Xukuumada Somaliland Oo Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Qaranka U Dirtay Dalka Giriiga Si Uu Uga Qaybgalo Arrimo La Xidhiidha Doonidii Ku Qarraqantay Badda Masar Iyo Giriiga u Dhaxaysa

0
373

Xukuumada Somaliland Oo Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Qaranka U Dirtay Dalka Giriiga Si Uu Uga Qaybgalo Arrimo La Xidhiidha Doonidii Ku Qarraqantay Badda Masar Iyo Giriiga u Dhaxaysa

Hargeysa(Warsugannews)22.04.2016- Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Dalka Giriiga u dirtay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, si uu gacan buuxda uga geysto Caawimada dadkii reer Somaliland ee ka badbaaday Doonidii ku Qarraqantay Badweynta Mediterranean ka, isla markaasna uu warbixin sugan ka keeno sida uu shilku u dhacay iyo tirada rasmiga ah ee Somaliland u dhalatay ee masiibadaas wax ku noqotay, Waxa kale oo masuulkani kulamo la yeellan doonaa ururrada kala duwan ee gacanta ku haya arrintan.

Iyadoo Xukuumada Somaliland gudanaysa Waajibka ka saaran Ilaalinta iyo Daryeelka Muwaadiniinteeda waxay maalihii u danbeeyay xidhiidho joogto ah la samaynaysay Dadkii ka badbaaday Doonidaas Qarraqantay oo imika laga soo saaray Jasiirada Kalamata oo ay ku jireen loona soo wareejiyay Caasimada Dalka Giriiga ee Athens iyo laamaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ee ay ka mid tahay Hay’ada IOM. Waxa kale oo Xukuumada Somaliland ay u hawl galaysaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Dambiilayaasha ka ganacsada Tahriibka iyada oo lala kaashan doono Wadamada Jaarka ah iyo kuwa aynu Saaxiibka Nahay.

Arrintan ayaa ka dambaysay in shacbi iyo xukuumadba meel looga soo wada jeedo badbaada iyo ka hortaga da’a yarta naftooda ku bimaysa badaha khatarta badan ee ay hore ugu naf waayeen kuwii ka horeeyey, hooyooyin iyo aabbooyin badanina ay ku goblameen.