Xisbiga Ucid Oo Magalada Burco Ku Qabtay Munaasibad Uu Ku Soo Dhaweenayo Taageerayaal Xisbigaasi Ku Soo Biiray.‏

0
396

Xisbiga Ucid Oo Magalada Burco Ku Qabtay Munaasibad Uu Ku Soo Dhaweenayo Taageerayaal Xisbigaasi Ku Soo Biiray.‏

Burco (Warsugannews)- Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay soo buux dhaafiyeen taageerayaasha baaxadda leh ee Xisbiga Ucid ayaa waxaa Xisbigu ku soo Dhaweenayay Taageerayaal Xisbigaasi ku soo biiray .

Waxaanay Munaasibaddani ay ka dhacday Magaalada Burco iyadoo ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Saraakiisha ugu sareesa Xisbiga Ucid , Madax Dhaqameed ka soo kicitimay Gobolada Sool , Sanaag iyo Buuhoodle iyo Taageerayaal kale .

Ugu horeen waxaan halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Ee Xisbiga Ucid Mudane Aadan waxaanu si kal iyo lab ah u soo Dhaweeyay taageerayaasha Xisbiga ku soo biiray .

Waxaa iyaguna halkaasi Ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Sool/Buuhoodle Ee Xisbiga Ucid Mursal Maxamed Ismaaciil Iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Gobolada Bari Ee Ucid Axmed Khaliif Caabi waxaanay si isku mid ah Xisbiga Ugu soo Dhaweyeen Taageerayaashaasi .

Sidoo kale waxay muujiyeen taageerada ay xisbiga u hayaan iyagoo sheegay in bulshada ku dhaqan Gobolka Sool ay cududdooda iyo Codkoodaba ay ku hubsanayaan Xisbiga Ucid .

Caaqil Cabdi Jaamac Ducaale (Gaas) , Caaqil Cabdi Maxamed Jaamac , Suldaan Kayse oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay sheegeen in Xisbiga Ucid yahay xisbiga ugu haboon in uu talada dalka ku guuleesto .

Gudoomiyaha Uk Ee Xisbiga Ucid Mudane Siciid Ucid oo hadlay ayaa bulshada bariga Somaliland si adag ugu dardaaray in ay is muujiyaan oo ay Diinwaangalinta galaan .

Sidoo kale Xisbiga Ucid wuxuu ku tilmaamay Xisbi u taagan had iyo jeer dhismaha qaranka iyo sdiii looga hor tagi lahaa wax kastoo hagar daameenaya Somaliland .

Gunaanadkii xafladaasi waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay in ay Xisbiga ku soo Dhaweenayaan Taageerayaasha ku soo biirtay , waxaanu ka waramay Taariikhda Xisbiga Ucid iyo Magaalada Burco .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku booriyay Bulshada ku Dhaqan Gobolada Bariga gaar ahaan , Gobolada Sool Iyo Buuhoodle in ay diinwaangalinta galaan oo ay is muujiyaan .

IMG_8143

IMG_8153

IMG_8155

IMG_8156

IMG_8163

IMG_8164

IMG_8169

IMG_8174

IMG_8176

IMG_8179

IMG_8182

IMG_8190

IMG_8191

IMG_8192

IMG_8198

IMG_8200

IMG_8210

IMG_8213

IMG_8215

IMG_8216

IMG_8222

IMG_8231

IMG_8237

IMG_8251

IMG_8252

IMG_8257

IMG_8259

IMG_8263

IMG_8274

IMG_8276

IMG_8335

IMG_8336

IMG_8348

IMG_8349

IMG_8381

IMG_8385

IMG_8417

IMG_8432