Xeeladdaha KULMIYE Ku Doonayo Shir-Guddoonka, Caqabadaha Horyaalla Oo Seejin Kara Inuu Ku Guuleysto Iyo Khaadhadhka Siyaasaddeed Ee Uu Ciyaarayo Oo Isu Qaban La

0
55
Xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye iyo Xukuumaddiisa, ayaa weli ku hawlan xeeladdo iyo farsamooyin siyaasaddeed oo ay ku doonayaan in ay ku hantaan Shirguddoonka golaha Wakiillada, iyaga oo si gaar ah geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaya sidii ay kursiga u sarreeya aqalka wakiillada ugu fadhiisin lahaayeen Siyaasiga Ruug cadaaga ah ee Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ah Mudane Kulmiye u qorsheeyey Guddoomiyenimada golahaasi.

Xisbiga Kulmiye oo aan helin Xildhibaanno aqlabiyad ah oo ku filan in ay keligood doortaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa waxa uu muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa qaabka uu u wajahayo culays siyaasaddeed oo kaga imanayey Isbahaysiga Mucaaradka ee Waddani iyo UCID oo iyagu isu xulufaystay sidii ay saddexda Kursi ee Shirguddoonka u qaybsan lahaayeen, madaama oo ay haystaan aqlabiyadda xildhibaannada Golahaasi oo gaadhaya 52 Mudane, inkasta oo aan dhamaantood la hubin ay u codeyn doonaan saddexda xubnood ee Mucaaradku Shirguddoonka u wataan.

Xeeladaha uu Kulmiye ku doonayo in ay ku qaataan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxa lixda gobol ee dalka uga soo baxay 30 Xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Mudane ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiillada Somaliland, taas oo aan u saamaxay Kulmiye in ay iyagu iskood u doortaan Guddoomiyaha Wakiillada iyo kuxigeennadiisa, balse tani waxa ay ku khasabtay in ay sameeyaan xeeladdo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay kaga midho dhaliyaan qorshahooda ah in Faratoon Guddoomiyaha Golaha Wakiillada noqdo, madaama oo doorashadii Wakiillada oo aan dhicin ka hor la dejiyey meel marinta qorshahan lagu dhisayo Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Xeeladdaha uu Kulmiye adeegsanayo, si uu uga hortago aqlabiyadda Xildhibaannada Mucaaradka ah oo iyagu xilli horeba calaamadiyey saddexda Nin ee ay u wataan Shirguddoonka Wakiillada, kuwaas oo kala ah Cabdirisaaaq Khaliif, oo Waddani ka soo baxay iyo labada Kuxigeen oo loo wado laba Xildhibaan oo UCID ka soo baxay, kuwaas oo kala ah Cumar Jaamac Faarax Cali Xaamud Jibriil, ayaa ah in la kala fur-furo 52-ka Xildhibaan ee ka soo baxay Waddani iyo UCID, kuwaas oo siyaabo kala duwan oo la wajahayo si loogu qanciyo in ay u coddeeyaan Xildhibaan Faratoon.

Xeeladdaha waxa ka mid ah oo ugu muhiimsan in qaar ka mid ah Xildhibaannada Mucaaradka ah la geliyo han ah in xildhibaannada 30-ka ah ee ka soo baxay Kulmiye ay diyaar u yihiin in ay ku dhisayaan xubnaha doonaya in ay noqdaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad.

Xeeladan ayaa keentay in xubno dhawr ah oo ka soo baxay Waddani iyo UCID ay kulamo la qaataan Madaxweynaha iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, kuwaas oo u ballan qaaday in ay ku dhisayaan damacooda, iyaga waa Xildhibaannada ee looga baahan yahay in ay keenaan Xildhibaanno ku taageerada hankooda, sidoo kalena codkooda siiya Murrashax Kulmiye iyo Xukuumaddiisu wataan ee Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Qorshahan amma xeeladdani, waxa ay keentay in xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Mucaaradku ay u jan-jeedhsamaan dhinaca Kulmiye, iyaga oo qaarkood ay wehelinayaan Xildhibaanno kale oo isla mucaaradka ah, inkasta oo aanay tiradoodu badanayn.

Si ay xeeladdani ay ugu shaqayso Kulmiye oo aanay u noqon mid guul daraystay xilli hore, waxa uu sameeyey in aanu weli ragga uu ku dhisayo Ku-xigeennada aanu magacaabin oo aan la ogeyn, taas oo keentay in Xildhibaannada Mucaaradka ah ee u jan-jeedha dhinaca Xisbul Xaakimka ee quudaraynaya jagada Ku-xigeennada uu mid walba isu arago inuu isagu yahay Mudanaha loo wato kuxigeenka koowaad iyo labaad, tani waa mid keentay in Xildhibaannada Mucaaradka qaarkood lagu soo xero geliyo in la dhisayo, halka kuwo kalena ay kuwa la dhisayo laftooda wataan.

Xildhibaannada Mucaaradka ah ee illaa imika midl walba isu arko in Xildhibaannada Kulmiye u wataan Guddoomiye kuxigeennada ee u soo tallaabay dhinaca Muxaafidka waxa ka mid ah, Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax, Siciid Giirre, Jamaal Aadan Diiriye iyo Maxamuud Xayir oo dhammaantood Mucaarad ah, inkasta oo Mudane Xayir shalay uu u tanaasulay Xildhibaanka ay isku Deegaanka yihiin ee Cumar Jaamac Faarax Isbahaysiga Mucaaradku Guddoomiye kuxigeenka koowaad u wataan.

Xeeladda kale ee Kulmiye ku doonayo inuu ku helo xubno dooran kara Xildhibaan Faratoon, ayaa ah in Xubno Wasiirro ah iyo Madaxweynaha oo ahna Guddoomiyaha Kulmiye ay kulamo la yeeshaan Xildhibaanno Mucaaradka ka soo baxay iyo waxgaradka deegaannada ay ka soo jeedaan, kuwaas oo Madaxda Kulmiye u ballan qaadeen waxyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay in wax laga qabanayo Deegaannada laga soo doortay iyo in waxyaabihii kale ee ay Xukuumadda uga baahdaan loo fududaynayo.

Tani waxa badan kuma soo kordhin qorshaha Kulmiye, ka dib markii Waxgarad iyo Odayaal lala kulmay qaarkood sheegeen in aanay Xildhibaannadooda ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah aanay ku qancin karin in ay u codeeyaan Murrashax Kulmiye wato, madaama oo ay u madax bannana iyo codkooda iyo fikirkooda siyaasiga ah.

Waxa iyagu jira Xildhibaannada Mucaaradka ka soo baxay ee qaabka deegaamaysan uu Kulmiye ku kasabaday, inkasta oo aanay tiradood ka badnayn sida la sheegay.

Caqabadaha Horyaalla Xeeladaha Kulmiye ee sababi kara in Faratoon ku guuleysan waayo Guddoomiyaha Wakiillada.

Qorshahan Kulmiye ku dhisayo Xildhibaan Faratoon, ayaa ah mid ay ku caqabad ku ah tirada yare e Xildhibaannada u soo baxay Xisbigaasi oo 30 ah, kuwaas oo weliba aan la hubin in ay dhammaantood u codaynayaan Xildhibaan Faratoon, madama wararka soo baxayaa ay tibaaxayaan in qaar Kulmiye ka soo baxay qaarkood u codayn doonaan Cabdirisaaq Khaliif.

Caqabad kale ee xeeladdan ku xeeran ayaa ah in aanu illaa imika cadayn xubnaha uu la doonayo Guddoomiye kuxigeenka koowaad iyo labaad, taas oo haddii uu shaaciyo keeno karta in xubno quudaraynaya in la wato ay meesha ka bixi karaan, oo marka ay hankooda waayaan dib ugu noqon karaan Xisbiyadoodii.

Sidoo kale, waxa iyadu caqabad saameyn karta doorashada Faratoon ah in aanu Xisbiga Kulmiye illaa imika xubnaha u doonayo ku-xigeennada aanay ka dhex muuqan Xildhibaanno ka soo jeeda Gobolka Awdal, taas oo fursad siin karta Mucaaradka oo iyagu Xildhibaannada Awdal u qoondeeyey Guddoomiye kuxigeenka Labaad.

Ka maqnaashaha qorshaha Kulmiye ee xubnaha Shirguddoonka ee Xildhibaannada Awdal, ayaa keeni kara in ay Xildhibaannada Gobolkaasi ka soo baxay ay ka coddeeyaan Faratoon iyo xubnaha lagu sidku doono.

Waxa iyadu caqabadahan ka mid ah in xubnaha dhinaca Muxaafidka u talaabay aanay codad ka heli karin Xildhibaannada Mucaaradka ah, madaama oo heshiiska Mucaaradku yahay in loo codeeyo xubnaha la isla qaatay.

Dhinaca kalena, waxa iyagu jira xubnaha Xisbiga Kulmiye ka soo baxay oo leh han Kuxigeenimo, kuwaas oo illaa imika xubinta sida cad u shaacisay uu yahay Axmed Yuusuf Guruuje, oo isagu isu arka inuu yahay nin xaq u leh in Kulmiye ku dhiso jagada Ku-xigeenka, madaama oo uu uga xaq leeyahay kuwa dhinac Mucaaradka ka socday, sida uu ku dooddayo.

Si kastaba ha ahaatee, khaadhadhkan Siyaasaddeed ee uu ciyaarayo Kulmiye, ayaan illaa imika si rasmiga ah u fadhiisan amma aan isu qaban,  taas oo keeni karta in aakhirka uu fashil ku dhammaado, madaama oo xeeladahooda iyo qorsheyaashooda ay ku gedaaman yihiin duruufo siyaasaddeed iyo kuwa deegaameed oo kaga imanaya dhinaca Xisbiyada Mucaaradka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here