Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Waxaa Ka Go’an Horumarinta Qaranka

0
313

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Waxaa Ka Go’an Horumarinta Qaranka

Ka dib curashadii Dawladda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo guud ahaanba dalku waxa uu galay isbedel siyaasadeed iyo mid dhaqan dhaqaale, Miyaasandii qaranka ayaa korodhay markii ugu horaysay , waxaana xukuumada maanta jirtaa ay soo bandhigtay 100 cisho ee ugu horeeyey waxqabadkeedii sidoo kalena waxaa jira guulo lagu xusuusan doono hogaaminta wanaagsan ee Madaxweyne siilaanyo mudadaaasi uu qaranka gadhwadeenka u ahaa.

Inkasta oo uu xilka qaranku qori isu dhiib yahay ninba meel soo gaadhsiiyo Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo Somaliland waxa uu gaadhsiiyey homumar iyo guulo aan aanay hore u gaadhin, waxyaabaha ugu waa weyn ee lagu xusaasun doono waxaa kamida ku dhacii uu ku dhiiraday Wadada Ceerigaabo iyo Burco, Dero bixintii Ciimada Qaranka, Qabashadii Doorashadoo Golayaasha Deegaanka, Dhismaha Wadooyinka kala duwan , Safaradii uu ku galaa bixiyey Dalka oo dhan Saylac ilaaa Laasqoray, u hoyashadii geesinamada lahady ee Laascaanood, dhismaha iyo dhiiri gelinta Ciidamada kala duwan Qaranka, Waxbarasahda Bilaashka laga dhigay iyo fidinta goobaha caafimaadka, sidoo kale mashruuca weyn ee DP World ee maalin gelinta Dekeda Berbera.
Siyaasada Madaxweyaha waxaa ka dhabeeyey Shaqayaaano uu tababaray islamarkaana muujiyey kalsooni daacadnimo iyo dedaal aanay waxba iskula hadhin, waxaana ay ku suntan yihiin guulaha uu qarankani gaadhay inay yihiin ka sakow ilaahay cida qabatay ee madaxweynaah la garab shashay sababna u noqday inuu Madaxweynuhu mudadaasi uu guulaysto shacabkiisana wax badan taro, waa midaan marnaba taariikhda ka masaxmi doonin.

Hogaamiye kasta oo doonaya inuu dalkan hogaamiyo waa mid ka tusaale qaadan hogaaminta hayinimada leh ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu qarankani ku hogaaminaayey 7 sanadood,intaa uu marajaha hayeyna waxaa suuro galay isbedelo badan oo xukuumadiisu samaysay kuwaas oo maanta la taaban karo indhaha aadamuhuna arkayaan.