Xildhibaan Reer Somaliland Ah,Kana Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Maanta Dablay Hubaysani Dhaawac Xoogan Ugu Gaysteen Magaaladda Muqdisho

0
391

Xildhibaan Reer Somaliland Ah,Kana Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Maanta Dablay Hubaysani Dhaawac Xoogan Ugu Gaysteen Magaaladda Muqdisho.

Muqdisho:(Warsuganews)- Wararka ka imanaya Magaaladda Muqdisho ee Xarunta Somaliya,ayaa sheegaya in Degmadda XAMAR-WEYNE oo ka tirsan Muqdisho ay dablay Hubaysani ay dhaawac halis ah ugu geysteen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee Somaliya.
Xildhibaankan oo lagu Magacaabo Maxamuud Axmed Gurxan,ayaa la sheegayaa inuu dhaawaciisu halis yahay,isla markaasna lagu tacaalayo Cisbitaalka Xaaladdiisa Caafimaad.Waxa Masuuliyadda Weerarkaas sheegatay Kooxda Al-shabaab oo dagaal xoogan kula jirta Xukuumadda Somalilya iyo Ciidamada shisheeye ee Dalkaas ku sugan.

Xil.Gurxan,,ayaa dhalasho ahaan kasoo jeedda Somaliland,gaar ahaana Degmadda Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Bilihii ugu danbeeyay,ayaa waxa Magaaladda Muqdisho ka dhacayay Weerar iskugu Jira Is-qarxin iyo Toogasho,kuwaas oo lala beegsanaya Saraakiil ka tirsan Dawladda Somaliya,iyadda oo todobaadkii hore Weerar ay Kooxa shabaabku ku qaadeen Hotel Saxafi ay ku dilleen Masuuliiyiin ka tirsan Dawladda iyo dad shicib ahba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here