Xukuumada Itoobiya si weyn u soo dhoweysay Gudoomiyaha KULMIYE, oo maantana la kulmi doona Raysal-wasaare Md. Desalegn

0
380

Addis Ababa-(WSN)- Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga KULMIYE ahna Gudoomiyaha Xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi Abdi ayaa soo dhoweyn heerkeedu sarrayso la sheegay inuu kala kulmay xukuumada Itoobiya, martiqaad rasmi ah uu ka helay Raysal-wasaaraha Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE. Md. Muuse Biixi ayaa la sheegay in qolka martida (VIP) ee garoonka diyaaradaha ee caasimada Addis Ababa uu ku soo dhoweeyey Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Mr. Axmed Shide iyo madax ka socotay xukuumada Itoobiya, sida uu xaqiijiyey safiir-xigeenka safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya Mr. Ayaanle Salaad Diiriye.

Mr. Biixi ayaa la filayaa inuu maanta kulan rasmi ah la qaato Raysal-wasaaraha Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn, oo martiqaad rasmi ah uu u fidiyey Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ku tegay dalka Itoobiya, isagoo hogaaminaya wefdi xukuumada Somaliland ka tirsan.

Kulanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Md Desalegn ayaa la filayaa inuu ka soo baxo natiijo wax weyn ka tari doonta xidhiidhka iyo cilaaqaadka labada wadan iyo labada shacab wadaagaan, isla markaana dib idiin soo tebin doonaa insha alaah waxii ka soo baxa.