Xisbiga WADDANI oo Fadeexadi ka Raacday Xaflad uu ku soo Dhawayn lahaa Taageerayaal cusub

0
493

Xisbiga WADDANI oo Fadeexadi ka Raacday Xaflad uu ku soo Dhawayn lahaa Taageerayaal cusub

Hal qof oo la waayey inuu ka soo xaadiro munaasibad xisbigu ku qabtay huteelka Guuleed ee Hargeysa + muragadii madaxda iyo siyaasiyiinta iyo erayadii laga qoray

Hargeysa(Warsugannews)Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa fadeexad wayni raacday kadib markii gebi ahaanba fashil iyo guuldarro ay ku dhammaatay munaasibad uu xisbigu soo abaabulay oo uu ku doonayey inuu ku soo dhaweeyo taageerayaal cusub oo ku soo biira.

Xaflad uu xisbigu doonayey inuu ku soo dhaweeyo taageerayaal cusub oo xisbiga WADDANI kaga soo biiri lahaa beelaha Waqooyiga Hargeysa (beesha Makaahiil/Sacad Muuse), loona ballansanaa inay ka qabsoonto Hool ku yaal huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa galinkii hore ee maanta, balse waxay wax wadhi noqotay kadib markii ay goobta kasoo xaadiri waayeen hal qof oo ka mid ah dadkii WADDANI soo dhaweyn lahaa.

Masuuliyiinta sare ee xisbiga WADDANI marka laga reebo Guddoomiye Cirro oo safar ugu maqan Gobolka Sanaag, ayaa joogay xafladda, iyadoo madaxda ka qaybgalay ay ka mid yihiin; Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Axmed Muumin Seed, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Wasiirkii hore ee Daakhiliga Maxamed Nuur Carraale (Duur), Axmed Cumar (Xamarje), saraakiil kale, masuuliyiinta ka kala tirsan garabka haweenka iyo dhallinyarada iyo xubno kale oo dhammaan xisbiga ku abtirsada, kuwaas oo goor hore oo subaxnimadii ah iska xaadiriyey goobta, iyagoo waqti badan oo saacado ah ku qaatay kuraastii loogu talogalay ee hoolka xafladda ka dhacaysay oo ay sugayeen xubnaha ku soo biirayey ee ballantaas ka laabtay.

Fadhi dheer iyo uugaabo badan oo hoolka iyo huteelka gudihiisa ah kadib, waxa ay xubnaha xisbiga WADDANI garwaaqsadeen inaanay cidina u soo soconin, iyagoo goobta kala dareeray niyadjab iyo wajigabax ka dhashay ballan-furka kaga yimi ciddii ay munaasibadaas u qabteen oo go’aan dambe qaadatay.

Wararka laga helay xafladdan WADDANI, ayaa sheegay in xubnaha ku ballan-furay inay ku soo biiraan xisbiga ay go’aankooda qaateen kadib markii ay saluug wayn ka muujiyeen siyaasadda xisbiga, isla markaana ay goosteen in aanay gabi ahaanba ku biirin xisbigaasi.

Sidoo kale, xubnahani qorshuhu ahaa inay xisbiga WADDANI kusoo biiraan ee munaasibadda dhicisowday loo qabtay, ayaan haba yaraatee wax ogaysiis ah oo la xidhiidha inay ka noqdeen go’aankii hore siinin xisbiga, kuwaas oo door biday inay maqnaanshiyo iyo aamusnaan ku jawaabaan.

Warbaahintii loogu yeedhay inay baahiyaan soo dhaweynta xubnaha la doonayey inuu xisbiga WADDANI soo dhaweeyo, balse markii dambe fadhigaas ka muquurtay, ayaa goor dambe lagu wargeliyey inaanay jirin hawshii xafladdu ee ay hawlahooda kale qabsadaan.

Sawirro ama muuqaalo laga qaaday xafladdaasi fashilantay, ayaa muujinaya hoolka soo dhawaynta loogu talogalay oo ay ka muuqdaan kuraastii loogu talogalay taageerayaasha cusub oo haawanaya iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI oo joog iyo fadhi toona xamili la’ oo dibadda gaaf-wareegaya.

“Waxba ma leh Xamarjow ee mar kale ayey fursaddu (chance) inoo hagaagi doonaa.” Erayadaasi waxa laga maqlayey afkiisa Wasiirkii hore ee Daakhiliga Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ugu laab-qaboojinayey siyaasiga Xamarje oo isaga ay beesha ka soo jeedeen taageerayaasha xisbiga WADDANI u cidleeyey munaasibaddii uu u samayn lahaa, iyadoo markaas kadib madaxda iyo siyaasiyiinta xisbiga WADDANI ay ka hulleeleen huteel Guuleed iyagoo ay ka muuqato niyad-xumo iy qalbi-jab ay ka qaadeen ballan-furka kaga yimi qorshihii ay doonayeen.

13706359_868868383257446_1336696744_n

13713252_868868369924114_1928774709_n

13713256_868868356590782_2068376603_n

13713441_868868403257444_3738007_n

13714505_868868396590778_1720566476_n

13714515_1453496734667853_1843829938_n

DSC_0027