Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Sheegay In Haddii Golaha Wakiiladdu Talaabo Ka Qaadi Waayo Wareejinta Haamaha Berbera Ay Noqon Doonto Gole Xilkiisa Gabay

0
832

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Sheegay In Haddii Golaha Wakiiladdu Talaabo Ka Qaadi Waayo Wareejinta Haamaha Berbera Ay Noqon Doonto Gole Xilkiisa Gabay

Hargeysa(warsugannews)Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku tilmaamay wareejinta Hamaaha Shidaalka Berbera inay tahay kaalay oo maal sidaasna dalku ku socon maayo, isla markaana waxa uu ka dalbaday Golaha Wakiillada Somaliland inay kaalintooda ka aadan arrintan ka qaatan.

Sidaa waxa uu Cabdiqaadir Ismaaciil Jire ku sheegay mar uu maanta qaar ka mida warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Jire oo ka tirsan Guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Ma Qolada haamaha ayaa xilkii ka soo bixi weyday, ma lacagtaas lacag ka baddan ayaa laga doonayaa in laga soo saaro? meesha sanadkii ka soo baxaan24-Million oo Dolar ninka lagu wareejinayo ee raasamaalka lihi waxa laga yaabaa inaanu haysanba 24-ka Million ee sanadkii ka soo baxaya. Markaa muxuu ku doonayaa?.

Soo maaha uun naas nuujin iyo nin la kobcinayo, 24-ka Milyan ee ka soo baxa marka ay dawladu wareejinayso waxa weeyaan awoodayadii ayey ka waynaatay oo anagu lacag uma hayno. Markii marxuunku(Cigaal) wareejinayey doodu waxay ahayd ma awoodi kartaan haamahan dayactirkooda, waxaad haysataana ma kafayn karaan dayactirka haamaha? Markaa haka dhiganina naas la maalo uune in wax la geliyo ayaa loo baahan-yahay, yeynu doonanaa markaa shirkad Caalami ah oo hantida intaas leeg haysata oo TOTAL la yidhaa awoodna u leh inay hantida intaas leeg geliso waxay galisana hadhaw halkaas kala soo baxdo.Markaa arinkani waa kaalay maal sidaasna dalku ku socon maayo waanu ka daba tagaynaa mooshina wuu noqonayaa waana loo codaynayaa.” Ayuu yidhi xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

Xildhibaan Cabdiqaadir-Jirde mar uu la hadlayay Baarlamaanka Somaliland ayaa waxa uu yidhi“Baarlamaanka haduu taas yeeli waayo waxa haysta inuu yahay nin xilkiisii ka baaqday, war-bixintuna waxa weeyaan wareejinta haamaha shiidaalku horta dhab ma tahay? waynu u baranay oo waynu naqaanaa xukuumadu marna ma caddayso oo ma sheegto heshiiskiina ma keento, inay wareejisay way cadahay laakiin heshiis la keenayaa nooma muuqdo”

Hadalkan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa ku soo beegmay iyada oo todobaadyadii ugu danbeeyey guud ahaan Somaliland aad looga hadal-hayay inay xukuumadu ku wareejisay shirkado gaar loo leeyahay Haamaha Shidaalka Magaalada Berbera, taas oo ay guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaridku ka soo horjeedaan,isla markaana dadka Siyaasada odorosaa ku tilmaameen inay nusqaan iyo laf-jab ku tahay xukuumada Axmed SIILAANYO wareejinta haamaha Shidaalka Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here