Xidhiidhka Kubada Cagta Oo Soo Saaray Isku Aadka Ciyaaraha Gobolada iyo Wakhtiga La Qabanayo

0
906

Xidhiidhka Kubada Cagta Oo Soo Saaray Isku Aadka Ciyaaraha Gobolada iyo Wakhtiga La Qabanayo

 Hargeysa (Warsugan) Hogaanka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay isku aadka wareega labaad ee tartanka kubadda cagta ciyaaraha gobolada Somaliland 2016 oo dhammeystiran.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Mr. Samatar Maxamed Cabdilaahi, waxaana uu ka war-bixiyey Isku aadka wareega labaad iyo qaabka loo ciyaari doono, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaanu si rasmiya maanta ugu dhawaaqaynaa isku aadka wareega labaad ee tartanka kubadda cagta ciyaaraha gobolada Somaliland 2016 oo dhammeystiran, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan 8-dii xul gobol ee ka soo gudbay tartankii isreeb-reebka ee sannadkii hore ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Borama. Siduu qorshuhu yahay waxa uu tartanku qabsoomi doonaa haddii Alle idmo 27-ka bishan, gaar ahaan garoonka Hargeysa Stadium, waxaana loo ciyaari doona laba Group oo midkiiba 4 xul gobol ka kooban, waxaana faah-faahinta iyo qaabka isku aadku yahay ku dhawaaqi doona Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka, ahna ku simaha Guddoomiyaha Mr. Cabdicasiis Maxamed Jaamac”.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay kuna dhawaaqay isku aadka iyo qaabka ay u wada ciyaarayaan Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, ahna ku simaha Guddoomiyaha Mr. Cabdicasiis Maxamed Jaamac, sidoo kale waxa uu ka war-bixiyey muddada ay ciyaaraha kubadda cagtu soconayaan iyo maalin kasta xulalka wada ciyaaraya, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Ugu horeyn, waxaan inta aanan ku dhawaaqin isku aadka aan sheegayaa in tartankani uu yahay dhameysirka isreeb-reebkii sannadkii hore la qabtay, waxaana ciyaaraya 8-dii xul gobol ee tartankaas ka soo gudbay. Qaabka ay iskugu beegmeena goboladu maaha mid cusub ee waa sharcigii tartankaas hore u yaalay”.

“Gobolada ka qeyb-galaya waxaanu u kala qeyb-san yihiin laba Group oo min 4 xul gobol ah, Group-ka koowaad oo ah Group A waxaa ku wada jira Gobolada Xaysimo, Saaxil, Awdal iyo Sanaag. Group-ka labaadna waxaa ku jira Gobolada Sool, Hawd, Gabiley iyo Daad-Madheedh. Heerka koowaad ee Groups-ka gobol walbaa waxa uu ciyaaraya 3-ciyaarood, maalmaha marxalada koowaadna waxaa la ciyaarayaa 12-cisho, waxaana soo gudbaya 4-ta xul gobol ee ugu dhibcaha baddan, Group walbana 2-da gobol ee ugu dhibco baddan ayaa ka soo baxaya. Kulamadda afar dhammaadka (Semi Finalka) waxaa la ciyaaraha 2-cisho, waxaana u gudbaya kulanka Finalka 2-da xul gobol ee soo guuleysta. Kulanka Final-kuna waa hal maalin, guud ahaana waxa uu soconayaa tartankanku bilow ilaa dhammaad 15-cisho oo la ciyaarayo iyo 2-cisho oo Nasasho ah”.

 

 

 

Group A                                                 Group B

Xaysimo                                              Sool

Saaxil                                                  Hawd

Awdal                                              Gabiley

Sanaag                                            Daad-Madheedh

 

Isku Aadka Wareega Groups-ka:

No Group Gobolada Ciyaaraya Taariikh Maalinta Wakhtiga
1 Group A Xaysimo vs Saaxil 27. Oct. Khamiis 3:30pm
2 Group A Awdal vs Sanaag 28. Oct. Jimce 3:30pm
3 Group B Sool vs Hawd 29. Oct. Sabti 3:30pm
4 Group B Gabiley vs Daad-Madheedh 30. Oct. Axad 3:30pm
5 Group A Xaysimo vs Sanaag 31. Oct. Isniin 3:30pm
6 Group A Awdal vs Saaxil 01. Nov. Salaasa 3:30pm
7 Group B Sool vs Daad-Madheedhe 02. Nov. Arbaca 3:30pm
8 Group B Gabiley vs Hawd 03. Nov. Khamiis 3:30pm
9 Group A Xaysimo vs Awdal 04. Nov. Jimce 3:30pm
10 Group A Saaxil vs Sanaag 05. Nov. Sabti 3:30pm
11 Group B Sool vs Gabiley 06. Nov. Axad 3:30pm
12 Group B Hawd vs Daad-Madheedh 07. Nov. Isniin 3:30pm
    Nasasho 08. Nov. Salaasa  

 

Kulamadda Afar Dhammaadka – (Semi Final)

No Guuleystayaha Soo Gudbay Taariikh Maalinta Wakhtiga
13 Group A1 vs Group B2 09. November Arbaca 3:15pm
14 Group B1 vs Group A2 10. November Khamiis 3:15pm
  Nasasho 11. November Jimce  

 

Kulanka Dhammaadka – (Final)

15 Guuleyste vs Guuleyste 12. November Sabti 3:00pm

 

Xigasho Wargeyska Warsugan

Warsugan15@gmail.com

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Somaliland/office