Xisbiga KULMIYE oo Qaabilay Xildhibaanno iyo Taageerayaal ka soo jeeda Degmooyinka Qori-lugud iyo Wadaamo-goo oo ka soo Digo-rogtay WADDANI + Sawiro

0
508

Xisbiga KULMIYE oo Qaabilay Xildhibaanno iyo Taageerayaal ka soo jeeda Degmooyinka Qori-lugud iyo Wadaamo-goo oo ka soo Digo-rogtay WADDANI

Hargeysa (WSN)- Hoggaanka xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey xildhibaanno iyo taageerayaal ka soo jeeda degmooyinka Qorilugud iyo Wadaamo-goo, kuwaas oo kasoo digo-rogtay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ay hore uga mid ahaayeen.

Xaflad ballaadhan oo lagu qaabilay xildhibaannada iyo taageerayaashooda oo lagu qabtay huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay xubnaha hoggaanka xisbiga oo uu hormood u ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbigaas Md. Maxamed Kaahin Axmed, wasiiradda Wasaaradaha Xannaanadda Xoolaha iyo Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, hoggaanka garabyada xisbiga ee heer gobol, haweenka, xildhibaanadda cusub ee xisbiga ku soo biiray iyo taageerayaashooda iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xildhibaanada cusub, waxaanu hoosta ka xariiqay inay yimaadeen xisbi loo siman yahay oo aan la kala lahayn.

Xildhibaan Axmed Xandulle Muuse oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Qorilugud ee ku soo biiray KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inuu ku qancay hoggaaminta iyo siyaasadda xisbiga KULMIYE, isla markaana ka qancay kasii mid ahaanshihii xisbigii uu ka yimi ee WADDANI kadib markii uu musuq iyo wax is-dabamarin badani ka dhacay shirkiisii golaha dhexe ee dhawaan qabsaday.

Sidoo kale, Xildhibaan Mustafe Aadan Maxamuud, Xildhibaan Cali Cabdillaahi Maxamed iyo Xildhibaan Xirsi Raygal Maxamed oo dhammaantood ka mid ahaa xildhibaannada ku biiray KULMIYE, ayaa iyaguna si isku mid ah u sheegay inay maal iyo muruqba la garab istaagi doonaan xisbiga KULMIYE, isla markaana ummaddooda iyo deegaamadoodaba ku sii fogayn doonaan waxqabadka la mahadiyey ee xisbiga KULMIYE.

Chief caaqil Cali Aadan Afku-waranle oo ka mid ah hormoodka cuqaasha deegaanada Wadaamo-goo iyo Qorilugud oo madasha ka hadlay, ayaa tilmaamay in deegaanada uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa si siman u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, sidaas darteedna, xubnaha xildhibaanada ee haatan ku soo biiray ugu dambeeyeen cid deegaanadaas ka soo jeeda oo KULMIYE taageerta, waxaannu yidhi, “Annagu meeshaanu raacno Ilaahay waa guuleeya, Ilaahayna waxaannu ka rajaynaynaa inuu KULMIYE guulaysan doono, waxa uu xisbigu qabtayna wax qarsoomaya ma ahee taariikhdaa qoraysa.”

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac oo labaduba ka tirsan Golaha Wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey xildhibaannada iyo taageerayaasha ku biiray KULMIYE.
“Dadku waa tartamayaa, laakiin xisbiga WADDANI dacaayadda iyo barobagaandhada badan ee ay wadaan ha joojiyaan, ololuhuna wuu furan yahay, rag badan oo meelo khatar ah taabanayaana way jiraan,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Jaamac.Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey xildhibaannada iyo taageerayaasha ka soo jeeda degmooyinka Qorilugud iyo Wadaama-goo, isagoo dhinaca kalena jawaab adag ka bixiyey hadallo deelqaaf ahaa oo ka soo yeedhay siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo xisbiga WADDANI katirsan, waxaannu yidhi “WADDANI siyaasiyiintii ku soo biiray Afsoomaali gaboobay bay ku hadlaan iminka oo 20 sanno la soo dhaafay, innaguna 20 sanno dib uma noqon karno, hadalka abtigay Ismaaciil Buubaa kasoo yeedhayna anigaa uga jawaabayee abtigay 20 sanno ayuu waddanka ka maqnaa waddanka berigii maleeshiyada iyo maro-aloolka la ahaa ayaa waddanka ugu dambaysay, waxaanse leeyahay abtiyow maleeshiyadii iyo Maro-aloolkiiba KULMIYE ayey ku dhan yihiin oo adiga ayuun baa ka maqan.”Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in baaxadda taageerayaasha iyo xildhibaanada ku soo biiray xisbiga KULMIYE muujinayso inay soo dhawaatay guushii xisbigu, isaga oo erayo siyaasadeed ka daba tuuray wasiirkii hore ee ee Madaxtooyada oo ay wakhti siyaasadda isku jaal ku ahaan, “Waxaan is leeyahay guusha KULMIYE shaki kuma jiro ninkii shaki ku jirowna aniga uun i eeg shakigu hakaa baxee, aniguba saaxiibkay Xirsi beri buu dadka ugu dheeraa, Cali-marreexaan kaa wuu ka dheeraa, Maxamuud Xaashi wuu ka dheeraa, laakiin markaanu dibadda nimi baan arkay inuu qof caadi ah yahay,” ayuu yidhi wasiir Cukuse.Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa isaguna soo dhaweeyey xubnaha cusub ee xisbiga ku soo biiray, waxaannu hoosta ka xarriiqay inay cudud iyo cuudba tari doonaan xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi, “Ujeeddadeenu waa ololaa soo socdaa halkii la is yidhaahdo rag baa ku maqan iyo gol-daloolay noqon kartaaba waa la giigiijinayaa, maanta deegaanadaas aad kasoo jeedaan cid innagaga maqani ma jirto, dadkii ummadda u talinayey haddii ay madax siyaasadeed tahay iyo haddii ay madax dhaqan tahay waa lagu dhanyahay xisbiga, kuwii idinka soo horreeyeyna la mid baad tihiin oo isku meel baad joogaan.”Ugu dambayntii waxa madasha soo gunaanaday Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxaannu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey xildhibaanada cusub ee xisbiga ku soo biiray, isagoo tilmaamay in xisbiga KULMIYE taaariikhda Afrika ku galay barnaamij waxqabad oo qoran oo bulshada la soo hordhigay, kadibna hirgeliyey, “Xisbiga KULMIYE wax aan lagula murmayn baa jira oo waa xisbiga kaliya ee dalkanna soo maray, lagana yaabo inay dalalka Afrika ay ku dhif tahay ee intuu barnaamij siyaasadeed sameeyey bulshada la hortagay, haddana barmaanijkii fuliyey, barnaamijka siyaasadeed ee KULMIYE waxa ka mid ahaa in shaqaalaha mushaharkooda la kordhiyo, in ciidamada derejooyinkoodii la siiyo, in shaqaalaha tiradooda, tayadooda iyo dhaqaalahooda la kordhiyo oo waddooyinka dalka qayb weyn laga qaato. In la furo axsaabta siyaasiga ah waxa hal abuurkeeda lahaa KULMIYE, waana xisbi hoggaankiisa iyo qurbe-jooggiisuba yihiin qaar odorosaya hal-abuur siyaasi ah iyo mid dhaqaaleba oo mustaqbalka dadka waxtara,” ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin.

14563363_322518331445226_3085256835651029198_n

14642170_322517288111997_6164557789339152111_n

14666226_322517281445331_8353742709507606088_n

14732266_322518231445236_1976054460297333996_n

14900507_322515064778886_1064543222563780027_n

14900604_322518121445247_8209856972145535405_n

14907054_322514551445604_5880538178506985621_n

14908280_322514898112236_2724725425149675326_n

14909897_322517604778632_2181201838683437598_n

14915266_322517738111952_3064822501377745509_n

14915332_322517094778683_462317483498737498_n

14915438_322516841445375_3925429881356738721_n

14915555_322515154778877_1597263031870847016_n

14915698_322516441445415_5310595767378365801_n

14925505_322518334778559_7553717935845006798_n

14925601_322518221445237_8143285606720879700_n

14925766_322516444778748_6898284651795688664_n

14937176_322515228112203_8343975717891273069_n

14937227_322517098112016_7740196141123872730_n

14938123_322518514778541_7222762588708915207_n

14938228_322516848112041_3311484574640333894_n

14938328_322515024778890_5867243293541254436_n

14947683_322514368112289_42695682607979381_n

14947878_322517398111986_8809278896703603384_n

14955927_322516448112081_4824416418344704071_n

14962644_322517091445350_4751432751427552712_n

14962678_322517964778596_2195320746787315979_n

14962744_322517608111965_1890155433059199818_n

14963119_322517958111930_2284006257883282546_n

14963187_322516844778708_3641318164481672028_n

14963252_322518518111874_1309600531235882164_n

14980595_322517611445298_3977125765486293308_n