconayay sojediyay inla barbar istaago wuxuu kaloo uga mahadnaqay taageerada ay xubnaha reer Manchester la barbar taagan yihiin xisbiga. Isaga oo arrinkaas sii iftiiminaya wuxuu yidhi , ka guulaysano, waa in aynu xisbiga xagga dhaqaalaha ka taageerno”. Isaga oo sii sharaxaya wuxuu yidhi “ Xukuumadu , in aanu taageerayaasha wax weydiisano, taageerayaasha oo idin waydiisanaynaa taageero”.