Xog Daawo: Xasan sh, & Sh.Shariif Yaa ku Adkaaday Doorashadii Maanta ee Aqalka Sare

0
723

Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ee loo galay Kursiga Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa waxaa isu soo sharraxay Xildhibaano ay kala wataan Musharraxiinta Kala Ah Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed Ayaa watay Musharrax Cabdi Axmed Dhuxulow “Dheg dheer” oo isagu si dar dar leh ugu soo gudbay wareegyada kowaad labaad inkastoo laga Guuleystay wareegii seddaxaad.

Musharrax Dhuxulow ayaa waxaa uu taageero xoogan ka helayay Sheekh Shariif kaas oo dhaqaalo ku bixiyay sidii uu kursiga Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ugu soo bixi lahaa oo isagu helay codad gaaray 22 cod.

Musharrax Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” ayaa waxaa uu isna taageero ka helayay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday kaas oo taageero lacageed tii ugu badneyd ku bixiyay sidii uu u guuleysan lahaa “Bukhaari”.

Xasan sheekh ayaa lacagta uu bixiyey lagu qayaasay Hal Milyan oo Dollar taas oo ugu tala galay sidii kursiga Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ay u heli lahaayeen Kooxda Damul-Jadiid, waxaana taas ay ka dhax muuqatay qaabkuu codadka u helay Abshir.

Seddaxdii Wareeg ee Doorashada Ee Lagalay ayuu Abshir Bukhaari uu helay Codadkii Ugu Badnaa ee Xildhibaanada Aqalka Sare isagoona ugu dambeyntii helay 30 Cod taas oo uu ku noqday Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Xildhibaanada Aqalka Sare.

Abshir Bukhaari waa Sentorkii ugu horeeyay Ee Soomaaliya ay yeelato isagoo laga soo doortay Deegaanada Galmudug waxaana uu yahay aqoon yahan Da’yar oo Markii ugu horeysay ka mid Noqda Maamul Dowli ah.

Loolanka ugu Adag iyo Awooda taageero Musharraxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ay hadda ka dhax muuqataa Xildhibaanada Labada Aqal iyo Doorashooyinkii Loo galay Hogganka Golaha shacabka iyo kan Aqalka sare.

Ugu dambeyn Dadka Falan qeeya Siyaasada iyo Arrimaha Doorashada Dalka waxaa ay sheegayaan in Awooda doorashada iyo Loolanka ugu adag in uu dhax mari doono Maamilinta Cod bixinta Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh kuwaas oo Misaan ku dhax leh Xildhibaanada BFS.

https://youtu.be/iN185KAGON4?t=7