XIRIIR KALE: Juventus oo doonaysa inay suuq-jiilaalkan soo xera geliso Sead Kolašinac & Pjanic oo telefoon ku wacay laacibka

0
385

Waloow ay markii hore is yara adkaysay kooxda reer Gilcenkirchen ee Schalke 04, waxaa misna dhici karta in bilowga todobaadka soo aaddan uu Sead Kolašinac xirto funaanadda Juventus.

Laacibka ayay ka go’an tahay inuu ku biiro kooxda Bianconeri, isagoo iska diidey dalabyo ka imanayay kooxaha AC Milan, Liverpool iyo Manchester City.

Marotta ayaa bandhigi doona dalab ku kacaya 2 ilaa 3 milyan oo euro, si uu laacibka u helo suuq-jiilaalkan halkii uu ka sugi lahaa tan iyo Juun oo uu qandaraaskiisu dhacayo.

Yeelkeede, waxaa waxaa arrintan gacmaha la galay laacibka ay isku dalka yihiin ee Miralem Pjanic oo telefoon u diray Kolašinac isagoo ku shukaaminaya inuu kusoo biiro Juve oo uu u safto laacibkan reer Bosnia sida ku dhigan Tuttosport.