Xil-Ku-Taajir W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
309

Xil-Ku-Taajir

W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Guro kiro ah ayey ku jireen, laakiin muddo kooban gudahood waxa ay ku dhisteen laba guri oo ka kooban min lix makhsin iyo deyr weyn, oo tolow xagay ka keeneen lacagta guryahan u goysay? Meel kale ha ka eegin, waa lacagtii ummadda, ileyn mushaharkoodu guryo deg-deg ah umuu gooyeeni. Xaaraantii ay calooshooda ku gurayeen ayaa caafimaad daro ku keento qoysaskooda. Markay saddex bilood joogaanba waxa ay deg-deg ugu baxaan dalka dibadiisa xaalad caafimaad, kol Hindiya tag, haddana Maleesiya tag, haddana Turki tag. Weli may aqoonsan meesha laga qaniinay, inay helaana waa xalka keliya ee ay caafimaad ku heli karaan, malaha Habaarkii Maxamed Siyaad ee ahaa’ Iimaanka la idinka qaad, sinxi bariis ah ma dhamaynayaan baag jaad ahna way dhamaynayaan’ ayaa ku dhacay Soomaalida, laga yaabee.

Da’doodu lixdanka waxbaa u dheer, mana yara oo kontanka way dhaafeeen, balse muuqooda waxa aad moodaa sideetan jirro. Waxa aan ku ogaa isaga iyo saaxiibkii oo shay kasta oo la weydiiyo caqligooda u adeegsanaya, waxa aanay halhays u lahaan jireen’ Dood iyo caqli nagu qanci’ waxa ay sida dayax shan iyo tobnaad u kala soocayeen xaaraanta iyo xalaasha, balse maanta maaha maalintaasi. Muddo yar ka dib waxa loo kala magacaabay xilal sare, waxa u beryey waa cusub.  Way isu-muuqaal eekaayeen, oo dadku waxa ay odhan jireen waa weyd caafimaad qabta, oo harag iyo hilib toona may lahayn, maanta se waxaad calooshooda moodaa gabadh ay sagaalkii bilood u dhammaadeen.

Marka ay kacayaan neefta afkooda ka soo baxays ee ‘Fuufta’ haysa waxa aad moodaa sac saddex dhal ah. Markii xilalka loo magacaabay waxa ay gebi ahaanba beddeleen hab-nololoodkoodii, carruurtoodii waxa ay qoreen dugsiyada gaarka loo leeyahay ee bishoodu qaaliga tahay, dumarkoodii salladoodu ahayd labaatanka kun ee Sl. Shilin, waxa ay noqtay saddex boqol oo doolar, xaasaskoodii suuqa u lugayn jiray waxa lagu qaadaa gaadhi u gaar ah, oo loo bixiyey ’Gaadhigii Salladda’. Labadoodu waxa ay beddeleen dhammaan goobihii ay fadhiisan jireen, waxa kale oo ay beddeleen tilifoonnadii, weliba ma qabtaan Tilifoonnada leh lamabarada dambe, haddii farriin loo diro waxa ay markba kugu soo celinayaan shir ayaan ku jiraa’I’m in meeting’ marka runta laga hadlana shirna kuma jiraan ee waxa ay diidan yihiin inay la kulmaan dadkii ay hore saaxiibada isugu ahaayeen. Dadkan dambe ee ay ku saaxiibeen cunista xoolaha ummadda way faaniyaan oo waxa ay ku sheegeen dad ilbax ah, waa tii se hore loo yidhi’ Ammaan munaafaq waa inta afku qoyan yahay’

Shay kasta waxa ay ku qiimeeyaan wixii calooshooda geli lahaa. Midkood berigii hore  wuxuu ahaa mu-shaki, oo markuu caadi u shaqaysan jiray wuxuu aaminsanaa inuu dhaqaalihiisa u badan ku bixiyo ammaankiisa shaki awgii, maanta se wuxuu dhaqaalaha ugu badan ku bixiyaan caafimaadka qoyskiisa. Haddii aad la sheekaysato celcelis ahaan sheekadoodu waa falaqanta cuntada ay cunaan iyo sidii ay u heli lahaayeen lacag soo gasha xaaraan ama xalaal tay doonto ah noqotee. Tolow halkuu haaabarkani kaga dhacay, waxa aan maqli jiray awoowgay aabo ayaa dhallinyarta kula talin jiray iska ilaaliya habaarka odhanaya’ laba talo oo la is-agdhigay in Alle ta xun idin waafajiyo’, malaha tii xumayd ayuu Ilaahay waafajiyey. Ilaahow talada wanaagsan na waafaji, iyagana soo hadee.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

 Calicoomay@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here