Xildhibana kijaandhe oo beeniyey inuu tanaasulaayo

0
365

argeysa(Warsugannews)-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah murashixiinta ka dhex tartamaysa xisbiga KULMIYE si loogu doorto murashaxa madaxweyne ee xisbiga u ordi doona doorashooyinka 2017, ayaa sheegay inaanu jirin wax tanaasul ah oo uu kaga tanaasulayo tartanka uu ku jiro ee murashaxnimo.

Xildhibaan Kijaandhe, oo shalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu beeniyay warar ay qaar ka mid ah warbaahintu baahisay oo sheegaya inay isaga iyo Cabdicasiis Samaale ay taageeradooda ku wareejinayaan Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis si ay u taageeraan murashaxnimadiisa. “Warkaasi waa been waxna kama jiraan, anigana igama uu soo bixin, aniguna ma ihi nin ka tanaasulaya murashaxnimada uu ku dhawaaqay, mana jirto sabab aan uga tanaasulayaa iyo cudud aan wareejinayaa toona” ayuu yidhi Kijaandhe, waxase uu sheegay inay Samaale iyo Maxamed Biixi leeyihiin iskaashi, “Waxaanu laakiin iska kaashanaynayaa saddexdayadu shaki iyo saluug ka yimid sida uu murashaxa kale ee ah guddoomiyaha xisbigu wax u wado sida kaadhadhka oo uu wax ka bedelay, jaggooyinka banaanaaday ee ka banaan golaha dhexe oo uu leeyahay keligay ayaan buuxinayaa. Waxaas oo aan xilkiisii ahayn ayaanu iska kaashanaynaa.”

Axmed Cabdi Kijaandhe, wuxuu sheegay inay kulan la yeesheen Madaxweyne-xigeenka, kaas oo uu sheegay inaanu qancin, “Madaxweye-xigeenka waanu la kulanay oo arrimahan aan kuu sheegayo ayaanu u bandhignay laakiin namuu qancin.” ayuu yidhi murashax madaxweyne xildhibaan Kijaandhe.

xigasho geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here