Xasan Shiikh Maxamuud: Xiriirka Soomaaliya Iyo Imaaraatka Carabta ma xumaan.

0
416

MUQDISHO –war sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in uusan xumaan xiriirka ay dowladu la leedahay dalka Isutaga Imaaraatka carabta.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in muddooyinka ay sodeen dacaayado lagu waxyeelaynayo xiriirka iyo saaxiibtinimada u dhaxeysa Imaaraatka iyo Soomaaliya taasina ay tahay been abuur.

Xiriirka labada dal u dhaxeeya waa mid mar walba xooggeysanaya,waana been abuur inuu xumaaday xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Imaaradka”ayuu yiri Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda Imaaraatka carabja mashaariicda ay dalka fulisay sida Isbitaalka Shiikh Sayd iyo qeybo cusub oo dhismahoodu ka socdo hadda,dowlada iyo shacabkuna ay abaal uga hayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maalmo ka hor boogday Safaaradda Imaartaata Carabta ee magaalada Muqdisho halkaasoo uu hadalkan ka sheegay.