Xlldhibaan Mubaarig Bidhi “Qorshaha Iyo Heshiiska Horumarinta Dekadda Berbera Waa Maalgashiga Ugu Weyn Ee Naruuro geliyay Bulshadda”

0
335

Xlldhibaan Mubaarig Bidhi “Qorshaha Iyo Heshiiska Horumarinta Dekadda Berbera Waa Maalgashiga Ugu Weyn Ee Naruuro geliyay Bulshadda”

Heshiiskani Waxa Uu Ka Turjumayaa Inay Somaliland La Macaamisho Adduun-weynaha

BURCO (Warsugannews)- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Golaha deegaanka Magaaladda Burco, ayaa sheegay in heshiiska xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda Imaaraadka carabta laga leeyahay ee DP world ee casriyaynaysa dekadda Berbera ay tahay mashruucii ugu weynaa ee naruuro geliyay bulsho weynta Somaliland.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, waxa uu sheegay in mashruuca balaadhinta iyo casriyaynta dekadda Berbera uu yahay mid kaalin togan ka qaadan kara qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, sidaasna waxa uu Xildhibaanku ku sheegay mar uu galabta u warramayay shabakadda Gudgudenews, isagoo ku sugan Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

“Mashruuca balaadhinta iyo dib u habaynta dekadda Berbera waa mid ku yimid dedaalka madaxweynaha oo ah tallaabo hore loo qaaday kobcinta dhaqan-dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland. haddii dekadda Berbera noqoto xudun marin u ah ganacsiga gacanka carabta iyo mandaqadda geeska Afrika. Arrintaasi waa mid ka turjumaysa aqoonsi dadban oo Somaliland ka heshay beesha caalamka,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig.

Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray “Waxaan ugu hambalyaynayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisa inay ku guulaysteen inay kasbadaan maalgashigii ugu balaadhnaa ee aynu la wadaagno sharaa’iga caalamiga ah. Waxaanu dhaqan gelintiisu innoo soo jiidi kartaa mashaariic hor leh.”

Mubaarig Yuusuf waxa uu ku dooday in mashruuca balaadhinta marsaddu noqonayo qorshihii horumarineed ee ugu muga weynaa ee dalka soo maray “Qorshahani waa mid naruuro geliyay bulshadda Somaliland isla markaana tusaale cad u ah inay Somaliland ay la macaamisho adduun weynaha. Waxa uu rajo geliyay dhalinyarrada oo uu u yeelan doono fursado shaqo abuur.”

Xildhibaanku waxa uu shacbiga ugu baaqay inay garab istaagaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo u heelan tahay inay wixii awoodeeda ah wax ka qabato.