Xog: Tirada Musharraxiinta Golayaasha Deegaanka Ee La Soo Celiyay Iyo Tirada Ansaxday

0
304

 

Xogta tirada musharraxiinta Golayaasha Deegaanka ee la soo celiyay, tirada ansaxday iyo Xisbiga WADDANI oo hoggaaminaya Degmooyinka Darajada (A):

Jamhuuriyadda Somaliland waxa laga codaynayaa 20 Degmo doorasho dalka oo dhan, waxa ay ahayd in ay sharraxan xisbi kasta 220 Xildhibaan oo ka tartamayaa degmooyinka derajada A oo 95 kursi derajada B oo ah 55 kursi iyo derajada C oo ah 70 kursi.

Tirada saddexda Xisbi u sharraxan doorashada 31 May 2021 waxay kala yihiin:

UCID 147 oo u dhiganta 67%
KULMIYE 190 oo u dhiganta 86%
WADDANI 184 oo u dhignta 83%

Saddexda Xisbi qaran musharraxiinta ku baaqatay.

Guud ahaan saddexda Xisbi qaran waxa ku baaqday 139 musharrax oo ay bannaan tahay liiskooda musharraxnimo wadarta kuraasta bannaani waxay u dhigantaa 21% wadarta msushrraxiinta tartamayaa dalkuna waxay u dhigantaa 79%

UCID 73 Kursi
KULMIYE 30 Kursi
WADDNI 36 Kursi

Tirada guud ee Degmooyinka Derajada A

Guud ahaan Somaliland tirada guud ee degmooyinka darajada A waa 7 Degmo doorasho waxaana ka tartamaaya 95 musharrax xisbi kasta.

Tirada Xildhibaanada Degmooyinka Derjasa A waa 95 xildhibaan, Xisbiga keliya oo buuxiyey waa Xisbiga WADDANI.
Tirada musharraxinta laga diiday saddexda xisbi qaran wadar ahaan waa

UCID 6% Ceerigaabo 4 masharrax Boorama 2 musharrax
KULMIYE 4% waxa lagu soo celiyay Berbera 2 musharrax Ceerigaabo 1 musharrax Boorama 1 musharrax.
WADDANI 0% dhammaan waa la ansixiyay 95 musharrax.

Dhammaan kuraasta bannan lama soo buxinaayo waxaana lagu geleyaa doorashada tiradaa.

Xisbi ahaan waxa sharaf noo ah in aan nalaga diidin oo aan nalagu soo celin musharraxiintii Degmooyinka A-da ah oo tiradoodu dhantahay 95, waxaanan rajaynayaa in aanu hoggaamin doono wadarta guud ee musharraxiinta guulaysta, waxa mahadnaq mudan guud ahaan guddiyadii, maamulka iyo masuuliyiinta ka shaqeeyay suuragalnimada guushaa.

Waxaa qorey, Maxamed Siddiiq Dhamme.
Xog. Arr. Bulshada Xisbiga WADDANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here