Xildhibaan dhuuni raac ah!!!!

0
788

Xildhibaan dhuuni raac ah!!!!

Marka hore waxan salaamayaa dhaman akhristayaasha iyo bahda warbaahinta, waxan raba in aan idinla wadago bal xildhibanadaynu dooranay waxa ay inoo qabteen tobankii sano ee ay kursiga ku fadhiyeen. Iyo waliba sida ay iminkana u donayaan inay dib isuso sharaxaan.
Iyagoo aynu ognahay waxay inoo qabtaan daayo in aanay hal maalin danta qaranka wax horumar ah uso kordhin shacbigii soo doortayna aanay dib ugu noqon oo ay wada yihin rag dhameelka kuwada nool oo ku mabay xoolihii ummadda iyo dhiigii shacbiga.

Laga soo bilaabo sanadki 2005 ee aynu dooranay una codaynay mudanayasha barlamanka ee ay noqdeen xildhibanada, kumaynaan dooran kee danta ummadda iyo dalkan maslaxad u haya oo inoogu adeegaya si hagar la’aàn ah oo dantiisa shaqsiyadeed ka horumarinaya danta umada uu xilka u ahayo.

Ee waxaynu ku dooranay mid walba qabiil oo aynu ugu codaynay 82 (laba iyo sideetanka xildhiban) inagoo egayna qabil iyo caadifad.
maantana kuwi aynu sida ku dooranay ee xilka inoo qabtay wakuwa dalkii maalinba shilimaad lagu iibsanayo oo dantii umadan masakinta ah iyo dalkay u dharteen inay si daacada oo siman ugu shaqaynayaan bulshadooda ay kadoorbideen in nin kolba wata lacag laalush ah ay damiirkoodi iyo qiyamkoodi sharafta lahaa ugu iibsanayaan dano gaar ah.

Xildhibaanku hadii uu ku qanacsan yahay lacagta xaaraanta ee uu qadanayo ee u ku baabinayo danta umada reer somaliland iyo shacabkan tabalaysan ee caafimaad xumada, Biyo la,aanta , wax barasho la,aanta iyo nidaam xumadu hayso ay kusi diganayaan ee lacagta cashuurta islaanta xabubta ibisa suudhka iyo tayga u sita ee aanu uba tudhayn.

In aynu mar kale doorano wajiga uu inagaga doonaya waa maxay iyo sababta aynu ku dooranayna inagoo og in aanu wax u inoo qabanayaa jirin iyo wax faa,ido ah oo uu inoo hayaa oon ahayn in uu inadhibo iyo hadimo moyane wax danteena inoo wadin hadaynu nahay shacabka markasta dulman ee xaqooda iyo dhiigooda lagu tagri falaayo oo ay inagala qima badan tahay lacagta yar ee lasinayo ama dhameelka yar ee aanu ku warayn sisanayo qiyamkiisa.

Runtii waa wax aad looga xumado iyagoo welib uu qaato mushahar badan oo hadana kalfadhi kasta lasinayo lacag uu hadana rabo lacag dheerada oo uu ku qadanayo dan shaqsi yar oo umada iyo danyartan tabalaysan lagu dhibayo ama hantidooda lagu boobayo oo aanu uba dirnaxayn waxan uu ku samaynayo ama dulmigan uu mar walba la dabo tagan yahay.

Gabagabadi waxan umada shacabka kula talinlaha inay eegan qofka dantooda wada ee iyaga horumarkooda iyo waxqabadkooda uu kashaqeyo inay doortaan oo anay ku doran qabyaladan yar ee diciifka ee ina hoday ee khayrkeen inaga reebtay babisanayna dawladeena iyo qiyamkeeni ee aynu lahaystaha u nahay .

Xildhibanka doonaya inuu isasosharaxo ama bulshada ka doonaya codkooda waa inuu ahada mid illaahay garanaya akhiradiisana u tudhanaya oo aqoonyahan ah dhalinyara oo diin wanagsan leh oo umada xilka udhibatay u cadaalad samaynaya.

Wabillahi tawfiiq

Maxamed salebaan cumar (M.Axbaabi)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here