Xukumadda Somaliland Oo Sheegtay In Turkigu Fulin Waayay Ballan Uu U Qaaday 2013.

0
462

Xukumadda Somaliland Oo Sheegtay In Turkigu Fulin Waayay Ballan Uu U Qaaday 2013.

Hargeysa(warsugannews)September-03-2015-Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye) ayaa sheegay in dawladda Turkigu ay kaga baxday ama aanay waxba weli ka haynin balan-qaadkeedii ahaa in ay dib-u-dhsi ku samaynayso cusbitaalka guud ee Hargaysa.isla markaana qaran ahaan ay Somaliland isku tashanayso lana dhiso qaybta gar-gaarka deg-dega ah oo la dhisay 1953.

Waxa kale oo uu sheegay in ay imika hayaan lacag gaadhaysa $150,000 dollar oo la doonayo in lagu bilaabo dhismaha cusbitaalka guud ee Hargaysa. Wasiirku waxa uu tilmaamay in safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya oo Hargaysa booqasho ku yimid sanadkii 2013-kii uu balan qaaday in ay dib-u-dhis iyo qalabayn ku samayn doonaan cusbitaalka guud ee Hargaysa.

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay su’aal uu weriye ka tirsan wargeyska DAWAN ku waydiiyay munaasibad uu shalay kula wareegayay deeq lacageed oo ay bixiyeen shirkadaha Shaafici iyo Dalsan oo ka mid ah shirkadaha soo dejiya daawooyinka, lacagtaasi oo kaga qayb qaadanayaan bilawga casriyaynta dhismaha cusbitaalka guud ee Hargaysa.

Waxaanu yidhi “Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa halkan inoogu yimid sanadkii 2013-kii bishii December. Waxay balan qaadeen in ay dhisayaan cusbitaalka guud ee Hargaysa. Nasiib darro se ilaa hadda wax aanu ka haynaa ma jirto. Muddo laba sanadood ah ayaa ka soo wareegtay, mana jirto wax aanu weli ka haynaa”.

Wasiirka oo la waydiiyay in ay wax xidhiidh ah arrintaasi kala sameeyeen dawladda Turkiga, waxa uu ku jawaabay “Dhawr jeer ayay wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland xidhiidh la samaysay, laakiin weli wax natiijo ah kama hayno” ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.

Cusbitaalka guud ee Hargaysa oo ay dawladda Ingiriisku dhistay sanadkii 1953-kii, wixii ka danbeeyay ilaa maanta aan wax weyn oo wax dib-udhis ah aan lagu samaynin. Iyadoo xiligaasi dadka ku nool magaaladda Hargaysa iyo hareeraheedu ay qiyaas ahaan gaadhayeen 50,000 qof, halka ay maanta tiradu gaadhayso milyan iyo dheeraad ruux.

Dawladda Turkiga oo dhexdhexaadinaysay sanadadii u dambeeyay Somaliland iyo Somalia ayaa bulshada Somaliland u aragtaa mid u jajaban una dhego nugul Koonfurta Somalia oo gargaar iyo dib u dhisba ka wada, balse Somaliland ka qadisay taakulaynteeda.

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here